Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

KULMIYOOW SOMALILAND HA KALA GOYN!!!!
July 22, 2008


Ma Bari iyo Galbeed ayeynu ugu kala safanaa damac kursi oo hal shakhsi ku kooban? Geblo shimbir haddii Bari laga tumo iyo haddii Galbeed laga gurxamo midina gilgilimayso jiritaanka Qaranka JSL. Sideedaba kursi siyaasadeedka Afrika hadiyad la isuma siiyo. By: Rashwaan Y. Muhumed.

“Haddii doorashadii April 14, 2003 inuun libin laga soo hoyn lahaa, Gaagaaloow miyaan Xaajiga ilmaadeeradii sutida u qaban oon hadh cad codkii Bari sidaad ogtahay wado cad laga marin? Waar miyaan Maxamed Kaahin oo gaadhigii Siiraanyo watta Caynaba dusheeda lagaga dejin? Magaalada Burco miyaaney Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Gaal gacanta isula
tegin?” Maqaal uu qoray Ibrahim Xassan Gaagaale, cinwaankiisuna yahay "Galbeedoow Ha kala Goyn
Somaliland" oo lagu daabacay:

http://www.somaliland.org/2008/06/30/faallo-galbeedow-ha-kala-goyn-somaliland/

Ayaa Ibrahim oo Shaadh Bari iyo koodh Beeleed oon idabkooduba is geyin iska dul xidhani damcay inuu dalkii aafo la yidhaa Bari iyo Galbeed ugu kala raro. Taxanahani waa jawaabtii qancin lahayd Ibrahim iyo intii sida uu sheegayo la qabta.

HORDHAC:

Ma Bari iyo Galbeed ayeynu ugu kala safanaa damac kursi oo hal shakhsi ku kooban? Geblo shimbir haddii Bari laga tumo iyo haddii Galbeed laga gurxamo midina gilgilimayso jiritaanka Qaranka JSLand. Sideedaba kursi siyaasadeedka Afrika hadiyad la isuma siiyo, la isuguma duceeyo, la isagamana dego. Bal u fiirasada waxa mandiqadda ka aloosan. Si aynu dhibtaa Qaaradda aafeysey uga gaashaamano, waxaynu samaysannay nidaam iyo qaab ninkii kursi hungureeyaa raaco oo ah tan xisbiyada badan. Hoggaanka dalka ninkii jecleystaa jidkeeda ha maro, ummaddana ha la hor yimaado qorshihiisa oo tafatiran dhinac kasta, hana ku qanco go'aanka kama dambeysta ah ee codbixiyeyaasha! Ma quuste, ma qabsoome, iyo ma qance marka horeba in ay saaxadda siyaasadeed isasoo qotomiyaan ma qumana.

Haddiise xisbinimadii kurisigii lagu waayey, shaadh reerinimo iyo koodh Bari doorkan maanta ah guul ma lagu soo hoyn doonaa? Iyadoo sidaasi jirto ayaa haddana waxa muuqata in sheeko Beeleedii aan weli laga korin oo dadka qaarkii si indho la’aana ugu dhegganyihiin.

Hubaal weeye walaalo isnaca in wixii laga dhaxlaa tahay xabaalo batta iyo xoolo yaraan. Laakiinse ma la ogsoonyahay in xiligii ay soo baxday dhalinyaradii lagu naanaysi jirey Kabo Cadda, nin ka mid ahaa ku heesay:“ Adoo guri barwaaqa ah geel dhalay ku haysta, Geedi lama lalabo oo abaar looma guuro, Caqligaa iga guuro garab maray wanaagee wixii ila garaado gobanimo ha tuurina"! Xafiiltan siyaasadeed oo ka dhexeeya nin kursi u weeran iyo mid ku dheggan oo ku wisiisiyaya
labada midkoodna dalku u burburimaayo. Qiimo badan ayey Somaliland inagu joogtaa, kursi hal qof u hillaacayana u dumimeyso.

Gobollada Bariga dalku goormay Ibrahim Xasan afhayeen ama abbaan u igmadeen? Barise ma Beel ayaa dalka intiisa kale uga wakiila ah? Nidaamka Xisbiyada badan ee wadanka ka hirgalay iyo distoorka dalka midna ma jideynayo saami qeybsi ku salaysan Goboleysi iyo Beeleysi; waa ta labaade gego Beeleed laga soo hayaamay guryonoqodkeeda ayaa dalka u horseedi kara dalka jahowareer aan loo bahnayn; gorgortan siyaasadeed Bari iyo Galbeed kama dhexeeyo .

Intaa ka dib walaalkeen laba shaadhle waxaynu ku reebi doonaa ka beelnimo oo keli in uu ku ekaado; illayn waran iyo gaashaan ergiso ah laguma dagaal galo. Qoraaga maqaalka kor ku xusan ayaa madasha keensaday garnaqsiga; garina waxa la yidhi Allay taqaan, akhristaha ayaa xukunkeeda ridi; inkastoo wax faalo lagu sheego nuxurku sheekadan ka qoto dheertahay, hase yeeshee waynu is khuuro naqaan, duurxulna haba sheegin.

Hadaba horraantii jawaabta oo qodobaysanina waa sidan soo socota:

    1: Halkay maanta Somaliland marayso sabab kala go’ ugu yimaado meesha maba taal. Ha laga sii kordhiyo dedaalka oo arrimaha inaga khaldan ha la toosiyo waa halkeeda, lakiin naycayb iyo colaad aynu warmaha isu gurano dadka reer Somaliland wa mid aan marnaba ka suurto geleyn. Haddaynu dib ugu noqono xiliyadii dagaaladii sokeeye ee horraantii sagaashameyadii ereyaga beel heblaayo horta magaalada haka guurto wuxu ka soo yeedhay madal lagu nabadaynayey beelaha bariga iyo Galbeedka Burco; mar labaadna sidoo kale ayaa ereyga laftiisa si dhib yar uga fakaday nin ganacsade
    ah. Raadraac labadaba Ibrahim Gaagaale ayaan u dhafayaa.

    Anigu marnaba ma ayidsani in aynu magaalooyinka kala sheegano; haddii laga tegiwaayo deegaanada xooluhu daaqaan ummadda wey u kala soocan tahay; xiliyada abaarahana hadba meeshii tigaad iyo biyo leh weynu wadaagnaa oo dhaqankeena ayey ka mid tahay.

    2: Taariikhda magaalooyinkeena haddaad dib u raacdo waxa jira meelo la degey wakhtigii Seylac, Bulaxaar, iyo Berbera camirnaayeen aanse kobcin sababtuna waxay ahayd in cidi gaar u sheegatay ka dibna ay tuulonimadii dhaaafiwaayeen goobahaasi. Magaalona asalkeedaba waxay dhisasantaa oo horumar yimaada marka ay ummadda dhex u noqoto. Hargeysa cid gaar u leh iyo cid laga caydhin karaa midna ma jirto, ummadda Reer Somalilandna beelo dab la isugu dhiibo si weyn ayey uga kortay, qarannimadeenana mid burbur u horseedi karta ma aha. Siduu hadalka Ibrahim u dhigay Reer Bari
    iyo Habar heblaayo Caasimadda Somaliland cid marti iyo magan gelyo midna uguma ah.

    3: Waa yaabe haddii Sannadkii 1991 dhafoorqiiqle dhegta wax ugu riday qayb ka mid ah isbahaysigii USC, inagana ma suntii ayey hawada inoo soo raciyeen? Waqeed Dhabayaco Majeetteen intay dabin maleegeysey waatii horseeday in ay soo hoggaamiyaan Afweeyne Siyaad Barre, dhaxalkeediina noqday in iyaga iyo Ummaddii Soomaaliyeed god madow lagu rido. Tan Maanta taagana warkeeda waxa dhammeyey Allah ha u naxariiste gabayaagii Maxamuud Maxamed Yaasiin. Waxan moodayey in abeesadii oo nool meesheedii lagaga yimid kala guurkiiye, bahasha miyaa la kala goostay oo kurtii ayaa ina soo raacday oo Somaliland dib ugu biqishay? Wallee Somaliland wax kale ayaa duddada ugu jira.

    4: Miyeynaan kaba gudbayn in qaab Beeleed wax lagu qaybsado? Shii buu yidhi: "Ma tanuu Jaffaalna baqal u soo fuulay?"! Geedi socodkii ka soo bilaabmay Shir Beeleedkii Burco ee 18kii May, 1991 ilaa doorashadii Golaha Wakiilada hadba waxa geedi laga sii hayaamayaa beelaysigii; waxaynu u diga roganey in nidaam dimuqraadi ihi dalka ka abuurmo waanaynu ku guulaysanay. Waxaynu maraynaa loona diyaargaroobayaa doorashooyinkii Deegaanda iyo Madaxtooyada oo markii labaad ah, waana ta soo jeedisey adduunweynihii markii hore dhabarka inoo soo jeediyey. Ma dhammaystirna oo
    wax badan ayaa dhiman oo u baahan in la toosiyo; qaabkii lagu hagaajin lahaana waa in la helaa hoggaan laga dheehan karo karti iyo hufnaan oo si hagar la’aan ah u hirgeliya waxyaaba ummaddu tebeyso. Taasina waxa keeni kara oo keli ah isbedel hore leh oo xag maamul iyo xag siyaasadeedba leh oo dalka ka dhaca. Sannadkii 1991 wixii Muqdusho ka dhacay ifafaaleheedii iyo wax u dhowi toona maanta Somaliland kama muuqdaan, dadkuna 17 Sannadood oo waayo aragnimo ah ayey heleen, tacabkaasna sal fudayd lagu burburinmaayo.

    5: Anigoon sidaad faalada u dhigayso iyo waxay xambaarsantahay midna kugu raacsanayn, Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxa haligay reer isu dhigay in Illaahay Soomaali inteeda kale ka fadilay, xukunka dalkana ay iyagu dhaxaltooyo gaar ah u leeyihiin iyo cudurka la yidhaahdo "Aniga" ( Selfness ). Halkayse sheekadaasi ku dambeysey? Waqooyi iyo koonfuri waxay ku kala guureen iyo waaqica siyaasadeed ee maanta Somaliland ka jiraa waa kaaf iyo kala dheeri, isbarbar dhigooduna haddan la isyeelyeeleyn mid qumman ma aha oo waa caqli xumo sideeda u taal.

    6: Intii u dhexaysey 1983-1993 hoggaankii halgankii dibu xoreynta Somaliland halkay Gobollada Barigu kaga maqnaayeen ee lagu duudsiyey. Shirweynihii Burco waxa la go'aansaday in aynu dib ula soo noqono qarannimadii iyo madaxbanaanidii Somaliland ee lixdankii soofdaran habowday, isla markaana waxa la isku raacay in Ururkii SNM talada dalka hayo muddo laba sannadood ah, maamul dowladnimo ururku labadaa sannadood gudohooda ku sameeyo. Labadii sannadood markay dhammaadeen SNM taladii waxay dib ugu soo celisey dadweynihii igmaday. Cabdiraxmaan baa si fool xun xilkii looga xayuubiyey iyo beel ku xajiimee waa siyaasadda uu ku caano maalo Axmed Siiraanyo; Waa tii inoo horseeday dagaalo sokeeye markuu meel walba kaga tiiraabay dowladi majirto; Madaxweynaha reerkooda dhibta wada iyagana xuduuda ayaanu ku tallaabin. Xaajiga weli lagalama xisaabtamin dadkii gar iyo mag la'aanta ugu dhintay dabkuu huriyey; dalkan in uu Madaxweyne ka noqdaana xaraan bay ka tahay aniga ra'yigayga.

    7: Shirweynihii labaad ee Beelaha Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Borama 1993, Axdi Qarameedkii lagu dhawaaqay maamulkii u horeeyey ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Guddoomiyihii Golaha Wakiiladu miyaanu ahayn Md. Axmed Cabdi Xaabsade? Ma Awdal buu ka soo jeeday mise Saaxil? Miyaanu nin Reer Sool ah ahayn. Xaabsade iyo Cigaal haddii khilaaf siyaasadeed soo kala dhexgalay, Md. Axmed Maxamed Aaden "Qeybe" oo deegaan ahaan Buuhoodle ka soo jeedaa miyaanu bedelkii Xaabsade noqon? Markii Guddoomiyihi Golaha Guurtidu, Allah ha u naxariiste Marxmuum Sheikh Ibrahim Sheikh Yussuf Sheikh Madar, geeriyooday miyaan Md. Saleebaan Maxamuud Aaden lagu bedelin? Saleebaan ma Hargeysuu ka soo jeedaa? Haddaba anigu ma garanayo iimana muuqato meel Gobollada Bari xaqoodii lagu duudsiyey, xukunkii dalkana, sida Ibrahim Xassan u dhigay, Reer Galbeed isbahaysi iyo kelitalisnimo ugu maroorsadeen. Marka laga soo bilaabo 1991-2008 miyaanay jirin Wasaarado, iyo Haya’do madaxbanaan oo Bariyeysan kana mid yihiin
    Wasaarada Maaliyadda, Debedda, Bangiga Dhexe, Maxkamadda Sare iwm

    8: Horta sideedaba marka hore aan isla meel dhigno seddexda jago ee la odhan karo waa heer dawladnimo halka talada dalku ka go'do in ah yihiin Madaxtooyada Qaranka, Shir Guddoonka labada Gole ee Sharci Dejinta, iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Akhristoow seddexda mansab Bari iyo Galbeedba ma ka muuqdaan mise si kale ayey wax u jiraan? Dheef iyo dhadhamo kay doonto ha noqote warkeedu halkaas ayuu ku dhanyahay.

LA SOCO QAYBTA LABAAD,


Rashwaan Y. Muhumed
rashwaan1967@yahoo.com


 


Nelson Mandela
90th
Birthday


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp