NEWS

Wasiirka X/xoolaha Oo Shaaca Ka Qaaday In Ganacsade Aljaabir Oo Kaliya Xoolaha Laga Iibinayo
July 4, 2008


Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. idris Ibraahim Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in aan cabashada

iyo shirarka jaraa,id ee ganacsatada waddaniga ahi marnaba joojin karayn heshiiska xukuumadda Somaliland dhoofka xoolaha nool kula gashay maalqabeenka Carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri, kaas oo uu ku tilmaamay heshiis qaran oo dan u ah dalka.

Waraysi khaas ah oo Jamhuuriya xafiiskiisa kula yeeshay shalay, waxa uu Wasiirku kaga warramay cabashooyinka ganacsatada maxalliga ah ee ku wajahan heshiiska xukuumaddu kula gashay dhoofka xoolaha nood ee Somaliland maalqabeenka Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri iyo aragtida wasaaraddiisa ee ku aaddan wufuud ganacsato Carbeed oo dalka u yimi qorshayaal ku wajahan sidii ay u qaadan lahaayeen xoolaha Somaliland, kuwaas oo ay horkacayeen xubno ka mid ah ganacsatada waddaniga ah ee sida weyn uga soo horjeeda heshiiska Al-jaabiri.

Waxa kale oo Wasiirku waxba kama jiraan iyo khiyaali ku tilmaamay cabashooyinka iyo shirarka jaraa’id ee maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha nool ee sida weyn uga soo horjeeda heshiiska xukuumaddu la gashay Al-jaabiri, isaga oo sheegay in dadka arrintaa ku hawlani aanay badankoodu ahayn ganacsato shaqo ku leh dhoofka xoolaha, base ay yihiin dad suuqa laga soo ururiyey oo ay soo abaabuleen dhawr ganacsade oo ka xun heshiiska Al-jaabiri, sidaa darteedna aanay cabashadooda iyo qayladoodu waxba u dhimi doonin heshiiska xukuumaddu kula jirto Al-jaabiri.

“Baryahan waan maqmaqlayey shirar badan oo ka dhacaya Burco iyo Hargeysa oo niman ganacasato sheeganayaa ay qayl-qaylinayeen, dadkan qaylinaya qaar ganacsato way yihiin, qaarna waxa wata rag ganaacsato ah oo qayl-qaylinay oo aan tiro badnayn,” ayuu yidhi Md. Idiris Ibraahim Cabdi.

“Waxa weeyeen laba arrimood baa meesha jira; mid waxa weeyaan dawladdu heshiis bay ku jirtaa heer qaran ah oo aan shir-jaraa’id, buuq iyo qaylo midna lagu joojin karayn oo dawladdu go’aansatay inuu Somaliland dan u yahay ilaa labada boqol [200 sanno] sanno ee soo socda oo ubadkeena ubadkiisu maxjarkeena ay ka faa’idi doonaan ee lagula tartama lahaa maxjarada laga dhisayo Afrika ee xooluhu u marayaan adduunka, ayaa Berbera laga dhisayaa, kaasayna dawladdu maalgalin u doontay oo u soo heshay. Waxanaynu iminka ku jirnaa gebagebadii maxjarka la furayey, waxan oo kar ah waxa keenayaa waa Carabtii diidanayd maxjarkan iyo shirkaddan Al-jaabiri ee aynu la heshiinay, kuwaasaana wax badan ka dambeeya buuqan dhacaya.”

Wasiir Idiris oo arrimahaa sii faahfaahinayeyna waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Raggan shirarka ku qabtay Burco iyo Hargeysa wax yar baa ku jira ganacsatada xoolaha, iyaguna waxa weeyaan arrintoodu malaha Carab aannu beri wax siin jirnay ee kaayagii maxaa loola heshiin waayey, Carabkooduna maxjarna dhisi maayo, bangiga adduunkana heshii kama haysto oo laba milyan oo neef qaadan maayo sannadkii. Carab yar oo labaatan kun oo neef qaadanaya sannadkii waxaannu ka doorbidnay mid sannadkii qaadanaya laba milyan oo neef.

Heshiiskii aannu la galnay Al-jaabirina wuu soo dhow dhow yahay, dalwadda Raasul-khima iyo shirkad ajeniba ah ayaa shuraako ku ah dhismaha maxjarka Berbera, kii hre iyo kan cusub ee iminka dhammaanayaba. Xoolo malyan ku dhaw-dhaw bay caafimaadiyanayaan, shaybaadhaddii casriga ahaa baa yaal, waxa Somaliland u soo kordhay ninkii ka qaylinaya ee diidan iyo wax Berbera iyo dekeddeena u soo kordhay anigu ma garanayo waxa uu doonayo runtii.

Maalinta uu furmo maxjarkaa Berberi, berrina allaha ka yeelee ilaa bisha August 2008 baana la filayaa, maalinta uu furmo maxjarkeeasi ee xoolaheenu toos u tagaan Sucuudiga Carabkii xoolo ka dhoofinaya mid kun doona ha ahaadee wuu ka dhoofinayaa. Al-jaabiri heshiis cusub baa lala galayaa, kanina waa heshiiskii maxjarka dhismaha, marka uu iminka furmana heshiis cusub baa imanaya,” ayuu yidhi Idris Ibraahim.

Mar wasiirka la waydiiyey qiimaha neefka xoolaha ah ee raqiiska ah iyo maciishada quutal-daruuriga ee qaaliga noqotay sida ay isku qabanayaan, waxa uu sheegay wasiirku in xoolaheenu aad u waydsan yihiin marka la eego abaarihii badnaa ee soo maray iyo xagga daaqa iyo nafaqayntiisa oo aad u liidata, taasina ay sababtay in neefkeenu uu jabnaado, iyada oo jabniinkaasina uu dan u yahay in iibsamo neefkeena xoolaha ahi, isla markaana aannu ninka reer miyiga ahi awoodi Karin in uu neefkiisa ku beddesho gadbad bariis ah, iyadu oo taasina ay u sabab tahay maciishadaa dunida ka qaaliyoowday.

Waxaannu Wasiirku carabka ku adkeeyey in qiime jabnaantu ay dan u tahay suuq gaynta xoolaheena, oo haddii aynu sida maciishada qaaliyeyno aannu innaga iibsamayn, isaga oo arrintaa ka hadlayana wax uu yidhi; “Bariisku qaaliga wuu ku iibsamayaa, laakiin wankaagu qaaliga kaaga iibsan mayo Carabta, qiimo ayuu leeyahay miisaan ayuu leeyahay, waxaad iibinaysaana waa laf iyo harag, hilibka saaranina waa 12 kilo, wankeena ugu weyn ee sumalka ah.”

Waxaannu meesha ka saaray Wasiirku in qiimaha xoolahu aannu u xidhnayn Al-jaabiri oo neefka qiimihiisu uu ku xidhan yahay hadba sayladda inta uu joogo, iyada oo cidkasta oo wax iibsanaysa ay sayladu xukunto.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey maalqabeennada Carbeed ee dhawaanta booqashada dalka ku yimi iyo ujeeddaa safarkooda waxa uu ku qotomay, waxa uu yidhi; “Nimankaa dalka yimi waxweyni iga gaadhi maayaan oo niman yidhi maalgalin baanu wadnaa ayey u ekaayeen inay caws beeraan baa ka mid ahaa waxay u socdaan, xoolo inay qaataan, cawskana waxay doonayaan in inta ay beertaan ay dabadeedna dhoofsadaan oo ninka iska leh maxjarka xoolaha ee Jabuuti ayaa hoggaaminayey, maxjarkiisii Jabuuti ayaana qarka u saaran in uu caws la’aan u xidhmo, markaa sidaas ayey u socdeen. Arrintaa cawskeena waxa ka hadli doonta wasaaradda ku shaqada leh, wax alla wixii mashaariic ay waydeena dawladdu way ka qaaday oo kala wareegtay daraasad iyo naaqishad ayaan lagu samaynayaa haddii ay noqdaan wax Somaliland anfacana waa laga aqbali doonaa oo waa lala xidhiidhayaa, haddii aanay anfac inoo lahayna waa looga jawaabi doonaa.”

Waxa kale oo wasiirku sheegay in ninka la yidhaahdo Faysal Al-mahri aannu wakiil u ahayn Al-jaabiri oo uu hadda u shaqeeyo Sheekh Abu Yasir oo ah ninka iska leh maxjarka Jabuuti, isla markaana aan la garanayn sababta uu u sheeganayo inuu wakiil u yahay Al-jaabir.

Waxa kale oo uu Md. Idiris waxba kama jiraan ku tilmaamay warka uu Faysal Al-mahri ku sheegay in maxjarka Berbera lagu wareejiyey shirkad caalami ah oo damaanad qaadaysa caafimaadka xoolaha nool ee ka dhoofaya maxjarka Berbera, waxaannu sheegay Wasiirku in aannu Al-mahri waxba ka ogayn arrimaha maxjarka Berbera shirkad lagu wareejiyeyna aanay jirin.

 
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].