Maansada: Dhul-Gariir
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
Maansadan Dhul-gariir waxa ay soo baxday 01/05/2007, waxaana curiyey Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Gob ku noqon mayno, in dadka qaar la gumeeyo amaba macne ii samayn mayso
inaynu dadka qaar gun ka dhigno, sidaas waxaa yidhi Maxamed Ibraahim warsame (Hadraawi).
Waxay ahayd markii ugu horaysay ee la qabto madal noocan oo kale ah oo ka
hadlaysa qadiyadda hayb kala sooca, isla markaana qof sidan oo kale u culusi uu
ka hadlo. Waxaa isugu yimid madaxda golayaasha qaranka, madaxda xisbiyada
mucaaridka ah iyo ururrada u dooda xuquuqul insaanka.
Marka laga yimaado gabayga Dhul-gariir oo ahaa kelmaddii goobtaa ugu mudnayd ee
laga jeediyo, waxaa madasha ka muuqday guddoomiyaha xisbiga Ucid Mudane Faysal
Cali iyo, guddoomiyaha golaha baarlamaanka Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi "Cirro"
iyo ku xigeen kiisa Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale. Waxaa intaa dheeraa
culimaa-uwdiin, salaadiin iyo shaqsiyaad ka socday ururada u dooda xuquuqul
insaanka sida Shuro Network, Havoyoco iyo TRG.
Abwaan Hadraawi oo hadal iyo hawraarba ka soo jeediyay goobtaa ayaa waxa uu ku
dheeraaday hayb kala sooca iyo dhibaatooyinka uu u leeyahay ummadda. Isagoo
runtii ay habeenkaasi ka muuqatay murugo badan ayaa waxa uu ku celceliyay "Anigu
gob ku noqon maayo in dad qaar gun noqdaan". Abwaanka oo runtii walaac badan ka
muujiyay dhibaatada ay arrintani u yeelan karto mujtamaca ayaa waxa uu ku
tilmaamay mid ay dadka intiisa kale ku kasban karaan dhibaato ka culus mida
maanta lagu hayo beelaha laga tirada badan yahay.
Maansadiisa waxaa udub dhexaad u ah gabay ka soo jeeda dadka laga tirada badna
yahay oo la yidhaa Hibo, iyo shaqsiyaad kale oo ararta gabayga uu abwaanku ku
halqabsanayo.
Isagoo bilaabaya maansadiisa waxa uu yidhi:
Axmedoow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahaye
Tu kalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
Dhallintii caleemaha lahayd waygu dheer tahaye
Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dhawrar baan jiraye
Haddaan Beegsi kala soo dhex baxay tooda meel dhigaye
Labadii dhallaannimo lahayd ways dhar urisaaye
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaaye.
Ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqeeye
Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahaye.
Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiibe
Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meele
Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaannaaye
Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo'e
Dadka dhiirri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye
Sida loo dhahaa buu khalqigu ugu dhegtaagaaye
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheele
Sida dhuuni-qaataha murtida looma dheehtiro'e
Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halise
Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherershaaye
Dhexrooriyo waxa lagu hojaa weliba dhaad dhaade
Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumuc weyne.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.
Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxaye
Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisiiye
Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhiye
Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faane
Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaaye.
Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihine
In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanleeye
Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahaye.
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheelli tirihiiye
Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo koowe
Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayde
Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhoorruhuye
Dhan-xiirradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaane
Sinnaantay dhaliil moodayaan tii Ilaah dhigaye
Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorora'e
Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
Dhiilaha nin buuxshaa ma jiro dhacarta jiilaale
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraaye
Hal-dhabaalahaa awgayoow tii dhammayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.
Laan dharab ka toostiyo Hibooy dhool cas baad tahaye
Dhalankaagu waa luulka iyo dhiraha yaaquude
Malaa roobladhaca waad taqaan dhiinka jookha lehe
Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo dhool gu’ baad tahaye
Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo seese
Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaabe
Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo-jiifyada'e
Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida'e
Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaaye
Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo miisaane
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaaggaaga
Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye.
Dhulka lagama soo qodin dadkee Aadan baa dhalaye
Adigiyo hablaha dhinaca kale waysu dhigantaane
Dhud qudhaa ka wada beeranteen dhaadashada guude
Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheere
Dhawawelanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaaye
Dhimir bay ku saareen dabool baali kaa dhigaye
Dhafoor-taabadkoodaa qodqoday dhabannadaadiiye
Dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga dhaxanta saarsaaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye
Intaad adigu dhiillaysan tahay taydu waa dhicise.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.
Dhaf-dhaf iyo halhays beena baad soo dhabdhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunine
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale'e
Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye
Dhaqankaas cambaaraynayaa saaray dhiillada'e
Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheer tahaye?
Weligood dhibaatada adduun looma soo dhixine
Dhaadhaanno maahee kashaad dhooli mood tahaye.
Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhursugayeene
Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa’ kale beryey dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhane
Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jiraye
Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto
Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe
Rag hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yiqiinneene
In kastuu xiniindhaaf yuhuu dhiirrinnimo sheegto
Mar haddaan dhaliil laga gudbayn dhayalso mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye.
Dhardhaarray ahaayeen intaad dheri lahaydeene
Dheddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayine
Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada weel dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolane.
Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine
Sibaa loo dhalliilaa haddana ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine
Dhulka waa ka sii guurayaan ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada inay dooriyaan bay u dhow dahaye
Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
Dhaaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligiiye.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.
Godka dhidarka beelaha qotoow dhawr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyn tahaye
Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkii dhuraye
Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede
Dhayal maaha maalmaha intaad guulo dhigateene
Sabirkiinna dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine
Adduunyada ninkii dhalad yaqaan waw dhab tiriyaaye
Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale
Markaasay is dhaafdhaafayaan labada dhoomoode
Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheer tahaye
Meel dheerna way kala tagaan kay ku dhow dahaye.
Nin xaqiinna meel hoose dhigay tiisu waa dhedo'e
Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane
Naftu dhaabadhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye
Mar haddii qalbiga ciil dhufsado dhaaftay taladiiye
Sida Dhooddi-Meerkii Taleex haw dhaqaaqina'e
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e
Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina'e
Cishadaad wax dhiillayn kartaan dhaafa tii culuse
Dhanka Eebbahay xiga adduun wayska dhalanteede.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhabdhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo'e
Waa tay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeene
Waa kii dhamaastiyo falkiyo keenay dhalanteede
Waa kii dhibaatada la yimi dheegadheegaha
Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye
Waa tay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladuye
Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye
Waa taad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene
Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye
Dharaartaana waad wada jirteen dhiiftu kululayde
Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine
Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye
Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibbadeediiye
Xaajadu intay dhow dahay dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe
Dhab-darro uma toosine nabsigu wuu dharaarsadaye.
Dhacan baa la saaraa halkii eel ka dhow dahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye
Nin dhug lihiba wuu garanayaa suuldhabaalaha’e
Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabbacateeye
Dhaliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye
Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga'e
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helaye
Dhuxul hoos ka nool iyo dab baa soo dhabiib kiciye
Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabanno hayskeeda
Markii aan dhab dayey baan is idhi dhacanta sii saare
Afdhabaan-dhabkeedii haddana waan ku dhiirradaye
Dhambaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine.
Dheehada Rashiidoow mar baan neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaaye
Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugataaye
Ummad yahay dhab baa loo hadlaa waa is dhigateene
Dulmigii lafaha dhuuxay baad dib u dhardhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteene
Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiigbaxaye
Garaadkiinnu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye
Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane
Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhiciye.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.
Dhillowyahanku waa geed ka baxa dhuunta geed kale’e
Imikuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube
Nin kastoo is dhoob-dhoobi jirey dhigaha loo laabye
Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuray.
Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye
Dhallinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhawrsanaa qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye
Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhuye
Dheri bay ku wada foorortaa diiddan dhaqankiiye
Dheddig iyo labkeedii waqtigu dheel isugu keenye
Ummaddii dhiraha kala lahayd ways dhex huruddaaye
Dhegdheggiyo lafaha dhuubtay iyo dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorsamaye
Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure
Haddii dhawrsanaan lagu yiqiin dhimay hankeediiye.
Dhibaatada xilkeedii horaad ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax-dixeed hawgu sii dhegine
Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho
Haddaan dhaar Carriyo Caaggan iyo dhaar Cas kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhirafuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weliba dhiib-dhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho
Dhaqdhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajo
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro'e
Ninkii dhiirri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.