|
|
WARAR WAABSAN
|
|
|
Warar Waabsan
May 31, 2008

(SOHTA) Wareegii labaad ee shirka Djibuuti, maanta ma furmin. C/Yuusufna beri ayaa laga filayaa Djibuuti si uu ula kulmo weftiga ka socda Golaha Amaanka. Dooxii Jigjiga oo daafaha jabiyey waxaa ku dhintey 25 qof guryana wey ku dumeen garoonkii dayuuradana daadkii baa waxyeelay. Alla ha u naxariistee C/risaaq Aadan Madar oo reer Yagoori ah ayaa ku geeeriyooday maanta shil baabuur oo ka dhacay buundo u dhow Yagoori halkey dhawr qof oo kale ku dhaawacmeen. Garoonkii dayuuradaha ee Galkacayo ee ay shalay maleeshiya katirsan koonfurta Gaalkacayo hoobiyaha la dhacday weli wuu xiranyahay .
Hoggaankii Haweenka Booliska Somaliland oo Shil Baabuur Ku Geeriyootay
May 27, 2008

Allaah ha u naxariistee Hoggaankii Haweenka Ciidanka Booliska Somaliland Khadra Aadan Xasan, ayaa shalay ku geeriyootay shil baabuur, kadib markii gaadhi ay wadatay kula dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Kalabaydh. Shilkaasi oo dhacay abbaaro 7:00 subaxnimo ee shalay, waxa kale oo ku geeriyooday laba nin oo aan ilaa hadda magacyadooda la aqoonsan, balse la sheegay inay ahaayeen shacbi la socday gaadhiga oo marxuumadu waday, iyada oo uu midkooda ahaa macalin wax ka dhiga dugsi ku yaal tuulada Kalabaydh, halka ka kalena uu ahaa nin ka raacay magaalada Hargeysa.
Taliyihii Bileyska Maamulka Garoowe Oo Is Casiley
May 27, 2008

(SOHTA) Taliyihii Bileyska Maamulka Garoowe ayaa maanta shir jaraaid kaga dhawaaqay maanta in uu iska casiley xilkii maamulkaa u hayey. Sababtuu isku casiley wuxuu ku tilmaamay, ciidanka Bileyska uu madaxda ka ahaa oo aan 9 bilood mushahar lasiin. Wuxuu sheegay in uu wax badan sasabayay oo uu dajinayey ciidanka bileyska maantase ay soo kartay oo uu go'aansaday inuu xilka ka dago kol hadduu suura gelin waayey in ciidanku mushaharkiisii helo. Wuxuu intaa raaciyey in aanay lacag la'aani jirin laakiinse lacagta siyaabo kale loo lunsado. Xafiiska Cadde Muuse war kasoo baxay ayaa sheegay in xilka laga qaaday sobobo kale.
Somalia: C/Qaasim Oo Gurgiisa La Baadhay Iyo Wuxuu Ka Yidhi
May 23, 2008

(SOHTA) Guriga C/Qaasim Salaad Ayey maanta xoog ku galeen ciidama KMG iyo kuwa Ethiopia oo wada socdaa. Aad bay u baadheen, waxyaabahay qaateena hub ayaa ka mid ahaa. C/Qaasim oo hadlay waxuu shhgay in ciidamo "TIGRE IYO SOOMAALI IHI; kuwas oo uu garanayo meeshay ka yimaadeen" iney gurigiisa baadheen waxay doonayeene qaateen . Caruurtiisana ay jidh dil ku sameeyeen. Eedaa waxa uu dusha ka saaray C/Laahi Yuusuf. Waxaa xusid mudan inney tahay mar 2aadkii in guriga C/Qaasim la baadho.
UDUB-CANADA Oo Hambalyo U Diraya Shacbiga Somaliland Xuska 17-Guurada
May 18, 2008 - Yaasmiin Axmed Yuusuf Ducaale

18ka May
UDUB-CANADA waxa ay hambalyo ku saaabsan munaasabadda 18ka May u dirayaan dhamaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, madaxdeeeda iyo shicibkeedaba. Waxaanay Ilaahay ka baryayaan in xuskan ka ku xiga aynu ku gaadhno nabad, barwaaqo, iyo ictiraaf buuxa oo aynu kaga mid noqonno beesha caalamka. Ku wada ciida caafimaadsan, cadowga Somaliland na meel uga soo wada jeesta.
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
Abdulhakim A. Libax - Afhayeenka UDUB-CANADA
Ciidanka Booliiska Gobolka Sool Oo Gacanta Ku Dhigay 386 Milyan Oo Shil Somali Faalse Ah
May 16, 2008

Ciidanka Booliiska Gobolka Sool, ayaa Kaantaroolka Bari ee Magaalada Laascaanood ku qab qabtay 386 Milyan Shilin Somali Faalse ah iyo Badeecado Raashin ah oo dalka si sharci darro ah loo soo gelinayay, sidaana waxa noo sheegay Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Saqadhi Dubad
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland waxuu sheegay in lacagahaa iyo raashinkaasi la qabtay ay saarnaayeen labo baabuur oo Booliisku gacanta ku dhigay. Taliye Dubad waxa uu ammaan u soo jeediyay Ciidanka Booliiska ee gacanta ku dhigay lacagahan iyo Badeecadahan Koontarabaanka ah .
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada JSL Md. C/lahi Maxamed Ducaale ayaa Maanta Xafiiska Ku Qaabilay Xoghayaha 1-aad Ee Safaarada Faransiiska Ee Dalka Jabuuti Mherry Shuuwanyee Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Jooga JSL
May 14, 2008

Md. Shuuwanyee waxa uu dalka yimi 12/5/2008 sida uu sheegayna waxa sarkaal ka socda Safaaarada dalka Faransiiska ee Jabuuti U jeedada booqashada la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka kadhexeeya labada dal ee JSL iyo Faransiiska mudadii uu joogay dalkana waxa uu kulan layeeshay wasiiru dawlaha arimaha dibada JSL Md: Siciid Maxamed Nuur, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi ,Cawil Maxamed Faarax, wakiilka JSL u fadhiya faransiiska Md: Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo gudiga u qaabilsan xidhiidhinta iskaashiga labada dal oo ka kooban Wasaaradaha arimaha Dibada, DHaqaale iyo Dalxiiska, Qorshaynta iyo Waxbarashada. Iyagoo yeeshay wada hadalo ku saabsan isla meel dhigida mashaariic dawlada JSL iyo Faransiiska .
Shirkii Jabuuti Maxaa Ka Soo Baxay?
May 14, 2008

(SOHTA) Shirkii Djibouti ka socday, una dhexeeyay labada dhinac, maamulka C/Laahi Yuusuf iyo Isbahaysigga, dhamaad buu ku dhow yahay, waxay labada dhinac ku heshiiyeen oo ka soo baxay ooy ku heshiiyeena majirro. Sida la ogyahay, labada dhinac marna is mey hor fadhiisan, intaa shirku socday. Waxa u kala dab qaadayey oo waraaqo qoran u kala gudbinayey weftigii Qaramada Midoobay. Afhayeen u hadlay Isbahaysiga weftigiisii, wuxuu sheegay inney dhameysteen arrimahay kala hadlayeen Qaramada Midoobay; kuwaas oo ay madaxdooda u gudbin doonaan weftigii kale waxwar ah oo cusub oo kasoo baxay majirro. Shirkana waxaa la filayaa in khamiista ama jimcaa la xiro iyaga oo duplamasiyiintii shirka ka soo qeyb galay, ay shalayba qaarkoodba Nairobi ku noqdeen.
Waan Waan Cusub Oo La Bilaabay
May 13, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Wararka Somalilandhorta ka soo gaadhaya Hargeysa waxay tilmaamayaan in shir uga furmay, Akaadamiyada Komishanka Doorashooyinka iyo Wakiilo ka socda sadexda Xisbi; kulankaas oo ah dar dargelin cusub oo ku wajahan sidii dhexdhexaadinta labada dhinac ee khilaafku ka dhex ooganyahy, la isugu soo dhaweyn lahaa. Hawshan waxay bilaabantay maanta, kadib markuu shalay ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu inuu dhexdhexaadintuu waday joojiye.
Yuusuf Indho-Cadde Oo Shirka Djibouti Cambaareeyay
May 13, 2008

(SOHTA) Yuusuf Indho-Cadde una qaabilsan Isbahaysiga Arrimaha Gaashaandhigga, ayaa maanta wareysi u Laanta Af Somaaliga ah ee BBC-da siiyey, toos u canbaareeyay shirka Djibouti ee dib u heshiisiinta; isagoo soo jeediyey in shirkaa halkaa lagu xidho, waayo wax dan ah ayaan ugu jirrin diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna. Hadaladiisaa waxaa ka mid ahaa in aanu Sheekh Shariif arrintaa la socodsiinin iyo iyagoo dagaalkii meel wanaagsan gaadhsiiyey oo ay meelo kooban kusoo ururutay awoodii ciidamada ay la dagaalamayeen.
Hambalyo iyo Duco
May 9, 2008

Hambalyo iyo duco Axmed Yuusuf Ducaale, Basma Axmed Yuusuf Ducaale, Cabdifataax Axmed Yuusuf Ducaale, Yaasiin Cabdi Muxumed iyo xaaskiisa, Ilyaas Cabdi Muxumed iyo xaaskiisa iyo Muuse Ibraahim Bookh waxay hambalyo duco ay weheliso u dirayaan C/Qaadir Xasan Axmed iyo Hibo Maxamed Muxumed o maanta Meherkoogii ka dhacay Magaalada Arabsiyo. Labadii isku raaga ee isku reeya ubad kheyr qabana isu yeesha Ilaahay haka yeelo Aaamiin!
Ku Xigeenka Komishanka :(Xilka Qaadis Is Casilid)
May 4, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Ku Xiggeenki Komishanka Doorashooyinka, ayey xilkii kuxiggeenimo, maanta ka qaadeen xubnaha Komishanku. Xil ka qaadistaasi waxay timid markey Komishanku iska fogeeyeen, hadal ku xiggeenku kaga jawaabay soo qaadis uu madaxweynuhu soo qaaday Komishanka, khudbad oo uu labada gole u jeediyey 7-aadkii hore. Sida ay baahisay Somaliland.org Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah xubinta xilka laga qaaday isaguna xubinimadii komishanka ayuu iska casilay. Waxaa xusid mudan, xubin hore isagana Komishanka laga saaray ama oo uu ka baxay oo tirada isku soo hadhay ay yihiin 5 xubnood.
| |
|
|