Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Shixnaddii U Horreysay Ee Agabka Hawlaha Diiwaagelinta Oo Dalka Soo Gaadhay
September 3, 2008


Shixnaddii u horreysay ee qalabka loogu talogalay in lagu fuliyo hawlaha diiwaangelinta codbixinyeyaasha yo doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay ka soo degay madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Shixnadda agabka diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo ay sidday diyaarad khaas ah, ayaa sida masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinku sheegeen waxa laga kala keenay dalalka Hindiya iyo Shiinaha.

Agabkan oo qayb ka ah qalabka loogu talogalay in lagu fuliyo hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacaan badhtamaha bisha October ee sannadkan iyo horraanta bisha March ee sannadka dambe, waxay samaysay shirkad magaceeda la yidhaa ECIL oo xarunteedu tahay magaalada Haydarabaad ee dalka Hindiya, waxaannu Somaliland keentay shirkadda Copenhagen Elections – (Denmark), taas oo loo xilsaaray inay fuliso keenista iyo farsamada qalabka loogu talogalay hawsha Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.

Qalabkan oo ku moorgaraysnaa sexaarado, ayaa markii laga dejiyey diyaaradii siday lagu daabulay baabuurta waaweyn ee xamuulka, kuwaas oo ku dejiyey xarunta Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal, halkaas oo Komishanka Doorashooyinku sheegeen inay ooli doonaan muddada ka hadhay hawsha Diiwaangelinta.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Qaranka ahna xubin ka tirsan Komishanka doorashooyinka Mr. Ismaaciil Muuse Nuur oo saxaafadda kula hadlayey shalay xarunta Sooyaal ee la dhigay qalabka, ayaa sheegay in qalabkani yahay 90% qayb ka mid ah agabka loogu talogalay in lagu fuliyo hawlaha Diiwaagelinta iyo Doorashooyinka, isla markaana ay ka maqan yihiin oo keliya qalabka electarooniga, kuwaas oo uu xusay inay dalka soo gaadhi donaan 14 bishan.

“Qalabkan waxa uu ka mid yahay qalabka loogu talogalay hawlaha diiwaangelinta doorashooyinka oo ka kooban foomam daabacan iyo warqado adag oo laga samaynayo kaadhadhka aqoonsiga muwaadinka iyo ka lagu codaynayo, markaa 90% qalabkii lagaga shaqaynayey hawlaha goobaha doorashooyinka weeye qalabkan maanta yimi, waxa kale oo aannu bishan 14keeda inay yimaaddaan qalabkii electoriniga ahaa sida computer-dii, koobiyadii iyo wixii la mid ah oo isku wada xidhan,” ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muuse Nuur, waxaannu intaa ku daray, “Qalabkan waxa noo sameeyey kabaniga magaciisa la yidhaa ECIL oo ah kabaniga Hindiya u sameeya qalabka doorashooyinka, annagu kabaniga Maraykan ah ayaanu wakiilanay oo ku takhasusay illaalinta tayada qalabka, waxaananu ugu dirnay si uu nooga soo eego alaabtaas tayadeeda inay tahay mid doorasho lagu qaban karo iyo in kale, annaga laftayaduna waannu tagnay oo waanu soo eegnay. Alaabta waxa laga kala keenay China iyo India, waxaana siday diyaarad khaas ah, waxaana dhinaca farsamada iyo qaadqaadista qalabka ku shaqo leh kambani kale oo la yidhaa Copenhagen Elections, waxaana hadda la socda qalabkan nin wakiil ka ah kambinagaas.”

Geesta kale, waxa Guddoomiyuhu deedafeeyey eedaymo loo soo jeediyey shirkadda Copenhagen oo sheegaya in ay tahay mid curdin ah, isla markaana ku guuldarraysatay hawlo hore oo doorashooyin, isagoo tibaaxay in aan shirkaddan shaqadeedu ahayn doorasho, balse tahay u kala qaadista qalabka ee shirkadaha qabta doorashooyinka.

“Shirkadda Copenhagen Elections doorasho ma qabato kamana shaqayso, waxay shaqadeedu tahay qaadqaadista alaabta shirkadaha kale sameeyaan, laakiin dadka ka sheegaya dhaliilahan iyo waxani waa dad aan aqoon u lahayn waxay ka shaqayso, waa dad borobagaandho uun wada,” ayuu Md. Ismaaciil Muuse Nuur hadalkiisa ku soo gebogabeeye

__

Source: Jamhuuriya







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp