Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Kulan Heer Gobola Oo Ay Soo Qabanqaabiyeen Gudida Dhalinyarada Gobolka Sanaag Oo Bilawday
September 5, 2008


Mudooyin badana waxa dhacda in balanqaadyo la sameeyo lagu sheegayo in wax lagaga qabanayo

Gudida Dhalinyarada Gobolka Sanaag (SRYDC) ayaa waxay soo qabanqaabiyeen kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhalinyarta gobolka Sanaag, kulankaas oo lagaga hadlayey arimaha dibudhaca ku keenay gobolka Sanaag, ayaa dhalinyaradu ahaa kii ugu xasaasinaa ee dhalinyaradu ka yeelato dibudhaca gobolka.

Dhalinyarada ayaa waxay kulankooda ku falanqaynayeen isla markaana ku lafa gurayeen dhibaatooyinka isa soo taraya ee ragaadiyey guud ahaan gobolka, kuwaas oo guud ahaan saamayn ku yeeshay nolosha kumanaan qoys oo ku dhaqan gobolka, dhibaatooyinkaas ay ka midyihiin; Sixirbararka, dhalinta sida sharci darada u tahriibta, tayada iyo habka waxbarashada ee liita, burburka lagu hayo deegaanka, waxsoosaarka gobolka oo hooseeya looga faa’iidaysan sidii loogu talo galay maadaama gobolku leeyahay waxsoosaarka beeraha, xabkaha, xoolaha nool iyo kaluumaysigaba, fakhriga hadheeyey qoysaska ku dhaqan gobolka, adeega bulshada oo isaguna meesha ka baxay sida waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, qabyaalada sidoo kale waa mid aad dhalinyaradu uga doodeen kuna tilmaameen xididada horumar la’aanta, mushkiladaha kale ee sida weyn loogu soo qaaday kulankan ayaa iyana waxaa ka mid ah gobolka oon lahayn cid u dooda xuquuqdiisa mid dawladeed iyo mid hayaha samafalka ahba lagana duudsiieyey xaqiisi, abaaraha dabada dheeraday iyo maandooriyaasha ayaa aad looga dooday kulankii ay isugu yimaadeen dhalinyaradu.

Ixtimaalka dhalinyarada iyo doorka horumarka gobolka ayaa ahaa mudooyinkii hore mid aad ugu aan ka muuqan gobolka, kulamadan ay sameeyeen dhalinyaradu ayaa noqotay mid layaab ku noqotay bulsha weynta ku dhaqan gobolka iyaga oo aad u soo dhaweeyey isla markaana u arka astaan cusub oo isbedel keeni karta, waxaana iminka Gudida Dhalinyarada Gobolka Sanaag ay ku hawlantahay inay isugu yeedho dhamaan qaybaha dadweynaha, madaxda dawlada, hayadaha, qurba-jooga kulan ay ugu soo bandhigayso mushkiladahan ragaadiyey gobolka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa.

Su’aalaha taagan?

Doorka dawlada iyo hayadaha ayaa ah mida sida aadka ah loogu baahanyahay, mudooyin badana waxa dhacda in balanqaadyo la sameeyo lagu sheegayo in wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka haysta gobolka balse fulintoodu aanay dhicin, dhibaatadan jirta oo u baahan in talaabo degdega laga qaado ayaan la sii odorosi karayn kaalimaha dawlada iyo hayadaha samafalku ka qaadan doonaan

Abdinasser (Mahad) Ahmed H. Adam
afgobaad@hotmail.com
Ceerigaabo,SL
 










 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp