TACSI

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 26, 2008

Reer Jaamac Aw Maxamuud Muse iyo tafiirtoodu waxay uga tacsiyaddaynayaan ummadda reer Somaliland, geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Muse Jaamac Aw Maxamuud Muse oo subaxnimaddii sabtiddii May 25, 2008, ku geeriyooday magaaladda London ee cariga Ingriiska, isagoo in muddo ahba xanuun u jiifay. Waxaanu Ilaahay ugu baryaynaa inuu marxuumka qabriga u weyneeyo, janatul Fardusana ka waraabiyo, samir iyo iimaana inaga wadda siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin. Marxuumka waxaa la aasayaa Salaasada oo ay bishu tahay, May 27, 2008. (Tasciddan waxaa diraya Dhamaan Reer Xasan Axmed Geedi)

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 21, 2008

Axmed Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, C/Fataax Axmed Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Basma Axmed Yuusuf Ducaale iyo Sayigeeda, Yaasmiin Axmed Yuusuf Ducaale, Yaasiin Cabdi Muxumed iyo Xaaskiisa, Ilyaas Cabdi Muxumed iyo Xaaskiisaiyo, Muuse Ibraahim Bookh Ceelaabe . Dhamaantood waxay tacsi u dirayaan Cabdi Jeex Jaamac iyo walaalihii iyagoo ka tacsiyadeynaya geeridii ku timi Hooyo Dhudi oo Gabiley ku geeriyootay. Illaahay Samir iyo Iimaan ha ka siiyo, Marxuumadana Jannadii Illaahay haka waraabiyo Ameen!

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 13, 2008

Reer Axmed Yuusuf Ducaale waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Warsame. (16yrs) oo todobaadkii hore lagu dilay xaafada Scarborough/Toronto. Maalintii Sabtidii halkaa lagu aasay samir iyo iimaan Alla ha inaga siiyo Marxuumkana Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqo aammmmmmmiiin!

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 13, 2008

Reer Axmed Yuusuf Ducaale waxay ka tacsiyadeeynayaan walaalahood Ilmo Colhaye iyo caruurtaadii Ilmo Barkhad Sheekh Nuur, geeridii ku timi Aamina Colhaye oo sadex maalmood ka hor ku geeriyootay Yemen. Samir iyo iimaan Alla ha inaga siiyo Marxuumadana Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqo aamiin!

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 9, 2008

On behalf of the Somaliland community in Calgary, Alberta. I would like to send our deepest sympathy and condolences to the Family of Late Saeed Meygag Samaterand especially his wife Amran Abdi Musa and their Children. Ina Lilahi Waa Ina Illahi raajicuun – Ilaahay ha u naxariisto marxuum Saeed Meygag Samater, dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ha ka siiyo – Aamiin.

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 8, 2008

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Siciid Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay Ololihii Aqoonsiga Somaliland iyo Mashaariic badan oo uu ku taageerayo Waxbarashada Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Jano Ka waraabiyo , qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo...Aamiin....Aamii.....Aamiin!

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 8, 2008

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga S/land, isaga oo uga tacsiyadaynaya Geerida naxdinta leh eek u timid MARXUUM SICIID MEEGAAG SAMATAR, oo habeenkii xalay 07/05/2008 ku geeriyooday cariga Dalka Maraykanka. Marxuunku waxa uu ka mid ahaa xubnihii doorka mihiimka ah ka soo qaatey dib-u-heshiintii iyo Nabadayntii Beelaha Somaliland. Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxaanu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo...Aamiin!

TACSI KA TIMID UDUB CANADA   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 8, 2008

Dhamaan xubnaha, Guddida joogtada ah ee UDUB CANADA, iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga UDUB ee dalkan Canada waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan qoyskii, asxaabtii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allah how naxariistee marxuum Siciid Meygag Samatar oo ku geeriyooday gobalka California ee wadanka maraykanka,waxaanay Illaahay uga baryayaan in uu samir iyo Iimaan ka siiyo marxuum ka dhintayna Illaahay Jannadii ka waraabiyo. Aamiin

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
May 4, 2008

Dhamaan dadka hoos ku qorani Waxay Tacsi u dirayaan Eheladii, Caruurtii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumad Hodan Faarax Ducaale oo lagu Aasay Magaalada Burco, Gaar ahaan waxay ka Tacsiyadaynayaan Maxmed Xuseen (X. Good) iyo Caruurtiisa Xaamud Maxamed Xuseen (Good), Cabdi Maxamed Xuseen (Good), Muxyadiin Maxamed Xuseen (Good), Sahra Maxamed Xuseen (Good) oo kala jooga Dalka iyo Dibadiisa,waxayna leeyihii Samir iyo Iimaan, Marxuumadana Eebe Janadii ha ka waraabiyo..Ameen.................
Read More   |  Printer Version


  
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].