Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Natiijada Kulankii Ugu Horreeyey Ee Wadahadallada Wejiga 2aad Ee Khilaafka Xisbiga KULMIYE
September 5, 2008


Kulankii ugu horreeyey wejiga labaad ee wadahadallada garabyada xisbiga KULMIYE ee khilaafku u dhexeeyo,ayaa xalay cawayskii si rasmi ah ugu bilaabmay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Kulankan koowaad ee furitaanka wejiga labaad ee wadahadallada khilaaf-saarka dhinacyada KULMIYE ee sida weyn isugu maandhaafsan natiijada shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu dhowaan ku yeeshay magaalada Burco oo ahaa fadhi qayilaadeed si weyn loo soo agaasimay, isla markaana saxaafadda loo diiday, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha labada geesood u metelayey wejigii hore ee wadahadallada xalka loogu raadinayo muranka cakiran ee ka dhashay doorashadii murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa xisbiga KULMIYE uga qaybgalaya tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto horrtaanta bisha March ee sannadka 2009.

Wejiga labaad ee wadahadallada oo ay soo qabanqaabiyeen guddi gaar ah oo xisbigu u xilsaaray xallinta khilaafka ka dhex aloosan siyaasiyiinta miisaanka leh ee KULMIYE oo si weyn isugu maandhaafay natiijada shirkii Golaha Dhexe iyo habkii loo maamulay doorashada murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo loo caleemo-saaray Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici, balse ay si adag ganafka ugu dhufteen siyaasiyiin door ah oo qaarkood ahaayeen murrashaxiin u tartamayey jagada Madaxweyne-ku-xigeenka,kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Axmed Xaaji Cali Cadami iyo in ka badan 60 xubnood oo ka mid ah taageerayaashooda Golaha Dhexe.

Weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo xalay booqday hoolka hoteelka Ambassador ee uu ka furmay kulanka koowaad ee wejiga labaad ee wadahadallada garabyada KULMIYE, ayaanay u suurtogalin inay wax sawirro ah ka qaadaan madasha fadhi-qayilaadeedka oo ay ka dhex muuqdeen badi siyaasiyiinta labada dhinac uga qaybgalaya khilaaf-saarka xisbiga dhexdiisa, kadib markii xubnaha qabanqaabadu ku wargeliyeen in kulamadu yihiin qaar aan saxaafadda loo oggolayn, balse marka ay dhammaadaan warbaahinta loo soo badhigi doono natiijada ka soo baxda.

Md. Maxamed Cabdillaahi Ismaaciil (Beergeel) oo shirka xalay guddoominayey, ayaa markii kulankaasi dhammaaday Jamhuuriya khadka telefoonka ugu sheegay in wadahadalladu ku bilaabmeen jawi fiican, kuna dhammaadeen, isla markaana lagu heshiiyey in habeenka Axadda soo gelayso la isugu soo noqdo.

"Maansha Allaah, shirkii si wanaagsan buu noogu dhammaaday si fiican buuna u socday, waxana madasha shirka ka muuqday jewi wanaagsan oo saaxiibtinimo oo labada qolaba danaynayeen in khilaafku si degdeg ah u soo afjarmo, si wanaagsan bayna isku afgarteen, waxaanna lagu heshiiyey in wadahadalladu sii socdaan oo habeenimada Axaddu soo galayso kulan dambe la isugu yimaad, iyadoo labada geesoodba uu ka muuqday dareen ay ku doonayaan in khilaafka xisbiga dhexdiisa la soo afjaro,” ayuu yidhi Md. Beergeel.

Labada garab ee kulanka ku yeeshay huteel Ambassador oo iyaguna aannu la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan shirkooda, iyaga oo sheegay in hadallada saxaafadda loogu talogalay ay u wakiisheen Mr. Maxamed Ismaaciil Beergeel.

Laakiin sida ay warar xogogaal ah oo u dhow-dhow kulankii xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxay labada dhinacba la gole yimaaddeen mawqifyo adag oo midkastaaba dhiniciisa u watay, iyada oo ilaa hadda aanu midna dhiniciisa wax tanaasul ah la iman.

__

Source: Jamhuuriya








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp