|
Dr. Axmed Xuseen Oo Ka Hadlay Loollanka Xisbiga
KULMIYE Dhexdiisa Iyo Rajada Uu Ka Qabo Murashaxnimadiisa
January 31, 2008
Xoghaya Arrimaha Dibedda ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen
Ciise, isla markaana ka tirsan masuuliyiinta xisbiga ee sheegay inuu damac kaga
jiro buuxinta jagada musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, ayaa waraysi
dhinacyo badan taabanaya oo uu xalay siiyey telefishanka madaxbannaan ee HCTV
waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin rajada uu ka qabo in
xisbigoodu ku guulaysan doono doorashada soo socota talada dalka, sababaha loo
aanayn karo dib-u-dhaca shirweynihii xisbiga KULMIYE iyo damaciisa ku wajahan ka
qaybqaadashada tartanka buuxinta jagada Madaxweynenimo ee xisbiga.
Dr. Axmed Xuseen, oo ugu horreyn ka jawaabayey rajada uu ka qabo in xisbigoodu
ku guulaysan doono talada dalka, waxa uu yidhi; “Horta markii hore waxaad
ogaataa iyada oo xisbigu cusbi cusub uu ahaa, lana tartamayey xisbi xukuumi ah
oo imkaaniyaadkii dawladda oo dhan haysta, haddana inay 80 cod oo keliya kaga
guuleystaan, shan sanno ayaa maanta laga joogaa, waxqabadkii xukuumadda maanta
jirtana waa la arkayaa. Markaa waxaannu qabnaa waxqabadkaa xukuumadda ee la
dhaliilayo in aannu kaga guulaysan doono dadku markay arkaan barnaajkayaga,
waanna in aannu dadka kasbano, maaha uun in aannu nidhaahdo qoladan ayaa diciif
ah oo waxba qaban wayday.”
Mar la waydiiyey in shirweynaha labaad ee xisbiga oo dhawr jeer dib u dhacay ay
jiraan carqalado hortaagan, waxa uu ku jawaabay; “Arrintaasi waa mid soo
noqnoqotay, waanna in aannu uga jawaabno si saraaxad ah, shirweynahaas xisbiga
ee labaad dhawr jeer ayuu dib u dhacay, laakiin maaha arrin aad u culus ee waa
mid xag farsamo ku timi, oo qabanqaabada xisbiga iyo ergooyinkii uu isku keeni
lahaa oo aad u badan, waayo waxani waa wax innagu cusub oo aynaan hore u qaban,
annaga uun maahee ma jirto cid kale oo shirweynaheedii qabsatay, UDUB-ba may
qaban. Waxaan rajaynayaa in si dhakhso ah bishan soo socota gudaheeda inuu
shirweynuhu qabsoomo.”
Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd in ay jireen masuuliyiin badan oo u tartamayey
jagooyin kala duwan haseyeeshee aakhirkii iskaga tanaasulay, taasi ma
muujinaysaa in masuuliyiintaasi ay u arkeen tartankooda musharaxnimo ee
shirweynuhu inuu keenayo dhibaato ama uu burbur u keenayo xisbiga waxa uu yidhi;
“Runtii maaha, waayo cidkasta oo tartan u soo diyaar garowda way dhacdaa
adduunkoo dhan inay kala hadhaan, oo intaan la gaadhan halka ugu dambaysa
ogaaday in aanay ku habboonayn waqtigaas. Wuxuunbaa muhiim ah in axsaabta
dhexdooda laga arko nidaam dimuqraadi ah, markaa uma arko khilaaf iyo isqabqabsi
xisbiga dhexdiisa.
Waxaan qabaa runtii in aannu jirin wax burbur ah oo xisbiga ku imanayaa, horena
waan u sheegay, khilaaf maanta ka dhexeeya xisbigana ma jiro. Dadkani waa qaar
isku wada fikir ah oo markii hore isku tagay iyagoon cidna khasbin, oo is yidhi
intiinan isku fikirka ahi xeedhadan ayaa idin deeqaysa. Marka uu shirweynuhu
dhammaadana horena waannu ugu ballanqaadnee in aannu dhammaan gacmaha isqabsan
doono oo kolba qofkii aannu la soo baxno ee hoggaanka xisbiga noqonaya aannu
taageeri doono.”
Sidoo kale, waxa la waydiiyey su’aal ahayd sida uu u arko haddii isagu uu ku
guul-darraysto jagada guddoomiyenimo ee xisbiga dhexdiisa oo uu taageero cidda
la doorto inay jiraan dad aan ku qanacsanayn fikradaasi, waxa uu ku jawaabay;
“Runtii dadku waxay ogaan karaan uun wixii aan afka ka idhaahdo ee waxa
calooshayda ku jira ma oga, waanna ta iga dhabta ah oo horena waan u sheegay,
maan jeclayn in aan arrintaa musharaxnimada ka hadlo, waayo mararka qaarkood
ayey dadku si kale u qaataan, maalmahana hadalo ayaaba soo baxbaxaya, marna
anigu maan sheegan in aan ahay musharaxii xisbiga KULMIYE ee jagada
Madaxweynahaee waxaan sheegay uun in aan doonayo oo aan u tartamayo.
Arrintani waxay u taalaa golaha dhexe ee la dooran doono cidda noqonaysa
musharaxa xisbiga. Haseyeeshee, waxaan hore u sheegay oo aan ku celceliyey in ay
habboon tahay in tartan xalaal ah la galo oo uu wanaag iyo walaaltinimo noqdo,
tartankaasina marka uu dhammaanada aannu gacmaha isqabsano oo aan dhinac u wada
jeedsano.”
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|