XUSUUS

XASAN SHEEKH MUUMIN IYO MAALMAHA SOOMAALIYEED

(Halabuurkii, Heesaagii, Laxan-dhaadhigii, Taariikhyahanka ahaa)

(25/12/1931kii – 14/1/2008da)

(Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com

Qormadii: 9aad

Xasan Sheekh Muumin, wuxu Gaaraa-bidhaan ka yidhi:

“Waa sidaa oo marna Gobannimo ayaa albaabkeennii garaacaysa oo waa taan idhi:

‘Gobannimadu ma aha,
 Geed midho leh oo,
 Fadhi lagu gurtee,
 Dhiigga geesigaa,
 Gunta laga waraabshaa,
 
 Gobannimooy waxaad guddiyo,
 Waxaad gashoba garannay oo ruugnay,’
 
Toddobadaa ku soo dhammaaday Gobannimooy na saamax, waan kuu gefnee na saamax. Wuxu waa inantii xorriyadda. Markaa inantan Gaaraa-bidhaan, waxay baratay afka faransiiska. Gaaraa-bidhaan waxaan uga gol leeyahay, Riwaayadda ayaa u samaysan afar qaybood. Waa geed afar laamood oo lababa dhan ku yaallaan leh. Camuudku (tiirku) waa qisada. Laan baa ka baxday u horraysa oo tacliintii, barbaarinteedii iyo siday u baab’aday. Dhulkii iyo dhaqankii baaba’ooda oo iyaduna garab socota. Waxa garab socda haweenka iyo xuquuqdoodii. Maamulkii Dawladda oo is-na jid gooniya ah. Markaa Gaaraa-bidhaanku waa kan hadba meel ka iftiima ee hadba meel bidh ka yidhaahda……….Markaa sheekadu marka ay bilaabanto ee ay in yar socoto, waa ay boodaysaa oo kii kale ayay tooshka kuugu qabanaysaa. Kii ku xigay ayay haddana kuugu qabanaysaa. Waa ay boodaysaa ka dhexda ayay kuugu qabanaysaa haddana.
 
Markaa inantu waa mid dhowrsan oo aan abidkeed saqajaan baran. Waxay Doktooraaga (Digriiga) ku haysataa Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga. Kolkaa Riwaayaddu waxa alle yaale waxa mushkilad jooga ma nabad gelinayso midnaba. Waxaan anigu u kala qayb-qaybiyay mushkiladaha dalka ka jira ayay isku dhafayaan. Anigu midba laynkeeda ayaan u deynayaa tan weynina ha daaddahayso ayaan leeyahay ee u daa oo kolba ka kufa gacanta ha qabato weeyaan. Markaa inantii dhowr iyo soddon ayay noqotay. Soomaaliya ayay timid oo wax ka dhigtaa. Jaamicadi ma jirtee Dugsi Sare ayay macallimad ka tahay. Calaacal ayay bilowday. Ku ye:
 
‘Haddaan kuu heli lahaa,
 Haatuf kuu warrama,
 Halaanhal murtiya,
 Hirkaan ka abbaaro,
 Haasaawe iyo maah-maah,
 Hadduu hiddeheennu leeyahay,
 Higgaad u dhigan,
 had iyo jeer,
 Boosta xaashaad ka heli lahayd,
 Kuma hilmaamine,
 Af-soomaaligaa I hagraday,
 
 Afkaagoo hodan ah,
 Oo hoodo leh oo aan ku gabin,
 Halleeyoo qaado mid aan,
 Hooyadaa ku barin,
 In ay hodaddaamo tahay,
 Haatanaan hubaa,
 Hees hadoodilan,
 Sarbeeb hoga-tus loo irkaday,
 Hadallo kaloo lagu tarjumay,
 Kaa ma haqab-tiraan,
 
 Hindise lagu doonayo,
 Oo had iyo jeer la wado,
 Haloosi gargaaray,
 Haro-diidku waa habaar,
 Ee dantaad u hilowdo,
 Waa daw in lagu hirtaa,’
 
Dawladdii ayay fuushan tahay oo ku leedahay maa Af-soomaaliga la qoro. Bahalkii bay xidhatay. Waagii baa u baryay. Markaasay tidhi boostaba waxa ugu horreeyee lagu rido maad ka dhigtid. Cajaladdii bay kiish ku ridatay iyada oo ninkii u ducaynaysa. Waa tii mar qalinkiiba la iska daayay ee naag waliba hebelow kaalay waraaq ii qortii ay cajalad uun qol la gelaysay. Faa’iido badan baa laga helay. Markaa waxay soo gashay boostii oo aan loo soo shaqo teginba. Albaabkii ay furtay ee ay tidhi iga iibi tigidhka, ayuu Xaajigiina soo galay ninka adeerkii ahaa oo doonayay in uu tilifoon ku hadlaa. Haye Xaaji dee waa la is-yaqaannaaye. Iyo Xaajigii oo leh: ‘Dee wallaahi diyaaraddii ayaan ku soo daaloo Alitalia ayaan immika ka imid. Toddobada ayay dayuuraddu soo fadhiisataa ma og tahay? Laba iyo saddex habeen oo ka horreeyayna ma seexannoo aroos baanu ku dhafarray ama ku soo jeednayba. Waan daallanahaye weynu isku warrami doonnaa.’
 
‘Dee bal waa yahaye Hirad iiga warran?’ Ku ye odeygiina: ‘Waxa na wareeriyayba waa isaga iyo arooskiisii. Maskaxdeedu ma yeelayso aroos buu galay. Markaasay tidhi ma ninkii Dogtooraa baan laba sano ku soo qaadayaa lahaa ayaa aroosyo ka ciyaarayay. Markaasu yidhi maya e’ isagaa guursaday. Markaasay tidhi: ‘Caku ballan-darro iyo badow.’ Markaasuu yidhi naa isagaa guursaday tu yar oo 17 jir ah oo Talyaaniya. Reer abtigeed waa Ingiriis. Reer awowgeedna waa Jarmal. Halkii ayay ku engegtay. Isna teg, cajaladdiina boorsada ayay ugu jirtaa. Magaaladii ay xaggaa uga bax tidhi ayay xaggaa Deyniile uga baxday. Duur ayay tagtay. Way fadhiisatay.  Hadhkii ay fadhiisataa cadceed ku noqday. Kama kacayso. Habeenkii baa ugu galay. Reer jebel jaan oo duurka dawaafaya ayaa ugu yimid. Way ku qosleen. Waa inoo naag. Halkaa waxa ka abuurmay naa mushkiladdaada noo sheeg annagaa ku daweyneynee. Khamri ayay siiyeen. Doroog ayay siiyeen. Aqalkeedii ku may noqon.”      
 
Dhidar Yaab-arag:
 
Sidii Gaaraa-bidhaanka ayaa Xasan Sheekh Muumin qudhiisu hadba meel ka bidhaamayaye, isaga oo sheekadii Riwaayaddiisa noo waday ayuun buu xaggan noola leexday iyo Dhidar Yaab-arag, ku ye: “Beryihii Ingiriisku caaqillada samaynayay ayaa loo yeedhay Didar Yaab-arag. Caaqil noqo ayaa la yidhi, markaasuu yidhi caaqilku waa maxay. Waxa loogu jawaabay lacag baad qaadannoo reerkaaga ayaad iska joogi. Awalba reerkayga waan u talin jiray ayuu yidhi. Markaasaa la yidhi mayee qaado, cidina waxba kuu raaci meysee. Markaa shan sannadood ayaa bil walba tobanka rubbood ee la siiyo maro ku guntaa oli ku ridaa. Lixdan guntinood iyada oo ay oligii ku jiraan ayaa la yidhi cashuurtii baa la soo rogayaa. Waan ka hadlaynaa baa la yidhi. Dhidar Yaab-aragna dadkii ka hadlayay ayuu galay oo xaggii dadweynaha ayuu ka soo jeestay. Adigu dawladda ayaad tahaye xaggan soo gal baa la yidhi, caaqil baad tahay oo mushahaaro ayaad qaadataaye. Faraskii ayuun buu qabsaday oo I suga ayuu yidhi. Oligii ayuu soo qaaday. Lixdankii guntinood ayuu ku yidhi Ingiriiskii tirsada. Dhidar Yaab-arag kaas ayuu ahaa. Markaa isaga iyo Rooble Af-deyl iyo rag badan oo aan Idaacadda ka sii daayay ayaa laga muraara-dillaacay.”

Xasan Sheekh Muumin ayaa geeddi kale raraya sheekadii taxanaha ahayd ee uu inoo waday, meel kale ayuu ka hillaacayaa. Bal ka warrama haddii uu isagii Gaaraa-bidhaan inagu noqday. Wuxu yidhi: “Waxa aniga ii garab socda wax wal oo aan qabanayaba halgankii haweenka oo aan leeyahay waar waan garab la’nahay. Waxa jirta sheeko hore oo aynu soo gaadhnay carruurnimadii oo ahayd: ‘Shinbir garab-li’I, wax ma garatee, casoowaha gura.’ Mar haddaan haweenka ka tagno waxaynu nahay ummad dhinac la’. Casoowe waa kuul yar oo cas-cas oo dumarku xidhan jireen. Dhinac baa ina bakhtiisan. Laba is-jiidanaysa ayaynu nahay. Geesta kale saldhiggii aan ka abuurannay ee mushkiladda inagu dhalay waa: ‘Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha.’ Qoyskuna waa halkii Qaranku ka bilaabmayay. Ninkii iyo naagtii oo midba ka kale iska giiji leeyahay oo is-jiidanaya, xaggee hore looga mari. Qoyskii marka uu sidaa yahay, Qabiilkii wuu is-haystaa…..Qarankiina wuu is-haystaa. Markaa maxaa kale ee yaallay? Haddaan maah-maahda kale ee ag taallay qaadan lahayn: ‘Haani gunta ayay ka tolantaa,’ ‘Ragna waa geed-sare waab.’ Haddaan taa qaadan lahayn. Ku noqo sannadihii 1500 Nebi-ammaankii haweenku bisha ramadaan qaadi jireen ee aynu soo gaadhnay ee ragguna xaadiska dhegaysan jiray, iyaguna intay meel isugu tagaan Nebi-ammaanka tuman jireen, maxaa ku jiray, waa arji ay Ilaahay u qoranayeen::

“Bilista Allaheeda,
 Alla roonaheeda,
 Reer-siiyaheeda,
 Raaxeeyaheeda,
 Aqalkay dhiseeneey,
 Dhigaha u asleeneey,
 Dhii-dhiibiyeen baa,
 Galab laga dhaqaajay,
 
 Bilista Allaheeda,
 Alla roonaheeda,
 Reer-siiyaheeda,
 Raaxeeyaheeda,
 Ubadkay dhaleeney,
 Naaskaw dhigeeney,
 Dhixirkaw xidheeney,
 Wada dhiibiyeen baa,
 Galab laga dhaqaajay,
 
 Bilista Allaheeda,
 Alla roonaheeda,
 Reer-siiyaheeda,
 Raaxeeyaheeda,
 Adhigay dahqeeney,
 Maqasha u dhigeeney,
 Dhiisha u culeen baa,
 Galab laga dhaqaajay,”
 
Xasan tuducyadan wuxu ku khatimay: “Naa inankay ii dhig oo iga bax.”    
 
Xasan Sheekh Muumin oo hadalkiisii sii watay wuxu yidhi: “Waxa jirta mid Diimahaba ka horreysay oo odhanaysa:
 
‘Warramay warramay,
 Warkay kebed kebed,
 Kebed Awr baa leh,
 Awr naagaa leh,
 Naago rag baa leh,
 Rag gawtaa leh,
 Gawte gadh baa leh,
 Gadh aboor baa leh,
 Aboor jinac baa leh,
 Jinac jiir baa leh,
 Jiir wali baa leh,
 Wali leeb baa leh,
 Leeb qaansaa leh,
 Qaanso geed baa leh,
 Geed buur baa leh,
 Buur bannaan baa leh,
 Bannaan ciid baa leh,
 Noloshii baabbah.’
 
Waa giraan isku soo noqonaysa e’ ma og tahay. “
 
Intaasi waa Xasan Sheekh Muumin 3/5/2000 waxaan ka duubay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan.
 

Dhammaad.


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].