NEWS

Weftigii Ka Socday Deeqbixiyaasha Caalamiga Oo Kulamo Gooni-gooniya La Yeeshay Sadexda Xisbi Qaran, Komiishanka iyo Shirgudoonka Barlamaanka
July 6, 2008


Weftigii ka socda Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka caawinaya dhinaca Doorashooyinka fooda inagu soo haya oo ayaa shalay booqasho ku yimi dalka, ayaa waxay maanta ilaa shalay kulamo gooni gooniya la yeesheen Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE,UCID iyo UDUB], Komishanka, Shirgudoonkalabada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] iyo hay’ado kale.

Weftigan ka Socday Midowga Yurub, waxa booqashadoodu daba socotaa socdaal wefti ka socday Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda xisbi Qaran oo dhowaan u tagay Nairobi inay halkaasi wadahadalo ay kula soo yeeshaan Deeqbixiyayaasha, kadib markii dhinacyada oo dhami wada saxeexeen heshiis laga gaadhey khilaafkii ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddadii halka sanadood ahayd ee ay Guurtidu u mudada xilka ugu kordhisay Madaxweyne Rayaale. Waxana uu weftigu shalay gelinkii dambeba kulan la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Kulamadan ay maanta la yeesheen Xubnaha Ka Socday Midowga Yurub Axsaabta qaranka ayaan wax wara oo rasmi ahi ka soo bixib, hadana mar ay si goooni gooni ah Saxaafada ugu waramayeen dhinacyadaas la kulmay waxay sheegeen inay Midowga Yurub u sheegeen inay lacagtii soo daayeen, iyagana looga baahan yahay inay dhinacyada ka is-taagan hawsha doorashooyinka gaar ahaana diwaangelinta codbixiyaasha oo bilaabmidoonta.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimihii hore lagaga hadlay kulankii ay la yeesheen wefdiga EU-da, waxana uu sheegay inay ka wada hadleen doorashooyinka iyo fulinta hawsha tiro koobka codbixiyayaasha, maadaama aanu wax khilaaf ahi ka dhex aloosnayn xisbiyada qaranka.

“Xubnihii Ka Socday Midowga reer Yurub ee aanu kulanay waxay noo sheegeen inay dhinacooda ay bilaabeen hawshii dorashooyinka lacagtii kharashka ahayd ee loogu talagalay in lagu qabto doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha inay soo daayeen loona baahan yahay in in hareeraha laga jooga, Miisaankuna waxa uu ku dhacayaa qoladaa komiishanka doorashooyinka” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaan hadalka ku soo koobo qoladani waxay keeneen lacagtii diwaan-gelinta lagu qaban lahaa, waxaana bilaabmaysaa diwaangelintii”
Guddoomiyaha siyaasadda xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, oo isaguna ka hadlay kulankii ay la yeesheen wefdiga midawga Yurub, ayaa sheegay in ay ugu muhiimsanayd waxyaabihii ay isla soo qaadeen qabsoomida iyo u diyaar garowga doorashooyinka.

Sidoo kale waxay Weftigani la kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay ka wada hadleen gudagalka arrimaha doorashoorinka, isla markaana sidii loo bilaabi lahaa diwaangelinta codbixiyaaysha.

“Waxa aanu xisbi ahaan u muujinay weftiga sida ay nooga go’an tahay in doorasho xor iyo xalaal ah oo iin lahayn wax ku shubasho ah ay dhacdo”, ayuu yidhi Cumar Jaamac.

Sidoo kale, weftigan EU-da oo dalka yimid Sabtidii ayaa waxay kulamo gooni fooni ah la yeesheen shirguddoonada labada Gole Barlamaan Golayaha Wakiilada iyo Guurtida, iyagoo Sabtidiina kulan la yeeshay wasiirudawlaha arrimaha dibada, Md. Siciid Maxamed Nuur, waxana la filayaa inay kulan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland.

Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka ayaa go’aan ku gaadhey in ay laaleen lacag gaadheysa ilaa $ 8 Milyan oo Doollar oo ay ugu talagaleen in lagu fuliyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, kadib markii Golaha Guurtidu soo faragelisey heshiis saddexda xisbi iyo Komishanku wada saxeexeen oo ku saabsanaa qabashada doorashooyinka iyo diiwaangelinta, isla markaana dib u riixey wakhtigii lagu heshiiyey ee doorashada iyaga oo taasna u cuskaday Xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Hase yeeshee, waxay Deeqbixiyayaashu go’aankaas ka noqdeen markii hoggaamiyayaasha saddexda xisbi heshiis ka gaadheen khilaafkaas, kaas oo ay iskula qaateen in meesha laga saaro qodobada xeerka Diiwaangelinta ee Guurtidu ugu marmarsootay muddada ay u kordhisey Daahir Riyaale iyo in dammaanad sharci loo sameeyo wakhtiga lagu heshiiyey in la qabto doorashada iyo diiwaangelinta.

Inkasta oo heshiiskaas la saxeexay, isla markaana la ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha, haddana, waxa la sheegay in weli Madaxweyne Md. Daahir Rayaale Kaahin uu ka warwareegayo inuu Guurtida ka keeno warqad dammaanad ah oo lagu heshiiyey, taas oo ay ku caddaynayaan in aanay waxba ka beddeli doonin wakhtiga doorashada ee ay ku heshiiyaan komiishanka iyo saddexda xisbi-ba .

__

Source: Hadhwanaag News

 
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].