Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Shaaca ka Inay Qaban Doonaan Shir aan Caadi ahayn Hadday Fashilmaan Wadahadallada Socdaa
September 2, 2008


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Jaamac Cabdillaahi Shabeel, ayaa shaaca ka qaaday in xubno soo gudbiyey mooshinka ay ku dalbanayaan in la qabto shirweyne aan caadi ahayn magacyadooda ay saxeexeen oo dhammaantood ka tirsan yihiin Golaha Dhexe ee KULMIYE, isla markaana uu mooshinkaas ansax yahay.

Guddoomiye Jaamac Shabeel oo xalay Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka telefoonka waxa uu sheegay in mooshinkaas maray sifihii sharciga ahaa, magacyada ku saxeexanna oo tiradoodu gaadhayso lixdan xubnood ansax yihiin.

Md. Jaamac Cabdillaahi Shabeel oo aannu waydiinay maadaama magacyada mooshinka ku saxeexan ansax yihiin waqtiga ay qaban doonaan shirka aan caadiga ahayn ee xubnaas mooshinkooda ku dalbanayaan, waxa uu xusay inay ka dhursugayaan waxa ka soo baxa wadahadallada u socda dhinacyada uu u dhexeeyo khilaaafka ka dhashay natiijada ka soo baxday shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ku qabsoomay magaalada Burco.

Isaga oo oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Xubnaha tiradoodu gaadhayso lixdanka ee ku saxeexan mooshinka magacyadoodu waa sax, iminkana waxa socda oo aannu ka dhursugaynaa wadahadallada u socda dhinacyada KULMIYE ee khilaafku u dhexeeyuo, wadahadalladaas ayaanu ka dhursugaynaa waxa ka soo baxa markaa haddii wadahadalka la isku afgarto waa arrin fiican, haddii lagu kala kacana Golaha Dhexe ayaanu isugu yeedhaynaa oo shir aan caadi ahayn ayaanun qaban doonaa, mooshinkana Golaha waannu horgeyn doonaa.”

Lixdan xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE ayaa hore ugu gudbiyey shirguddoonka mooshin ay ku dalbanayaan in la qabto shirweyne aan caadi ahayn, iyaga oo gudbinta mooshinkana u cuskaday qodobka 30aad ee distoorka xisbiga KULMIYE oo qeexaya in 30 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ay soo jeedin karaan shirweyne aan caadi ahayn oo la isugu yeedho Golaha Dhexe.

Mooshinka ay lixdankan xubnood gudbiyeen waxay ka dambeysay markii khilaaf ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu qabsoomay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, iyada oo isla markiiba la bilaabay waan-waan khilaafka lagu xallinayo, taas oo ilaa hadda socota oo maantana ay labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo u ballansan yihiin kulan khilaafka jira lagaga wada xaajoonayo, iyada oo dhinac kastaaba mawqif adag wato.

__

Source: Jamhuuriya







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp