WARAR WAABSAN

Afduubkii, Badbaadintii Iyo Soo Qabashadii Af Duubayaasha
February 14, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Maanta ayuu madaarka Hargeysa kasoo degay Mr. Daniel Bronkal, kadib markii laga soo furtay afduubayaashii, Ceerigaabana si diiran loogu soo dhaweeyay. Wargaaban oo uu kasiidaayey Ceerigaabo wuxuu sheegay in aaney isagga iyo GAA midna cuqdad aanu ku beeraynin afduubkiisu, hawshiisana oo uu sii wadi doono, sidii diiraneyd ee Ceerigaabo loogu soo dhaweeyay aanu weligii iloobeyn. Madaarka Hargeysa waxa uu ka sheegey, in af duubayaashu si xishmad leh ula dhaqmeen, waxuu cabo iyo cuno midna aanu waayin, wakhti adagise soo maray. 5 nin oo afduubkaasi ku kacay ayaa ilaa xalay gacanta lagu soo dhigay. Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu tibaaxay in baadhitaan socdo, waxaanu raaciyay afduubayaasha markii la qabtay iney Boosaaso u sii jeedeen halkaana ka yimaadeen.

Yemen Oo Kordhisay Cashuurta Xoolaha Soomaalidu Geyso
February 14, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Dawladda Yemen ayaa kordhisay cashuurtii xoolaha nool ee Soomaalidu geyso dalkaa Yemen adhigga waxay ku kordhisay 2 dollar neefkii lo'da iyo geelana 12dollar neefkii khasaare xoog ah ayey ganacsatadii Soomaaliyeed halkaa kala kulantey markey ganacsatadii Yemeneed ka maageen in ay sicirkii hore ay xoolaha ku qaadan jireen sicir kabadan xoolaha ku qaateen. Markey ganacsatada Soomaaliyadeed oo ashkatooday Wasiirka Ganacsigee Yamaneed, wuxuu dib ugu soo riixay maamulaha cashuureed ee Yamen; kaas oo diiday in cashuurtaa la dhimo, kuna dooday in ay lacagtani tahay lacag ka maqan, xukuumada Yemeneed, kuna maqan wakiilada iibsada xoolaha Somaalida.

Kosovo Iyo Ku Dhawaaqa Madaxbanaanideeda
February 14, 2008

(SOHTA - NEW YORK) Waxaa la filayaa, 7-aadka soo socda in ay ku dhawaaqdo Kosovo, iney ka madaxbanaantahay Serbia; talaabadaa oo ay taageersan yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub(EU), Rushka iyo Serbiase kasoo horjeedaan. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa arrinta ka leh hadda shir albaabadu u xidhan yihiin.

Warar Waabsan
February 11, 2008

(SOHTA) Bandhig faneed ayaa lagu qaban doonaa 10 March sanadkan 2008 Magaalada Hargeysa taasoo lagu marti qaaday fanaaniinta cusubi iney ku tartamaan......Nuur Cadde ayaa maanta laanta afsoomaaliga ee BBCda siiyey wareysi uu ku cadeeyey si'aan kala sooc lahayn in uu ula xaajoon doono mucaaradada, imikase aaney u qorsheysneyn inuu Asmara tago, issagoo wareysiga ka dhiiibay Brusseles, xarunta Midowga Yurub.......Adan Juuji oo ahaa sarkaal sare , kana tirsanaa nabadsugida Gobolka Baay ayey xalay kooxo hubeysani ku dilleen Beydhabo.

CabdiLaahi Yuusuf iyo Nuur Cade Oo Isku Didan Laxaajoodka Kooxda Asmara
February 10, 2008

(SOHTA) Sida ay maanta baahisay Jawhar, C/Laahi Yuusuf iyo Nuur Cade waxay isku diidan yihiin oo aanay isku aragti ahayn, la xaajoodka Al-Shabaab iyo qayb ka mida kooxda asmara; kuwaas oo C/Laahi Yuusuf qabo iney yihiin argagixiso xidhiidh la leh Alqaacida. Nuur Cadena wuxuu qabaa innuu mucaaridoo dhan, lala xaajoodo wixii wada hadal u diyaara.J owhar waxay intaa raacisay in Nuur Cadde ku sii jeedo Asmara.

Warar Waabsan
February 9, 2008

(SOHTA) Markabkii sadexaad ayaa intuu sanadkani bishay, Jimcihii lagu afduubay xeebta maamulka Garoowe; markabkaas oo laga leeyahay Dutchka.....Magaalad Kismaayo ayaa maamulkii haystay xaalad heegan ah, isagoo filaya weerar kaga yimaada, dad layiri maxkamadaha ayay u daacad yihiin.......Geedi Wasiirkii 1aad ee hore ee Empagati, ayaa sidey qortay The Independent, ka iibsaday Los angeles guri weyn.

Warar Waabsan
February 8, 2008

(SOHTA) Shalay ayuu taliyihii Guutida 19aad, Korneyl Guute uu ka goostay ciidamada Impagati isagoo ka tegay Balli-doogle, isagoo wata ciidankiisii gaadhayna baladweyne.....Kooxda loo yaqaan Al-Shabaab ayaa website ey leedahay ku qiratay iney kadanbeysay qaraxyadii Boosaaso. Qaraxaaso oo ay ku dhinteen 24, 70na ay dhaawac noqdeen oo ay 27 halis yihiin.....C/Casiis Ibraahim Cismaan, oo ka tirsanaa baarlamaanka empagati, kana mid ahaa xubnaha matila Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka baxay barlamaanka impegaati, markii dadkuu matilayey maamulku isagu daray dil, dhac iyo baro kicin

Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].