WARAR WAABSAN

H A M B A L Y O
June 26, 2008

Reer Yuusuf Ducaale, wiil iyo gabadhba waxay hambalyo u dirayaan Maxamed Ismaciil Rooble iyo Faadumo Xasan Axmed oo todobaadkii hore ku aqalgalay magaalada Hargeysa. Labadii isku reeya, isku raaga, ubad kheyr qabana, Eebaheen iskugu daro ahaada. Aamiin .

Berbera: Warshadii Magaaladda Shideysey Oo Ay Ganacsato Qabsatay
June 21, 2008

(SOHTA) Ganacsato ay rag kale weheliyaan ayaa qabsaday warshaddii laydhka ee magaalada shideysay, waxay wararku intaa ku darayaan inay ragaasi hubeysan yihiin, waanwaanina socoto. Waxay ganacsatudu ka cadhaysantahay, magaaladoy hore u shidi jireen, lacag loogu balan qaaday markay dowladdu la wareegtay hawshii shidida magaalada oon wali la siinin, lacagtaas ooy 9 bilood sugayeen. Falkaa wuxu mayorku ku tilmaamay fal aan loo baahneyn. Illaa imika waanwaantii ayaa socota, wax dhibaata ah oo dhacaysa majiraan, inkasta oo magaalada inteeda badani dansantahay. Dekeddu waxay leedahay laydhtiriig iyada u gaara .

Waarar Waabsan
June 10, 2008

(SOHTA) Wasiirka kaluumaysiga oo soo kormeeray Iskaashatooyinka kaluunka ee Hargeysa maanta.....Ururka Qareenada S/land oo mar labaad u doortay gudoomiye, Qareen Jaamac Cilmi Xaashi, ku xigeena Liibaan Xasan Aw-Saciid, Gudidoodii fulintana ka dhigay 15 xubnood oo laba ugu daray ceerigaabo.... Cadde Muuse oo musuulkiisi maaliyada shaqada ka joojiyey..... Amnigii Gaalkacayo oo 2dan todobaad oo u danbeeyay aad u xumaaday , markii lagu diley magaalada gudaheeda dad 10 kor udhaafay.

HAMBALYO
June 2, 2008

Anaga oo kala ah: Cabdifataax Axmed Yuusuf Ducaale, Muuse Ibraahim Bookh, Yaasiin Cabdi Muxumed, Yaasmiine Axmed Yuusuf Ducaale iyo Basma Axmed Yuusuf Ducaale waxaan hambalyo u diraynaa Cabdikariim Xaaji Cumar Xuseen iyo Saafi Huseen Aamin oo dhawaan wiil ugu dhashay Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargeysa. Wiilkaas oo loo bixiyay Zubeer . Waxaanu leenahay noqo kii dalkiisa, dadkiisa, diintiisa iyo waalidkiisba anfaca. Aamiin Aamiin Aamiin


  
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].