WARAR WAABSAN

Maxamed Dheere Oo La Casilay
July 29, 2008

(SOHTA) Maanta ayaa xilkii laga qaadey Maxamed Dheere oo ahaa Badhasaabka iyo Duqa magaalada Muqdishu. Waxa xilka lagaga qaadey amar ka so baxay Masuulka Arrimaha Gudahaa Ee Imbigaati. Waxa xusid mudan in muddo aan sidaa u sii fogeyn loo celiyey Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi Yalaxow, labadaba hubkoodi laga qaadey markii maamulka imbigaati soo dagey Muqdisho. Wararkaasi waxay intaa ku darayaan in hub cusub la siiyay. Waxase su'aalo ka taagen yahiin sababta loo hubeeyay rag ka tirsanaa (War Lords) - kii.

Markab Japan Laga Leeyahay Oo Lugu Haysto Ayl
July 28, 2008

(SOHTA) Markabkii 26-aad ah lagoo af dubo Xeebaha Somalia o Japan laga leeyahay ayaa lagu haysta Ayl, iyadoo af dubayaashu ay dopnayan lacag madax-furasha. Raga af duubay markabka was sagaal nin oo ka soo kala jeeda Maamulka Garoowe. Muddadan dambe marin-badeedka xeebtea Somalia wuxu noqday wada halaq oo ay marakiibtu dhib ku qabto maridda ay merayaan, aduunkuna arrinta iyo dadka doonyaha ka raaca agagaarka Boosasso ah ku halagma bada Somaliya iyo Yemen oo dhaxaysa midna waxbe ka qabanwaa.

Awood-Wadaagga Isbahaysiga Djibouti Iyo Imbigaati
July 26, 2008

(SOHTA) Sidaa war-baahintu fidisay Isbaheysiga , Garabka Djibouti yo Imbigaati waxay ku heshiiyeen in ay awooda xukunka ay qaybsadan. Cabdillahi Yusuf ayaa Garoowe kaga dhawaqay arrintaa, iyada o ay Al-Jazirana ka soo tabisay magalada Djibouti. Sheekh Xassan Dhahir Aweys, wuxuu shaley Al-Jazira uu shagey in ay dagaal ku qaadi doonan ciidamada ajnabiga ah hadey caawiyan awooda ay iska soo horjeedaan. Inta wuxuu raaciyay in ay illaalin doonan shaqalaha kaalmada dadka u jooga dalka oo ay ka soo horjeedaan afduubkooda iyo dilkoodaba.

Wareysi BBC-du La Yeelatay Jendayi Frazer
July 25, 2008

(SOHTA) Kaaliyaha Arrimaha Dibedda eh oo u qaabilsan Maraykanka Afrika, Jendayi Frazer ayaa maanta wareysi dheer ka sii daayey BBC-da, Laanta Af Somaliga. Markay arrimaha 'Soomaliya' ku dheerata aya la weydiiyey wuxu ka qabo Marakanku aqoonsiga Somaliland. Waxay u jawaabetay in Midowga Afrika (AU) arrinta ka sugayenin uu tallaabo ka qaado, ka dibna ay arrinta eegi doonan waxay ka yeeli doonan. Inta waxay racisay in ay xidhiidh wada shaqayneed la leeyihiin Somaliland, Demoqraadiyada halkaa ka hir gashayna taageersan yihiin.

Is-bahaysigii Oo Kala Jabay
July 22, 2008

(SOHTA) Sida ay baahisa maanta Al-Jazira, qaybti is-bahaysiga ee joogtay Eritrea ayaa ku dhawaaqday in ay xilkii ka qaaday Sheekh Shariif Skeekh Ahmed, una dhiibtay Sheekh Xasan Daahir Aweys. Al-Jazira oo waraysatay Sheekh Shariif wuxu sheegay in aqlabiyaddi Golaha Dhexe ay jogto Djibouti, markaana aanay aqlabiyadu ridi karin, halka Sheekh Aweys oo ku dacwiyayo in heshiiskii Sanca laga beyday o heshiskii hore ah Djibouti uun la ansixay.

H A M B A L Y O
July 17, 2008

Cabdilaahi Askar Ibraahim, Xasan Maxamuud Cige, Haybe Idiris, Axmed Muuse Geedi, Cali Aadan Meecaad, Yaasiin Daahir, Ismaaciil Cumar Sheekh Muxumed dhamaantood waxay hambalyo u dirayaan Liibaan Xaaji Yaxye Xaaji Ibraahim iyo Samsam Cabdilaahi Xuseen oo arooskoodu ka shacay wadanka Britain gaar ahaan magalada Cardiff. Waxaanu leenahay noqda kuwii isku raaga ubad khayr qabana kala hela...... Amiin Amiin!

H A M B A L Y O
July 17, 2008

Reer Cabdilaahi Xuseen Miyir iyo Reer Yaxye Xaaji Ibraahim dhamaantood waxay hambalyo u dirayaan Samsam Cabdilaahi Xuseen Miyir iyo Liibaan Xaaji Yaxye Xaaji Ibraahim oo ku aqal galay magalaada Cardiff bishan 13keedii. Illaahay waxaan uga baryayaan in ay noqdaan labadii isku reeya ee isku raaga, ubad khayr qabana ilaahay iskugu daro...... Amiin Amiin!

H A M B A L Y O
July 17, 2008

CabdiKareem Xasan Caalin, Shukri Khayre, Abshir Nuur, Iyo Dhamaan Ilma Mahdi Khayre waxay dhamaan waxay hambalyo u diraaynn Liibaan Xaaji Yaxye Xaaji Ibraahim iyo Samsam Cabdilaahi Xuseen oo arooskoodu ka shacay wadanka Britain gaar ahaan magalada Cardiff. Waxaanu leenahay noqda kuwii isku raaga ubad khayr qabana kala hela...... Amiin Amiin!

H A M B A L Y O
July 15, 2008

Axmed Yuusuf Ducaale Iyo Xaaskiisa, Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Cabdifataax Axmed Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Muuse Ibraahim Bookh, Yaasmiin Yuusuf Ducaale, Basma Yuusuf Ducaale, Yaasiin Cabdi Muxumed Iyo Xaaskiisa, Ilyaas Cabdi Muxumed Iyo Xaaskiisa waxay hambalyo u dirayaan Liibaan Yaxye Xaaji Ibraahim Warsame iyo Samsam Cabdilaahi Xuseen oo arooskoodu ka shacay wadanka Britain gaar ahaan magalada Cardiff. Waxaanu leenahay noqda kuwii isku raaga ubad khayr qabana kala hela...... Amiin Amiin!

Gaalkacayo Oo Bandoo Ah Iyo Issimadii Puntland Oo Is Khilaafsan:
July 2, 2008

(SOHTA) Xallay Makhribkii ayaa bandoo lagu soo roggay qaybta maamulka Garoowe xukumo, markii ammaankii farraha kabaxay. Makhribka illaa salaada subax magaaladda lama socon karo muddo loo qabtay majiro bandoogaa. Issimada maamulka Garoowe oo ku dhawaaqay shir qarran oo ay sumad uga dhigeen "Badbaadada Puntland"; kaasooy u muddeeyeen July 20 2008 waxa toos ugu gacan seydhay Maamulka Garoowe oo u arkay maamulkoo lagarab maray. Waxaa iyana xusid mudan in Gaalkacayo, qeybta laga xukummo Gal-mudug, ay iyaduna bandoo ahayd laga bilaabo 22-kii June 2008, ammaanka magaalada oo xummaaday awgii. Muddo looma qaban bandoodaa iyada ah.


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].