Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Booliska Hargaysa Oo Gacanta Ku Dhigay 5 Nin iyo 2 Gaadhi
October 31, 2008

Ciidanka B ooliska Hargeysa ayaa maanta duhurkii gacanta ku dhigay 5 nin iyo 2 gaadhi oo lagu xidhiidhinayo qaraxyadii dadka badan ka dhacay magaalada Hargeysa. Sida ay caddeeyeen saraakiisha booliska Saldhigga ee Dalloodho afar ka mid ah raggaas ayaa laga qabtay guri ay deganaayeen oo ku yaal xaafadda Cabbaaye, kaas oo la sheegay in ay dhowaan ku iibsadeen lacag gaadhaysa $35, 000, halka ninka shanaad oo isla gurigaas deganaa uu ka cararay booliska isagoo watay baabuur yar oo noociisu yahay Grande. Dad goob-joogayaal deggan xaafaddaas ayaa caddeeyey in boolisku gurigaas ka soo saareen xidhmooyin waraaqo ah iyo laba shandadood kuwa yaryar ah, balse aan la garanayn waxa ku jira.

Hoggaanka Impegati Oo U Muuqda Mid Ay U dhamaatay
October 28, 2008 - Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale

Haddalkii uu maanta ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia, kulankii Wasiirada Arrimaha Dibade ee IGAD, Guddoomiyaha Baarlamaanka Impegati, Prime-Ministerka Impegati iyo xildhibaanada Impagati, ayaa u muuqday in naxashkii lagu riday hoggaanka Impaegati musbaarkii u danbeeyay ee dubihii lagu dhuftay, uu ahaa. Seyum Mesfin, wuxuu cadeeyey in xukuumadii Impegati ku guuleysan weyday siyaasadii iyo sugidii nabada midkoodna. Markuu hadlay Sheekh Aadan Madoobe, 5 xildhibaan uu hadalka siiyey Afar kamid ihi waxay ku baaqeen in C/Laahi Yuusuf hawshu ka socon weydey, ay tahayna in labadelo Madaxda xukuumada. Kadib markii laysla oogsadey sawaxan iyo qaylo ayuu Seyum Mesfin shirkii xidhay isaga oo ku dhawaaqay inuu beri la isku iman doono.

Warar Waabsan
October 22, 2008

Wararku waxay sheegayaan in shirweynihii xisbiga UDUB guntami doono diiwaan gelinta ka dib. Wax la raajiyaa rag kuma sama......C/Laahi Ibraahim Xaaji Xuseen, Madaxa Garabka Dhalinyarada Xisbiga KULMIYE, ayaa shir jaraaid ka sheegay in uu KULMIYE kabaxay galayna UDUB........KULMIYE ayaa xukuumada Madaxweyne Riyaale ku eedeeyay innay waftiyo heer Wasiir ah, isla markaana beeleysan ay u dirtay Gobolo dalka kamid ah.

Faalo Goos Goos Ah
October 21, 2008

Lama garan laanta Afsoomaaliga ee BBCda usaartay caynaan kahay, maanta. Ma waxay xasuusinaysaa Somaalida wixii soo maray 21kii sano ee milaterigu xukunka hayey, inkasta oo maantaba Muqdisho iyo meelo lamidi ihi ay kujiraan xaalad aad u liidata, gaar ahaan xagga Amniga. Mise intii taageersaneyd xukunkaa isaga ah, ayey wax xoogaa ugu raaxaynayaan, maqalkii heesihii la qaadi jirey xuska 21 Oct, ilaa iyo intuu xukunkaasi ka dhacayey? Waxa iigala qurux badneyd BBCda oo diraasad cilmiyeysan, qiimeyneysana wixii xukunkaasi u qabsoomay iyo wixii dhibaato uu dhaliyey, maanta sii deysa. Haddey Heesahaa kacaanka maanta sii deysay, may isu-dheelitir samaysa oo, hal hees ama laba heesood oo kamid ah kuwii lagula dagaalamay nidaamkaa maanta siideyso ?

Warar Waabsan
October 21, 2008

Maxbuus ayuu Madaxweynaha JSL cafis u fidiyey iyadoon cafiskaa la sababeyn, hase yeeshee uu culays ka qaaday xabsiyadda JSL.....Markab India laga leeyahay ayey budhcad badeeddii ka afduubtay Somalia Maanta......Markab Ruush laga leeyahay oo ka mid ah Marrkiibta dagaalka ee khooriga Suweys isaga oo ku biiraayo maraakiibta NATO ee ku sugan xeebaha Maraakiibta si ay budhcad badeeda ula dagaalanto.....Hindiya ayaa iyana Markab usoo diraysa badaha Soomaalida si ay uga qayb gasho hawlgalka lagu badbaadinayo maraakiibta badahaa marta.

Warar Waabsan
October 20, 2008

Geed Abeera, Degmada Allaybaday, Gobolka Gabiley ceel 140 mitir ah ayaa laga qoday oo 40 mitir biyo yihiin, taas oo guul ah....Wefti madax dhaqameedyada ka kooban ayaa soo maray dhowr magaalo iyo tuule oo oogada iyo galbeedka Hargeysa; iyagoo dadka ku dhiiranaya in ay is dhiiri galiyaan.....Mukhtaara Maxamed Xuseen, sarkaal u shaqeeya UNICEF ayaa shalay lagu dilay Magaalada Xudur; iyadoo maalmo kahorna lagu dilay Marka sarkaal Soomaaliya oo u shaqeeya UFP. Labadaba Allah ha u naxariisto.

Warar Waabsan
October 19, 2008

Habeenkii Hadraawi iyo Toronto ayaa xalay la iskugu yimi xaafada Scarborough. Dadka waxuu ku dhiiriyey in ay maalgelin iyagoo wax isku darsaday dalalka ku sameeyaan. Dadka la hayb sooco ayuu ka hadlay isaga oo ka codsanaya in ay waxay taagtoodu tahay, laba sanduuq oo meesha yaalay igu ridaan......Tixda la yidhaa Tuko Baal Cad iyo Hablaha Geeska Africa oo sigaar ah haeenku ugu sacbiyeen, Tixdaa danbe ee uu hablaha geeska Afrika ugu amaanay......Hotel Atlantis oo dhawaan laga furayo Dubai ayaa habeenkii lagu seexandoonaa 25,000 !.

Warar Waabsan
October 15, 2008

Sadex katirsan illaalada C/Laahi Yuusuf, gurrigiisa Beydhabo, ayaa xallay lagu dhaawacay hoobiye lagu gaaracay gurrigiisa isagoo jooga Xamar........Gacanka cadmeed Budhcad badeeda Somaalida, waxay maanta ku afduubtay, markab laga leeyahay dalka Filibiin; kaas oo kayimid bariga dhexe kuna socday koonfurta Aasiya.

H A M B A L Y O
October 14, 2008

Hambalyo ka socota Aadan Gooraan Xassan oo ku hadlaya magaca Reer Gooraan Xassan ayaa hambalyo u diraya walaalkii Axmed Gooraan Xassan iyo Marwadiisa Sahra Xassan Cabdillahi oo Sabtidii bishan October 11, 2008 uu arooskoodu ka dhacay Magaalada Seattle USA. Noqda kuwii isku waara. Nabad, Wiil Iyo Caano. Amiiiiiin

Warar Waabsan
October 11, 2008

Kulmiye, Awdal ayaa ka bilaabay olele la xidhiidha dadka Awdal - Salal oo laga wacyi geliyo diiwaangelinta..... Isbadel-doon uu hoggaaminayo Muj Ibraahim Dhago Weyne iyo UCID ayaa fadhi danbe u balamay markey kulankii hore wax isla meeldhiggi waayeen.....Wafti kasocda UCID ayaa laga soo celiyey Controlka Caabud la' taas oo uu ku tilmaamay gudoomiyaha UCID talaabo kasoo horjeeda Demuqraadiyada.....Biriijkii isku xidhayey barigga HGSA ayaa la dhigay dhagixiisii seeska ahaa.

Dil Fool Xun Oo Ka Dhacay Gaalkacayo
October 8, 2008

Alla ha unaxariistee Sheekh Maxamuud Sheekh Cismaan ayaa xalay lagu dilay gurigiisa isagoo sii galaya; iyada oo wiil uu dhalayna halkaa lagu dhaawacay. Marxuumka saaka ayaa lagu aasay, Xabaalaha Cirjiif, halkaasoo khalqi badani jinaasada kasoo qayb galay. Marxuum Sheekh Maxamuud Sheekh Cismaan waxa uu ahaa nabad doon, ganacsade iyo Sheekh ka mid ah culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee jiidaa. Marxuumku waxa kale oo uu ka tirsanaa Xerta Sheekh C/Laahi Baardheere (Qadas-Allaahu Sirrah). Dilkaa weli cid loo soo qabtay majirto illaa imika, waxaase farta lagu fiiqayaa koox diineedyada xagjirka ah.

Warar Waabsan
October 7, 2008

Dacar Xirsi Xooshow Alla ha u naxariistee, Gudoomiyahii Gudida Duqeyda Dhaqanka Hiiraan, ayaa maanta lagu dilay Baladweyne.....CARE iyo ICM ayaa ka baxay meelehay ka shaqeynayeen Soomaaliya cabsi aawadeed....Qalabkii milateri ee saaraa markabka laga leeyahy Yukreyn waxaa la cadeeyey inney lahayd Dawlad Goboleedka Koonfurta Suudaan.....Khilaafkii labada dhinac ee Kulmiye ayaa ka oogan Boorame markey warbaahinta weeraro isku weydaarsadeen Mr Aaye oo madax ka ah Kulmiye Boorame, taageersana Muj. C/Rahmaan Aw-Cali iyo Mud Saylici oo ah xubinta u rashaxan ku xiggeenka madaxweynaha Kulmiye.

Gudoomiyihii Komishanka Oo........
October 5, 2008

Wararku waxay sheegayaan, Gudoomiyihii Komishanka oo xubno komishanka kamid ahi ay soo jeediyeen, in xilka laga qaado; iyaga oo ku eedeeyey inuu ku xadgudbay bixin qandaraas kamidah qandaraasyada komishanku bixinayo. Waxaa arrintaa dhex galay Akaadamiyada iyo 3 xisbi oo arrintii wa xoogaa dajiyey, illaa inta hawsha diiwaangelintu dhamaanayso. Iyada oon qofna xeerka kasareynin, haddana dad badan baa leh, khjilaaf wakhtigan dhexmaraa xubnaha komishanka ,waxaa laga yaabaa hadaanu ragaadin ba innuu hakiyo hawlaha diiwaangelinta iyo doorashadaba. Markaa waxaa waajib ah innay dhamaan xubnaha komishanku tixgeliyaan, marxalada adag ee ay hawlahoodu marayaan, kuna dadaalaan innay wada shaqayn xilkasnimo ka muuqato layimaadaan.

H A M B A L Y O
October 4, 2008

Annagoo reer Axmed Yuusuf Ducaale ah waxaan hambalyo u dirynaa Mustafe Xasan Cabdi Kheyre Iyo Rooda Maxamed Axmed oo caawa arooskoodu ka dhacayo Gobolka Alberta, Canada......."Hibo iyo Ducaba Naga Hooyo".

Warar Waabsan
October 4, 2008

Sarkaalkii Nabad Sugidda Beydhabo u sareeyey ayaa maanta lagu dilay suuqa sarifka ee Baydhabo; kaas oo ah sarkaalkii 4-aad ee Baydhabo lagu dillo....Guriga Gudoomiyaha Barlamaanka Impagati ayaa xalay isna hoobiyayaal lagu garaacay....Gobolka Saaxil ee S/Land ayay diiwaan gelinta ka bilaabmaysa14 Oct-19....Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa soo jeediyey in qaab caalami ah oo loo dhan yahay lagula dagaalamo Budhcad badeedkaa Soomaalida.....Madaxweynaha Fransiiska ayaa iskugu yeedhay madaxda dhowr dal oo kujira midowga yurub, si looga wada hadlo qaabkii looga hawl geli lahaa suuqyada lacagta ee qasan .

Warar Waabsan
October 2, 2008

Booqashada mudane Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu soo booqanayo Kenya, ayaamahan Ciida xigga, isaga oo ajiibaya, martiqaad uga yimid Madaxweyne Kibaki. Sarkaal ka shaqeeya xafiiska la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta badaa Somalida iyo Kenyaba marta, Mumbaasa lagu xiray markuu sii daayay war odhanaya hubka markabka Ukraine laga leeyahay waxa uu u socday Koonfurta Sudaan, warkaas oo dawladda Kenya ay beeneysay. Marakiibta budhcadbadeedu qabsatay ilaa iyo immika waa 62 immika ay gacantooda ku jiraan 10, waxaaney qaateen 30 malyuun.

Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo Ciideed u Diray Madaxweyanaha Iyo Shicibka Djibouti
October 1, 2008

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan munaadibada Ciidal Fidriga u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynuhu dhambaalkiisaasi Hambalyada ah waxa uu ku yidhi "Aniga oo ku hadlaya Magacayga , ka Dawlada iyo ka shacbiga Somaliland, waxa aan Adiga , Marwadaada iyo shacbi weynaha ee Jamhuuriyada Jabuuti idiinku hambalyaynayaa Munaasibada Ciidal Fidriga oo soo gaba gabaysay bishii khayrka badnayd ee Ramadaan, waxana aan idin leeyahay Ciid Mubaarak , Kulu Caam Wa Antum Bil Khayr.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp