|
|
WARAR WAABSAN
|
|
|
Shirgudoonka Shirweynaha Kulmiye
March 29, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Gudoomiyaha Kulmiye, ayaa xubnaha shirweynaha xisbiga u soo jeediyey, iney yeelaan ama diidaan,5 xubnood oo ay gudida fullintu, xisbigu u soo magacawday, isna shirweynaha soo hor dhigayo 5 xubnood waxay kala ahaayeen: C/Casiis Samaale (Gudoomiye), Axmed Xaaji Cali ( Gudoomiye kuxiggeen 1aad), Xasan Guure (Gudoomiye ku xigeenka 2aad), Leyla Cismaan (Gudoomiye ku xiggeenka 3aad), Xuseen Caydiid (Xoghaye). 4 Xubnood maahee xubnihii shirweynihu soo jeedintaa xubnihii shirweynahee kale wey ansixiyeen.
Passport Gate
March 21, 2008

(SOHTA - Washington) Obama, Mrs. Clinton iyo John Mcain, sadexdaba filalkii ayku jireen wararka la xidhiidha Pasabooradooda, ayey lasoo baxeen oo ay fara fareeyeen shaqaale ka tirsa Wasaarada Arrimaha Dibada ee Mareykanka. Talaaba shirciya ayaa laga qaaday sadexdii qof ee hawshaa ku kacay Obama oo ay tahay markii sadexaad oo filekiisa la fara fareeyo, ayey Condaleeza Rice raali gelin siisay. John Mcain ayaa isna codsadey in arrintaa la baadho lagana raali geliyo; halka Wasaarada Arrimaha Dibbadu leedahay fileka Hllary Clinton waxaa looga dhaqmay tababar lagu bixinayey.
Warar Waabsan
February 29, 2008

(SOHTA) SOLJA, oo gabagabadii shirkeeda 3aad, ansixisay xeer 10 qodob ah isla markaana dooratay gudi fulineed oo 15 xubnood ah.....Nuur Cadde oo maanta beeniyey wareysi uu VOA siiyey in khilaaf ka dhaxeeyo isaga iyo C/laahi Yuusuf, hase yeeshee hadalkiisa laga dhan dhaminkarayey, inney dib u heshiisiinta ku kala aragti duwan yihiin......Dad badan oo is weydiinaya hadii maamulka Garoowe KMG-ka ka mid yahay maxaa ku kalifaya in uu dastuur qorto ee uu axdi qarameedkaa ku meelgaadhka ugu dhaqmi waayey.
Warar Waabsan
February 28, 2008

6 Nin Oo Somali Ah Oo Lagu Xidhay Norway Iyo Sweden.
February 28, 2008
(Wakaaladaha Wararka Oslo, Stockholm) Saacado isku dhow, ayaa saaka, 6 nin oo Soomaali asalkoogu yahay, kalase sita jinsiyada Norway iyo ta Sweden, 3 nin Oslo Norway lagu qabtay, 3 nina Stockholm Sweden. Wararka ka soo baxaya bileyska labadaa dal ayaa sheegaya, in raggaa loo qabtay tuhun lagu tuhmay in ay abaabulayeen, isla markaana maal gelinayeen, falal argagixiso oo laga fulinlahaa Somaaliya gudeheeda. Wali baadhidii aa socota natiijadana waala ogaan doona, haddase ragaasi wey xiran yihiin sidey wararku sheegayaan.
Warar Waabsan
February 27, 2008

(SOHTA) Wasiirka Warfaafinta ee Empagati ayaa saaka isaga oo mobile ku hadlaayo ciidamadda Empagati ku togteen guriguu deganaa hortiisa......Caydiid Ilko Xanaf, Saalim Caliyow iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee Empagati, ayaa guriga deggan yihiin xaafada C/casiis, caawa banbaano loogu tuuray.
Warar Waabsan
February 25, 2008

(SOHTA,) Generaal Harag Shabeel oo banboyda u madaxa ayaa caawa Xamar jajab lagu diley......Saldhigga Police ka ee Baladweyne ayaa bambaano xallay lagu tuurey......Diinsoor ayaa shalay dagaal xummi ku dhexmarey Al-shabaab iyo ciidamada Impagati.......Dhoobley ayey laba maleeshiya shallay ku dagaalameen welina is hor fadhiyaan.
|
| |
|
|