Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

R A M A D A A N T A
September 1, 2008


Mahadi waxay u sugnaatay Eebe(subxaanahuu watacaalaa), Rabi baanan gargaar iyo denbi dhaaf waydiisanayeynaa, waxaanan ka magangalaynaa sharka nafteena iyo camaladeena xun, ka uu Eebe hanuuniyo cid luminaysaa ma jirto, kase uu lumiyo cid hanuuninaysaa ma jirto, waxaanan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo ilaahay mooyaane, Muxamedna(amaanta iyo nabadgelyada eebe korkiisa ha ahaatee) inuu yahay rasuulkiisii iyo adoonkiisii. Intaa ka dib, Xikmada Eebe waxay keensatay inay noqoto aduunyadu meel beer u ah aakhiro, qofkuna waxa uu ku beerto uu aakhiro goosanayo. Fadliga Eebe waxaa ka mid ah inuu ku abaalmariyo inta yar in badan ajarkana uu laalaabo, waqtiyadana waxaa ugu weyn uguna barako badan bisha Ramadaan, ee uu Rabi soo dejiyey gudaheeda Quraanka sharafta badan , sidaa darted waxa mudan in qofka muslimka ahi uu u diyaargaroobo bishani barakaysan, fahmana shuruudaheeda, sunankeeda iyo adaabta loo guto cibaadada bishan barakaysan gudaheeda. Walaalkayga muslimka ahow bal qalbigaaga kusoo xaadiri qofka loogu kalgacayl badanyahay agtaada, kaana maqnaa muddo 11 bilood ah, laguuna sheegay inuu soo socdo….. intee inleeg baad ku farxi lahayd imaanshihiisa……. Hadaba muumiintu soo gelida Ramadaan aad bay ugu farxaan , Eebahoodna ugu mahadnaqaan inuu ku simay gaadhida Ramadaan{badanaa walaalaheen inala soomay Ramadaantii hore , hase ahaate Eebahood oofsaday ka hor ramadaantan},waxayna muuminiintu go’aan ku gaadhaan inay korodhsadaan xasanaadka kana fogaadaan xumaanta, kuwaasina waa kuwa uu Eebe ugu bishaaraynayo hadalkiisan “waxaad tidhaahdaa suubanow galada Eebe iyo naxariistiisa , taas ha ku farxeen , ayadaa uga kheyr badan waxay uruurinayaane”YUUNUS(58).

Muuminiintu waxay maqleen hadalka Rasuulka (scw), camal kasta oo binu aadamku sameeyo waa loo laalaabaa , xasanada toban la mid ah ilaa todoba boqol ayaa la laalaabaa , Eebe wuxuu yidhi soomka mooyaane, maxaa yeeley aniga ayaa iska leh, kana abaalmarinaya,qofku wuxuu ka tegay dareenkiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” muslim. Sahal ibnu Sacad (rc) wuxuu ka soo weriyey Nebiga (scw) inuu yidhi “janada waxaa ku yaala albaab la yidhaa: Rayaan, waxaana ka gala keliya dadka sooman maalinta qiyaame, kamana galayo ayaga cid aan ahayn, markay ka galaana waa la xidhaa, cid kalena ka soo galimayso, marka uu galo ka u danbeeya albaabka ayaa la xidhaa, kii galana waa la waraabinayaa, kii la waraabiyaana waligii haraadi mayo”.

SIDEE AYUU UGA HORTAGAYAA KHEYR DOONUHU RAMADAANTA
1- Inuu u degdego toobada suuban ee dhabta ah , dhamaystirana shuruudaheeda.

2- Inuu barto waxyaabaha lagama maarmaanka u ah soomka

3- Inuu goosto inuu Ramadaanta daacada Eebe badiyo

4- Inuu ogaado inay Ramadaantu siduu Eebe(sw) ku tilmaamay tahay maalmo tirsan, degdegna ku dhamaanaysa, mashaqada soo gaadha qofka Ramadaanta gudaheeduna ay tahay mid tagaysa, waxa soo hadhayaan uu yahay keliya qof walba wuxuu shaqaystay ee uu dhigta bangiga xasanaadka.

5- Inuu ku dedaalo xifdiga adkaarta ka soo aroortay nebiga (scw).

6- Inuu badsado camalka wanaagsan b- Quraan akhrinta t- Qiyaamu leylka j- Sadaqada, mid salafka ka mid ahaa wuxuu yidhi “ inaan u yeedho tobada saaxiibaday ka mid ah oo aan quudiyo baa looga jaceyl badan yahay agtayda inaan xoreeyo toban adoon. Qaar badan oo salafka ka mid ahina waxay u doorbidi jireen afurkooda dadka kale sida Ibn Cumar(rc), Daa’uud adaa’ii, Maalik ibnu Diinaar,Axmed ibnu Xanbal eebe ha u naxariisto dhamaane. Ibnu Cumarna wuxuu ahaa mid aan afurin kaligii , waxaa la afuri jiray masaakiinta iyo agoonta. Hadaba walaalkayga iyo walaashayda muslimada ahey waxaa inala gudboon inaan ku dadaalno inaynaan keligeen afurin, ee ay inala afuraan walaalaheen si aan u helno laba ajar, ka soonka iyo ka afurinta walaalkaaga muslimka ahba Nebiguna (scw) wuxuu yidhi ka afuriya mid sooman waxaa u sugnaaday ajrigiisa oo kale ayadoo midkoodna aan laga nuqsaaminay ajriga soomkooda.Abu Daa’uud , nasaa’i ( sanad xasan ah). Sidoo kale waxaa ku sugnaatay xadiiskii saxaabigii qaaliga ahaa Zayd ibn Khalid al-juhayni inuu Nebigu (scw) yidhi ka quudiya mid sooman waxaa loo qoraa ajrigiisa oo kale ayadoo aan la nuqsaaminayn ka soomana ajrigiisa” Imam Axmed, Tirmidhi waanu saxiixayey, Ibnu Xibaan iyo qayrkoodba.

7- Ku negaanshaha masaajidka bacda salaada subax , wuxuu ahaa Nebigeenu(scw) mid fadhiya meesha uu ku tukado ilaa qoraxdu ka soo baxayso, ka dibna wuxuu tukan jiray laba rakcadood oo u dhigma xaj iyo cumro dhamaystiran, dhamaystiran , dhamaystiran, siduu yidhi nebigu(swc).

8- Ictikaafka ama ku sugnaanshaha masaajidka

9- Cumro soo gudashada bisha gudaheeda taasi oo uu ku tilmaamay Rasuulku(scw) mid u dhiganta xaj lala xajiyey asaga.

10- Inuu badiyo sunayaasha salaadaha faralka ah gadaashooda

11- Inuu ku dadaalo inuu salaada la tukado jamaacada masaajidka. Haddii aan ka gudubno hordhacaasi , Eebe wuxuu inooga warmayey inuu inagu waajib yeelay soomka siduu ugu waajib yeelay kuwii inaga horeeyey, umadanina ma aha ta keliya ee soomka lagu waajibyeelay, waxa kale oo Eebe (sw) inooga waramay in soomku soo jiido alle ka cabsi, insaankuna uu iskaga ilaaliyo soomka dareenka naftiisa, wuxuu yidhi Eebe: “ kuwa Eebe iyo rasuulkiisaba rumeeyow waxaa lagu waajib yeelay soomka korkiina sidii loogu waajib yeelay kuwii idinka horeeyeyba, mudnaantiina inaad eebe ka baqataaan” BAQARAH(183). Soomku waa maalmo tirsan, bilowgiina soomku wuxuu ahaa sunne , kii doonaana waa soomi jiray, kii kalena waa iska afuri jiray, Eebe wuxuu yidhi “ maalmo tirsan weeyi soomku ka safar ku jira ama buka waxaa korkooda ahaaday inay soomaan maalmo kale, kuwa uu dhibayo soomkuna waxaa korkooda ah inay waxbixiyaan ( hal miskiin maalintiiba), qofka korodhsada wanaaga, khayrka uu korodhsaday baa u fiican, inaad soomtaan ayaa idiin fiicnaan badan , haddii aad tihiin kuwa garanaya” BAQARAH(184).







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp