Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Burco: Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka iyo Gunaanadka Xulista Hawlwadeennada Diiwaangalinta
September 2, 2008


Guddoomiyaha-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Mr.Cali Maxamed Xasan (Biikalo) oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Burco, ayaa shaaca ka qaaday shalay inay soo gunaanadeen qorshe ay ardayda Jaamacadda Burco kaga dhex xulanayeen 120 xubnood oo ka qaybqaadan hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dhowaan dalka ka dhici doonta.

Mr. Biiko oo shalay saxaafadda u warramayey ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen hawlihii ay u joogeen Burco oo ahayd xulidda 120 xubnood ee Komishanka uga qaybgeli doona diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, kuwaas oo uu xusay in laga soo dhex xulay 217 arday oo wax ka waxbarta Jaamacadda Burco, isla markaana laga qaaday imtixaan lagu kala saarayo, kadibna ku guulaysteen 52 gabdhood iyo 68 wiil.

"Waxay qayb ka yihiin 720 xubnood oo heer jaamacadeed ah oo Komishanku ka xulayo jaamacadaha dalka si ay uga qaybqaataan hawsha diiwaangelinta codbixyeyaasha doorashooyinka Somaliland"
Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Burco iyo weliba hawlwadeennada xafiiska diiwaangelinta Gobolka Togdheer oo uu sheegay in ay gacan weyn ka siiyeen kala-xulista ardayda.

Waxa Guddoomiye-ku-xigeenka waxa hawshan ku wehelinayey xubno ka kala socda Diiwaangalinta Qaranka iyo hay,adda InterPeace, kuwaasoo muddo saddex maalmood ah ku hawlanaa kala-xulidda iyo imtixaan-ka-qaadidda aradayda Jaamacadda Burco ee loo qaadanayo hawsha diiwaangalinta ka dhici doonta dalka badhtamaha bisha October ee sannadkan.

Inj.Maxamed oo ka mid ah hawlwadeennada Jaamacadda Burco, ayaa isagu uga mahadceliyay masuuliyiintaas wadashaqayntii wanaagsanayd ay ku dhammaystireen hawsha kala-xulidda ardayda, waxaannu xusay in ay jaamacad ahaan aad ugu faraxsan yihiin ardaydooda ka qaybgelaya hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ?€œWaxaan rajaynayaa in ardaydaasi ka soo bixi doonaan hawshaa loo xushay," ayuu yidhi Eng. Maxamed.

Imtixaanaadka laga qaaday ardaydan waxa ka mid ah aqoonta kombiyuutarka, xawaaraha waxqorista iyo akhriska.

__

Source: Hadhwanaag News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp