NEWS

Kor U Kaca Shidaalka Iyo Qorsha Xukuummada Somaliland Ee Lagaga Maarmayo Is-ticmaalka Shidaalka
July 6, 2008


Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland, Md. Maxamed Saleebaan Maxamed [Ina Saleebaan Weyne], ayaa daboolka ka qaaday inay ku hawlan yihiin qorshe tamarta Cadceeda ama Dabaysha looga faa’iidaysanayo oo dab laga dhalinayo oo laydh ahaan loo isticmaalayo. Isla markaana sidii looga bixii lahaa dhibaatada shidaal yaraantu sababtay ee dadka dhibaatada ku noqotay looga maarmo, si aan shidaal badana loo la is-ticmaalin.

Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamed waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu maal-mahanba ka hadlaynay tamarta ku shaqeysa Cadceeda ama Dabeysha, si looga reysto dhibaatada dadka ka heysata shidaalka badan ee baxaya”

Md. Maxamed Saleebaan waxa uu ku dooday inay mashruucan tamarta Cadeeda ama dabeysa lagaga dhalinayo ay wadeen muddo lix bilood ah, isla markaana ay wakhtigan ku jiraan gudo galkiisi oo ay bilaabeen.

“Waxay ay noqonaysaa qorshahan goobta ugu horaysay ee aanu ka bilaabaynaa Madaxtooyada Somaliland, oo aanu laydhkeeda u bedelayno System-ka Sollarta. waxa qorshahayga ku jirta in goobaha danaha guud sida Cisbitaalada, Iskuulada, Ceelasha biyaha ee dalka iyo goobo kale oo muhiim ah ayaanu tijaabada ku bilaabaynaa oo aanu hawshan ka hirgelinaynaa. Waxaana laga hirgelindoonaa 6 Gobol ee Hore” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Wershadaha Somaliland.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Iskuulada dalka lix Gobol waxaanu galinaynaa laydh ku shaqeynaya Cadceeca ama dabeysha, waxa kale rugaha Caafimaadka, Cisbitaalada, ee Lixda Gobo lama MCH-yada ayaanu iyagana u sameynayanaa.”

Wasiirka Wershaduhu waxa uu sheegay inay Beeraha ay dadku leeyihiin ay u sameyndoonaan laydh ku shaqeynaya tamarta Cadceeda ama Dabeysha laga dhaliyo, waxa uu tusaale u soo qaaday oo uu tilmaamay inay Gobolka Awdal ay 4-meelood oo tamarta Cadceeda ama dabeysha ay ka sameyndoonaan, Gobolka Hargeysana ay ka sameyndoonaan 5-meelood, Gobolka Saaxilna 4-meelood, Togdheerna 4-meelood, Gobolka Soolna ay ka sameyndoonaan 3-meelood halka Gobolka Sanaagna ay Ka Sameyndoonaan 5-meelood. ,ayuu yidhi Wasiirku.

Mar uu ka hadlayey Wasiirku u jeedada ay u tamarta cadeeda laga dhalinayo waxa uu yidhi “Hawsha aanu maanta isugunimi waxaweeyaan dar-dargelinta hawshii ku saabsanayd tamarta, si aanu wax uga qabano dhibaatada uu keenay shidaal yaraantu”

“Waxaanu tijaabadoodi wadnaa Shoolado ku shaqeynaya tamarta laydhka oo aanu isleenahay waxa lagaga maarmi karaa dhuxusha, iyo Xaabada

Md. Maxamed Saleebaan, waxa uu u mahadceliyay Hay’adda ADRA ee mashruucan ka wada shaqaynayaan iyo cid kasta oo gacan ka gaysata hirgelintiisa, waxaana uu farta ku fiiqay inay dhawaan bilaabayaan sida ugu dhakhsaha badan.

Dhinaca kale, Sarkaalad lagu magacaabo Hana oo ka socotay Hay’adda ADRA ayaa uga mahadcelisay dawlada Somaliland sida ugu soo jeedo hirgelinta mashruucan ay ka wadaan dalka, waxayna xustay inay ka dhawrayso sidii ay u sii fiicnaan lahayd wada shaqaynta ka dhaxaysaa.

Waxa mashruucan Sollar-ta ah oo ay iska kaashanayaan Hay’adda ADRA, isla-markaana, ay mashruucan maal-gelinayaan Midawga Yurub.

__

Source: Hadhwanaag News

 

 
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].