|
Fasalka 8-aad Iyo Taariikhdii Halganka SNM
January 22, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Ka saarida laga saaray qaybihii ka hadlayey halgankii dib u xoreynta dalka (SNM), Manhajka fasalka 8aad ee taariikhda ama (Social Sciences) , ayaa dhaliyey xiisad siyaasi ah oo ay saxaafada madaxa banaani qaada-dhigtay. Arrintu masahlana xal degdeg ahna wey u baahantahay. Xukkuumadu go'aan hagaadho in manhajkaa lajoojiyo dhigidiisa. Kadibna degdeg Wasaarada Waxbarashada, waaxda manaahijtu, haka hawlgasho qoraal manhaj cusub oo xaqmarinaya halgankii inta kaa la diyaariyana manhajkii hore ha la dhiggo. Sidaasaa dadka badankiisu leeyahay.
Duqeyn Xoogan Oo Socota Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, xilli halkaas uu ku sugan yahay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde,
January 20, 2008

Duqeyn xoogan ayaa ku socota Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, xilli halkaas uu ku sugan yahay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, oo maanta Muqdisho soo gaaray. Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacday agagaaraha Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoona gudaha Xarunta ay ku sugan yihiin Wafdigii Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde horkacayay ee maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Ilaa 7 Madfac ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada iyo agagaarkeeda, waxaana inta la hubo ku dhaawacmay Madafiicdaas hal askari.
Ciidamo Caalami Ah Oo Lagu Fakirayo in Somaliya Lakeeno.
January 19, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Sidda ay maanta ku warrantay Laant aAf Somaaliga ee BBCdu, Guddi xaqiiqal raadis ah ayaa joogta Maamulka Garoowe, oo eegeysa siddii ciidamo caalami ah oo ammaanka Soomaaliya sugga; taas oo maamulka Garoowe ka mid yahay iyo qeybaha Soomaaliyee kale. Guddidaasi waxay la shirtey Madaxda maamulka Garoowe oo uu balanqaaday inney la shaqeeyaan, iyagoo sheegtay inney leeyihiin dekado iyo madaaraba.
Mudaharaad Taageeraya Gooni-Isu-Taaga Jamhuuriya Somaliland
January 14, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Guddi ka kooban Wasiiro, Maayerka Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex iyo 3da xisbi qaran masuuliyiin ka tirsan ayaa loo xilsaaray qabanqaabada mudaharaad kadhaca Gobolka Maroodi Jeex oo lagu taageerayo gooni isu taaga Somaliland. Sida Golaha Wasiiradu maanta go'aamiyey, mudaharaadkaasi waa iney ka dhacaan dalka oo dhan bishan January 17-keeda (Khamiista ). Shaqaalaha dowladdu maalintaa waa fasax si ay uga qaybgalaan mudaharaadkaa heerka qaran ah , ee lagu baraarujinayo beesha caalamka, in ay somaliland xaq u leedahay in la aqoonsaddo, madaama ay buuxisay shuruudii dowlad lagu aqoonsan lahaa.
Kenyan opposition plans parliament protest
January 14, 2008

Opponents of the Kenyan president, Mwai Kibaki, are expected to step up the bitter post-election row at the opening of the country's new parliament today, where rival sides will vie to select a new speaker. Scuffles are predicted as members of the opposition Orange Democratic Movement plan to sit on the government benches in protest at Kibaki's disputed re-election. "It's going to be very acrimonious. We should definitely expect some drama," XN Iraki, a political analyst, told Reuters.
Faallo
January 13, 2008

(SOHTA - London) Bayaan dheer oo ay ku saxeexanyihiin Axmed Cumar Meygaag, Cali Xaamud Jibriil iyo Abdi Ali Mahdi ayay kaga cawdeen, Madaxweynuhu in uu diiday inuu arko; halkuu ka arkay dadkala duwan oo ayka midyihiin dad Somaalidakale ah oo aan reer Somalilandba ahayn. Waxay bayaankooda ku sheedeen in ay diidmadani tahay tii 2aad, intii uu London booqashada ku yimi. Waxay intaa raaciyeen iney bulshada Somaaliland ee deggan London iyo aggagaarkeeda aad u abaabuleen si madaxweynaha iyo weftigiisa loo soo dhaweeyo. Hadday arrintaasi jirto, waa arrin culeyskeeda leh loogana fadhiyo caddeyn afhayeenka madaxweynaha ee waftigga la socda.
Dhabansaar Oo Lagu Jabiyey Ciidan Maamulka Garoowe Kasocda
January 13, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland, saaka waaberigii, ayey ciidamo katirsan maamulka Garoowe weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee aaga hore fadhiya. Si wanaagsan ayaa weerarkaa ciidamadeenu isaga daafaceen, iyadoo dhimasho iyo dhaawacba loo geystay, lagana qabtay maxaabiis 30ka kor u dhaaftay oo uu ku jirro sarkaalkii watey ciidamaadaa oo la yidhaa Deyr Maxamed Cabdi Iska Toos. Gaadiid iyo isgaadhsiinba waa laga qabsaday, fadhiisinkoodii ahaa Dhabansaarna waa laga qabsadey. Wixii ka nabadgalay dilka iyo qabsigga firxad ayey miciin moodeen. Weerarkana waxaa qorsheeyay maamulka Garoowe (Majeerteeniya) ujeedadiisuna waxay ahayd in lagu beego wakhtigga iyo maalinta ama maalmahaay Madaxweyne riyaale iyo waftigiisu la kulmayaan saraakiisha xukuumadda Mareykanka. Waa khiyaamo dacawo lagu yaqaan Cadde Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf.
Maayar Cusub Oo Berbera Loo Doortay
January 10, 2008

(SOHTA - Berbera) Shir aan caadi ahayn oo ay maanta ku yeesheen Xubnaha Dowladda Hoose ee Berbera xarunta Dowladda Hoose ee Berbera ayey maanta ku doorteen maayar Cabdalla Maxamed Cali; kaas oo buuxinaya xafiiskii maayarka ee banaanaaday, geeridii maayorkii hore ee Berbera ee ku dhintay, alla ha u naxariistee, shil baabuur oo ka dhacay Hargeysa iyo Berbera dhexdooda.
|
Gabdhihii Boosaasao Lagu Afduubey Oo Lasii Daayay
January 3, 2008

(SOHTA - Boosaaso) Haweeney Doctorad ah, uu u dhalatay Spain iyo gabadh kalkaalisa ah oo dhalatay Argentine, labaduba ka tirsan Dr aan xuduudalahayn (MSF) oo laga afduubay Bosaso ayaa shalay lasiidaayay oo lagu wareejiyey laba sarkaal oo ka socday safaarada Spain iyo ta Argentine ee ku yaala Neirobi(Kenya). Waxaa xusid mudan in suxufi Franciis ah lagu afduubey, waxoogaa yar ka hor Mareeray oo aan Bosaaso ka dheereyn isna markii 10 maalmood la haystay ayaa la siidaayay, markab budhcad afduubtay oo Boosaaso agteeda la keenay sidey u eryanayeen maraakiib xeebaha soomaalida ilaalisaa ayaa isna laga badbaadiyey budhcadii haysatey, afduubyadaa waxoogaa ka hor. Fal dambiyeedyadaa ilaa imika cidloo qabtay lama hayo. Waxaa muuqata in ammaankii mandiqadaa uu faraha kabaxay.
Printer Version
|
|
|