Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Maxaa Loo Xidhay Ayaan Sheekh Xasan
November 8, 2008


Waxay shalay Somalilanndhorta baahisay, war ay kasoo qaadatay Jabuuti Nation Cali Cabdi Wardheere, ayaa eedeynayey JSL inney iska xidhxidhayso dad ka soo barakacay Soomaaliya. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay, gabadh inan yar oo 6 bilood jirta haysata, iyadii iyo inantiiba la xidhay. Gabadhu waa Ayaan Sheekh Xasan. Waxaanu warka Cali Cabdi Wardheere u faafinay in aanu muujino xanuunka laga qabi karo, dad soo barakacay oo loo xidhxidhay qaraxyo aanay ku lug lahayn.

Waxaa warka Cali Cabdi Wardheere ka muuqday, in si gaar ah loo xidhxidhayo dadkii kasoo barakacay Soomaaliya. Hadalkaa Cali Cabdi Wardheere iyo waxaa is waafaqay hordhicii wariyaha BBCda laanta afsoomaaligu, ka hormariyey, waraysiguu la yeeshay, gabadheey jaarka ahaayeen Ayaan Sheekh Xasan. Wariyuhu hordhacaa wuxuu si toos ah oo aan lahayn baydh baydh ugu eedeeyay JSL in ay bartilmaameedsanayso, dadkii ka soo bara kacay Soomaaliya, una xidhxidhayso tuhun la xiriira qaraxyadii. Hordhacaa aanu tilmaanay iyo sidii qodqodka xad dhaafka ahayd markuu wareysanayey gabadhaa, wey cadeyd in uu eedeeyey Somaliland, eedaana uu ku adkee is lahaa, warkuu ka deydayey gabadhaa. Fidno abuur cad ayey ahayd.

Ayaan daradiisa, wuxuu dhis islahaa oo dhan, waxaa dumiyey, jawaabihii uu bixiyey Faarax Maxamed Xuseen, waraysigii BBCdu wareysatay, idaacadii 5pm. Faarax Maxamed Xuseen, Gudoomiyah dadkii kasoo barakacay Soomaaliya , wuxuu cadeeyey in aan dadkaa soo bara kacay aan si gaar ah loo eryeneynin, loona xidhxidheynin.Wuxuu cadeeyay in dadkaa soo barakacay walaalahood reer Somaliland, ay nabad iyo amaan kula noolyihiin.Wuxuu cadeeyey in qaraxyadaa dadka loo xidhxidhay ay ku jiraan dad badan oo reer Somalilland ahi.

"Wa shahida shaahidun min ahlihaa" Taliyaha Bileyska S/Land ayaa isaguna wareysiguu siiyey BBCda , shalay sheegay in:

1) an qofna Somaliland loo xidhin isir ahaan
2) Dadka qaraxyadii u xidhan u badan yihiin reer Somaliland.

Labadaa hadal iyagoo istaageeray, war xumo tashiilkii BBCdana xididada usiibey, aynu is weydiino, maxaa Ayaan Sheekh Xasan loo xidhay? Taliyah bileyska JSL ayaa ka jawaabey. Jawaabtii uu ka bixiyey, wareysigii shaley BBCdu wareysatey, ayaa inaga filan in ayno garawsano, xadhiga Ayaan laxidhay in uu yahay baadhistii lagu gudo jirey oo Ayaan gashey.Wax ku jabanina majiro, qofkii leyn galo in baadhid lagula kaco. Tafaasiishii, utaliyaha bileyska JSL baadhida ku socota Ayaan Sheekh Xasan, looma baahna in aan halkan ku qoro oo aan u eekaano, dad sigaarah u daba socda ama eedeyn ladeydayaya qofkaa iyada ah. Baadhidu ha socoto oo arrintaa haka gungaadho.

Waxa laysku waafaqsanyahy, ama ugu yaraan reer S/Land isku raacsanyihiin, in hogaanta laanta afsoomaaliga ah ee BBCdu sigaar ah u raadiyo, wixii nuqsaanku ah S/Land, magaceeda, maamuuskeeda iyo horumarkeeda. Waxaanu kutalineynaa Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta JSL inney dhisto xafiis duuba barnaamij kasta oo laga siidaayo laanta Afsoomaaliga ah ee BBCda, kadibna ay eegto wixii xad gudub ah ee Soomaaliland lagu suubiyo, dabadeedna inta Afingiriisi loo badelo loo diru maamulka saree ee BBCda.

Somalilandhorta



 


 



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp