|
|
NEWS
|
|
|
Wefti Culus Oo Ka Socday Hay’adaha Qaramada Midoobay Oo Booqasho Ku Jooga
Caasimada Somaliland Ee Hargeysa
July 6, 2008
Wefti balaadhan oo Ka socday hay’adaha Qaramada midoobay oo ka kooban 12 xabnood,
ayaa maanta socdaal ku yimid Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay qiimaynayaan,
mashaariicdii dalka laga fuliyay lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Weftigan oo uu hoggaaminayo wakiilka hay’ada UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo
Soomaaliya, Mr. Christian Balslev-Olesen oo saxaafada ugu waramayey qolka
nasashada ee Madaarka Hargeysa waxa uu sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho
kulan Maalinta isniinta ka furmaya Hargeysa oo lagu qiimaynayo mashaariicda
Qaramada Midoobay ka fulisay Somaliland lixdii bilood ee Hore.
Christian Balslev-Olesen Waxa uu yidhi “Waxa socdaalkayagu la xidhiidhaa kulan
Hargeysa ka furmaya oo lixdii biloodba hal mar lagu falanqeeyo mashaariicda
dalka ka fulay, kuwa aan sidii la rabay u fulin iyo mashaariicda dib-u-dhacu ku
yimid”.
Christian Balslev-Olesen Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa kale
oo kulan lagaga hadli doonaa, sidii bulshada looga caawin, gaar ahaana dadka
danyar ah ee ay Saameysay qiimaha maceeshada iyo gaaska ee kor u kacay.”
Wasiirka qorshaynta Md. Cali Ibraahim Maxamed [Cali Sanyare], oo madaarka Egal
International Airport ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Weftiga ayaa
sheegay in shirka xukuumadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay uga furmaya
Hargeysa, lagaga hadli doono sidii loo toosin lahaa cilaaqaadka labada dhinac
iyo meel marinta mashaariicda loogu talo galay in gobolada laga hirgeliyo lixdii
inta ka hadhsan sanadkan 2008.
“Kulanta aanu maalinta berito [Isniin] aanu la yeelandoono hay’adaha qaramada
Midoobay laga soo saaridoono Warsaxafadeed midha-dhala, kadib wada xaajoodyo
aanu labadayada dhanac kaga wada hadlidoono sidii loo horumarin lahaa
Somaliland”
__
Source: Hadhwanaag News
|
|
|