|
|
NEWS
|
|
|
Wasiir Ka Tirsan Dowladda
Embagathi Oo Gaashaanka u Daruuray Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweyne C/laahi
Yuusuf
June 30, 2008
Kadib markii shalay xafiiska Madaxweynaha dowladda Embagathi ee magaalada
Muqdisho laga soo saaray wareegto degmooyin cusub loogu magacaabay gobollada
Mudug iyo Galgaduud ee dalka Soomaaliya laguna sheegay wareegtadaas in
wasaaradda arrimaha gudaha ay wax ka ogtahay ayuu wasiirka wasaaradda arrimaha
gudaha iyo amniga Muuse Nuur Amiin waxa uu gaashaanka u daruuray wareegtadaas oo
uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn, isla markaana lagu been abuurtay
wasaaraddiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha ahna wasiirka amniga Qaranka dowladda Embagathi Muuse
Nuur Amiin waxa uu sheegay in wareegtadaas ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha
dowladda Embagathi ee degmooyinka cusub lagu magacaabay aan isaga lagala tashan,
ayna tahay arrin u gaar ah madaxweynaha.
“Waa arrin u gaar ah madaxweynaha, wasaaraddeydana lagalama tashan arrimahaas,
waxbana kalama socdo, waxaana ka maqlay warbaahinta” ayuu yiri Muuse Nuur Amiin
oo xusay in dad horey ugu soo gudbiyey in degaanadooda degmooyin loo magacaabo
ay dacwad ugu yimaadeen, markii ay warbaahinta ka maqleen, kuwaas oo kula dooday
sida uu yiri sababta degaanadooda degmooyin loogu aqoonsan yahay oo degmooyin
kalena loogu magacaabay degmooyin.
Waxa uu wasiirku sheegay in go'aannada noocaas oo kale ah ay ahayd in la soo
marsiiyo wasaaradda arrimaha gudaha ee uu isagu wasiirka ka yahay, wuxuuna
sheegay in lagu been abuurtay wasaaradeyda oo warbaahinta laga sheegay in la soo
marsiiyey oo uu wax ka ogyahay, laakiin wuxuu afka ku ballaariyey inuusan waxba
ka ogeyn wasaaraddiisa magacaabista degmooyinkaas.
Afhayeenka dowladda Embagathi Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa warbaahinta u akhriyey
wareegtadaas wuxuuna sheegay in ay tahay degreeto madaxweynaha uu soo saaray
kadib markii uu wadatashi uu kala yeeshay wasaaraddii hore ee arrimaha gudaha,
isla markaana lala socodsiiyay wasaaradda gudaha iyo amniga ee Muuse Nuur Amiin
wasiirka ka yahay, taasoo lagu go'aamiyay ilaa 6 degmo cusub in loo magacaabo
gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo kala ah Guriceel, Ceel-Garas, Baxda iyo
Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, halka degaanada Col-Guura iyo Jawne ee
Gobolka Mudug iyana sidoo kale degmooyin cusub laga dhigay.
__
Source: Hadhwanaag News
| |
|
|