NEWS

Axmed Siilaanyo Oo Sheegay Inuu Taageersan Yahay Heshiisk Dhowaan Dhexmaray Somaliland Iyo Jabuuti
July 2, 2008


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Kulmiye Mudane Mujaahid Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ oo u waramayey TVga afka Soomaaliga ku baxa ee Raad TV International ayaa shaaca ka qaaday inuu taageersan yahay heshiiska dhowaan ku dhexmaray magaalada Djabuuti dalalka Somaliland iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha oo ku sugan magaalada London ayaa waxa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka qaaday weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri. Guddoomiye Xaaji Axmed oo la waydiiyey sida uu u arko tegista madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin dalka Jabuuti iyo heshiiska dhexmarary labada madaxweyne ee Daahir Riyaale iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inay Somaliland iyo Jabuuti dad walaalo iyo jaar ah yihiin xidhiidh soo jireen ahina ka dhexeeyo shicibka reer Somalilandna ka taageereen sidii ay Jabuuti xornimo u heli lahayd berigii xornimo doonka maantana loo baahan yahay in la isu soo dhowaado oo la iskaashado.

Isaga oo ka hadlayey arrinta booqashada madaxweynaha ayaa sheegay inay dani ugu jirto labada shacabba in la xoojiyo xidhiidhka sookeeye. Wuxuuna sheegay inuu taageersan yahay heshiiska labada madaxweyne gaadheen. Wuxu kaloo sheegay inay daw tahay in Jabuuti laga taageero gardarrada kaga timi xagga Ereteria xisbiga Kulmiyena ahaa xisbigii weerarkaas ugu hor cambaareeyey xukuumadda ka hor. Arrinta jabuuti Guddoomiyey Xaaji Axmed waxa kale oo uu sheegay inay tahay siyaasadda Somaliland inay dalalka jaarka nabad lagu wada noolaado oo aan cidna lagu xadgudbin.

Mar la weydiiyey sida uu u arko hadalka guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid mudane Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in heshiiskaasi Jabuuti oo keliya u dan yahay mar haddaanay Jabuuti Somaliland ictiraafin. Guddoomiye Xaaji Axmed oo su’aashaa ka jawaabayey ayaa mar labaad ku celiyey inay jabuuti iyo Somaliland loo baahan yahay mar walba inay iskaashadaan. Wuxuna si xigmad ah u sheegay inaanay jirin dal kaliya oo Somaliland toos u aqoonsaday laakiinse loo baahan yahay in saaxiibbo la samaysto weji furnaan lagula dhaqmo dalalka iyo dawladaha Somalilandna maanta qabto rajo wanaagsan oo kollay gooray noqotoba maalin dhow la aqoonsan doono sidaa darteedna loo baahan yahay dedaal iyo dibloomaasiyad lagu kasbado saaxiibo taageera qaddiyadda Somaliland.

Waraysigaas oo aad u dheeraa Guddoomiye Xaaji Axmed Siilaanyo arrimo badan oo ku saabsan Somaliland, arrinta doorashooyinka iyo gobollada cusub ayuu kaga hadlay. Waraysigaas habeenkii xalay ahaa ayaa laga sii daayey Raad TV International oo xaruntiisu tahay magaalada London UK.

__

Source: Qaran News

 



 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].