Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Alshabaab Ayaa Ka Masuul Ahayd Qaraxyadii Hargeysa....
November 27, 2008

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta in Alshshabaab ay masuul ka ahayd qaraxyadii kadhacay Hargeysa 29 October ee sanadkan. Wuxuu intaa raaciyey inney ka danbeeyeen 9 fal danbiyeed oo qaraxyadaa ka horeeyey. Wasiirku waxa uu tibaaxay in 15 qof u xidhanyihiin qaraxyadaa kuwaas oo isugu jirra dad u dhashay Somaliland iyo kuwo kasoo jeeda Somali labadaba. 3 qarax ee gawaadhida loo adeegsadey in gaadhikastaba 2 nin saaraayeen ayuu sheegay. 6da nin ee is qarxiyey 2bayi n aqoonsadeen ,mid mooyaane inta kale ay yihiin reer somalila ayuu sheegay. Wuxuu intaa raaciyey in rag qaraxyadaa ku luglahaa ay baxsadeen intaan gacanta lagu dhigin. Hadalkiisii wuxuu ku soo gabe gabeeyey in eedeysanayaashaa, maxkamad lakeeni doono.

Laba Weriye Oo Lagu Afduubay Boosaaso
November 27, 2008

Maanta ayaa la ogaaday, insaaka laga afduubay, Hotelkey degenaayeen, 2 weriye oo u kala dhashay Engiriisi iyo Spanish. Muddo 7-cisha ah ayey magaalada ku sugnaayeen waxaaney diyaarinayeen barnaamij ku saabsan, dhaqdhaqaaqyada budhcad badeedka ka hawlgasha mandaqadaa. Sidey sheegeen masuuliyiin laga wareystay xaaladaa afduubka ah waxay tibaaxeen in baadhid loogu jirro, welise aan la ogeyn meeshay ku suganyihiin. Masuul ka tisan warfaafinta iyo saraakiil amniga ah, ayaa sheegay in 2da wariye ay ka cudur daarteen inney adeegsadaan ciidamo amniga ah oo raaca intey hawshooda gudanayaan .Labada weriye waxay ka tirsanyihiin Daily Telegraph iyo wakaalada AFB.

Cabdilaahi Yuusuf Oo Ka Soo Degay Garoowe Saaka
November 26, 2008

Cabdilaahi Yuusuf iyo wefti lasocda, ayaa saaka si lama filaana uga soo degay Madaarka magaalada Garoowe. Warkooban oo uu halkaa kasiidaayey wuxuu sheegay inuu kawaramo xaalada soomaaliya maanta ku sugantahay iyo inuu wada tashi dadka layeesho. Wuxuu intaa raaciyey in uu socdaalkiisu 2 maalmood qaadanayo. C/Laahi Yuusuf wuxuu imanayaa gobolkuu ka soo jeeday, isagoo u muuqda nin dhowrgoobood oo siyaasada la iskaga horyimi, lagaga adkaaday.

Warar Waabsan
November 24, 2008

Golaha Wakiilada ee JSL, ayaa maanta soo saaray baaq uu ku cambaareynayo Qaramada Midoobey, hoos u dhigga, heerka nabadgelyee Somaliland oo ay ka dhigtay heerka 4aad halkuu ka ahaa heerka 3dexaad. Hore ayey xukuumadda iyo sadexda xisbiba talaabadaa qaramada midoobay udiideen oo u cambaareeyeen.....Nin u hadlay budhcadbadeedka markabka sucuudiga haysata ayaa sheegay in aanay xidhiidh toos ah oo lagu kalsoonaan karo cidna kala yeelan arrintaa markabka.

Madax Furashadii Markabkii Saudiga Oo Maraysa Soomaaliya Oo Maraysa 15 Malyuun
November 24, 2008

Sida ay qortay Asharq-al-Awsud, Gorgortankii madaxfurashada markabkii sacuudigaa ahaa wuxuu marayaa 15 million; taas oo ay budhcadkii hoos uga soo degtay 10 million codsigoodi hore. Axmed Cabdi Salaan oo nimanka markabka haysta ay isku reer yihiin iyo Safiirka Sacuudiga ufadhiya Naiirobi Nabiil Cashuur, ayuu wada hadal arrintaa ku saabsani, kulanqada ah dhexdiisa uga furmay. Sida wargeysku qoray Empagati ayaa si rasmi ah arrintaa ugu jirtaa iyada oo hawshaa hoggaaminayo Axmed Cabdi Salaan oo ah ninka kuxigga maamulka Impegati.

Diiwaan Gelinta Maroodi Jeex Waa December 1, 2008
November 23, 2008

Warsaxafadeed kasoo baxay Komishanka Doorashooyinka ayaa cadeeyay maanta in diiwaangelinta Gobolka Maroodi Jeex 1-da December 2008 aanay socon doonto 5 maalmood. Goobahaa dadka laga diiwaangelinayaa dadka gobolkaa maroodi jeex waa 300 iyo dheeraad. Diiwaangelinta gobolkan waxaa hakiyey dhacdadii 29 october ka dhacday Hargeysa. Waxa kale oo warsaxafadeedkaasi sheegay in tirrada hordhaca ah ee laga diiwaangeliyey saaxil ay tahay 51,538 halka Awdalna ay iska diiwaan geliyeen 133,864. Tirada kama danbeysta ah waxaa la sheegi doonaa, sida warsaxafadeedku qorayo marka laga saaro dadka is diiwaangeliyey kuwii ku noqnoqday.

H A M B A L Y O
October 16, 2008

Mukhtaar Ibraahim Bookh, Axmed Yuusuf Ducaale Iyo Xaaskiisa, Maxamed Cali Xaydar, Cabdiraxmaan Quule, Cabdirisaaq Quule, Ifraax Aw Ciise Jaamac, Saleebaan Cige Ceelaabe iyo Xaaskiisa Caasha Aw Jibriil Bile iyo Dhamaan Ilma Saleebaan Cige, Ilma Cabdi Xudhuun iyo Dhamaan Reer Aw Cabdi Maxamed waxay tahniyad iyo hambalyo u dirayaan Cumar Aw Cabdi Maxamed Iyo Raxma Nuur Aw Cumar oo shalay Sabtidii Meherkoodu ka dhacay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Warar Waabsan
November 13, 2008

Xildhibaan Mohamed Cali Tuke ayaa maanta Allah ha u naxariistee aas heer qarana lagu aasy magaalada Burco.....Laba kamid ah budhcad badeedka Soomaalida ayaa lagu diley Gacanka Cadmeed iyagoo afduubaya markab Denmark laga leeyahay. Howlgalkaa waxaa fuliyey ciidamada badda ee Ingiriiska......C/Laahi Yuusuf iyo Nuurcade ayaa ku kulansan Addis iyagoo isku dayaya iney soo afjaraan khilaafka dhexdooda ka oogan ee ku wajahan dhiska xukuumad Empegati oo cusub .

Warar Waabsan
November 11, 2008

Waxa maanta la xusayaa 90 sano oo ka soo wareegay xabad joojintii iyo heshiiskii nabadeed ee Dagaalkii 1-aad ee Aduunka 1914-1918. Waxaa ku dhintey 20 Malyuun oo qof......Waxaa ka baxsadey jeelka Garoowe saaka 9 maxbuus oo 3 dil loo haystay.........Markab Filibeen laga leeyahay ayaa afduubayaashii Soomaaliyeed maanta ka afduubeen Gacanka Cadmeed.

Warar Waabsan
November 7, 2008

Dr. Abdul Qawi A.Y. ayaa loo doortay in uu garsoore ka noqdo ee caalamiga ah....Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaa C/Raxmaan, Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeeexee ee UCID ayaa maanta xilkii isga casiley......Dallada suxuufiyiinta Somaliland ayaa ka codsatey xukuumada in suxufi Xadiis Mohamed Xadiis la sii daayo ama maxkamad la soo taago......Cuqaal ka soo jeeda Waqooyiga Gabiley ayaa Xukuumada ku eedeeyay inney baradoodii iyo beertoodii u diidan tahay...Suudi Yuusuf oo ka tirsan qurbo jooga UDUB taageera ayaa sheegay in khilaafkaa lagu dhamayn doono wada hada, dhinaca Gabileyna laga magacabey 7xubnood oo Gabiley matalaaya halka dhinaca kalena laga filayo inney 7doba odey soo magacaabaan in hawshaa loo gudo galo.

Yaa Loo Xidhay Qaraxyadii Hargeysa
November 6, 2008

Shallay kusiisimaha xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland waxuu sheegay dadka qaraxyadii Hargeysa u xidhan iney 15 ku dhowdhow yihiin. Hase yeeshee maanta ayaa weriyaha BBCdu Laanta Afsoomaaligu sii daayey war odhanaaya dadka qaraxyadaa u xidhani 40-qof ayey gaadhayaan. Wuxuu sheegay dadkaa iney ka midyihiin madaxa hay'adda Xuquuqul-In-Saanka Elmen ee xarunteeduna tahya Xamar oo siminaar u yimi Hargeysa iyo suxufi madax banaan reer Soomaaliyana ah lehna website layiraa Baadiye.com oo mudaba Hargeysa website-kaa ka maamulayey. Xukuumada Somaliland war rasmi ah oo tifatiran kana hadlaya dadka qaraxyadaa loo xidhay magacyadooda, qeybtey ku lahaayeen hawlgalkaa sheegaya kama soo bixin ee weli baadhidiibaa socota .

"Hala Sii Daayo Dadka Lagu Afduubay Shalayto." - Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay
November 6, 2008

Xoghayaha Guud ee QM, ayaa yidhhi,"Hala sii daayo dadka lagu afduubay shalayto." Dadkaas oo 6 ah, 2 duuliye iyo 4 u shaqeeya ACF. Hayad samafal ah oo Faransiis ah, deegaano bariga ka xiga DhuusoMareeb oon xididneyn ayey afduubayaashii lakaceen. Duqa magaalada DhuusaMareeb ayaa sheegay in lagu jirro hawlgalo dadkaa la doonayo in lagu siidaayo. Dayuuradii shalay ay raaci lahaayeen, waxaa maanta kaduuliyey garoonka dhuusa mareeb 2 duuliye oo ay dayuurad kale ka keentay NAIROBI.

Cafis Lagala Noqday Argagixiso Xukuneyd
November 4, 2008

Ku-sii-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay, in Madaxweynaha Jamhuuriyada JSL, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, kala uu kala noqday cafis uu u fidiyay, 12 danbiile oo ay hore ugu cadaadeen falal argagixiso oo ay ka fulliyeen Somaliland. 2 maxbuus oo xukunkoodii hore ahaa dil, uu 20 sano uga dhigey cafiskii hore, ayaa xabsi daayin looga dhiggey maanta. Inta kale midwalba waxaa dib loogu celiyey; iyadoo cafiskii hore lagala noqday, xukunkii hore ay hore maxkamadu ugu xukuntay.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp