Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Baadhista Hantidhawrka iyo Agaasimihii Maamulka & Lacagta Oo Si Kedis Ah Dalka Uga Baxay
September 3, 2008


Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ah Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Jaamacadda Mr. Maxamed Maxamuud Faarax (Madoobe), ayaa shalay si kedis ah dalka uga ambabaxay, iyada oo uu jaamacadda ku jiro odhat baadhaya qaabka loo maamulo hantida jaamacadda.

Sida ay warar xogogaal oo u dhuun daloola arrimaha jaamacaddu xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa uu agaasimaha maamulka iyo lacagta u ambabaxay shalay dalka Canada, iyada oo arrintana ku soo began tahay odhankii oo wali jaamacadda ku jira, isla markaana aan ilaa hadda wax natiijo ah ka soo saarin baadhistooda la xidhiidha habka maamulka hantida jaamacaddu u socdo, iyadoo shaki weyn laga qabo in waaxda maamulka iyo lacagta ee Jaamacadda Hargeysa hanti badan lunsaday.

Arrintaas oo soo baxday kadib markii sannadkii 2005-tii uu jaamacadda galay odhat, kaas oo lagu ogaaday in musuq-maasuq badani ka dhacay, isla markaana la lunsaday lacago badan oo jaamacaddu leedahay.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Jaamacadda Hargeysa Maxamed Maxamuud Faarax (Madoobe) ayaa sida ay wararka xogogaal ahi tibaaxayaan waxa lagu tuhunsan yahay in muddadii uu xilka hayey musuq-maasuq xooggani ka socday jaamacadda, taas oo sababtay in marar badan macallimiinta iyo shaqaalaha jaamacaddu mushahar la’aan iyo maamul-xumo ka cawdaan, iyada oo lacag la’aan iyo dhaqaale-xumo aanay jaamacadda haysan, waxaanna jirta in hadda shaqaalaha iyo macallimiinta Jaamacadda Hargeysa ay laba ilaa siddeed bilood inta u dhexeysa aanay wax mushahar ah qaadan, iyada oo arrintaasna aanay dhaqaale xumo keenin ee maamul-xumada jirtaa sababtay. Taas oo masuuliyadeedana loo aanaynayo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta.

Jaamacadda Hargeysa oo tan iyo waqtigii la aasaasay maraysa halkii ugu fiicnady ayaa waxa haatan wax ka barta laba kun ilaa laba kun iyo laba boqol oo arday, halkaas oo bishiiba ay jaamacada ka soo gasho lacag ku dhow boqol kun oo dollar [$100,000], iyada oo dhinaca kalena jaamacada taageero dhaqaale ka hesha dawladda, hay’adaha, shirkadaha dalka, qurbo-jooga reer Somaliland iyo dadweynahaba.

Beryahan u dambeeyey waxa jiray khilaaf baaxad leh oo ka taagnaa maamulka jaamacadda, taas oo sababtay in xukuumaddu guddiyo u saarto, lamana oga ilaa hadda halka khilaafyadaasi ku dambeeyeen, laakiin waxa la ogyahay nidaam-xumo dhinaca dhaqaalaha ah oo jaamacadda hadheeyey.

__

Source: Jamhuuriya








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp