|
|
NEWS
|
|
|
Kulan Xiiso Leh Oo Ka Dhacay Xarunta Golaha
Baarlamaanka UK Ee London
February 29, 2008
SSE iyadoo la kaashanaysa Somaliland Focus ayaa kulan balaadhan lagu qabtey
Golaha Baarlamaaka UK (House of Commons, Westminster), kaasoo ay ka soo qeyb
galeen xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ururada qurbo jooga
reer Somaliland gaar ahaana kuwa ka jira waddanka Ingiriiska. Sidoo kale waxa
kulanka ka soo qeb galey aqoonyahano isugu jira Somaliland iyo qaar ajaanib ahba.
Waxa kale oo kulanka marti ku ahaa oo lagu casuumay wakiilka Somaliland dhowaan
u soo magacowdey waddanka Ingiriiska iyo sidoo kale wakiilka isna loo soo
magacaabey Ireland.
Kulanka waxa xidhiidhinayay Michael Walls oo ka socdey Somaliland Focus. Ugu
horeyntiiba madasha waxa lagu soo dhoweeyay Xildhibaan Alun Michael oo si rasmi
ah u furey shirka. Waxa uu ugu horeynba mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dadkii
soo abaabuley hawsha shirka. Intaa ka dibna waxa uu si kal iyo laab ah u soo
dhoweeyay xildhibaanada oo uu uga mahadnaqey safarka hawleedka ay beryahanba ku
joogeen waddanka Ingiriiska.
Intaa ka dib wuxuu si faahfaahsan oo xeel dheer uga warbixiyey hawlaha wax ku
oolka ee dadka reer Somaliland ay fuliyeen ama gaadheen iyagoo aan haysan
aqoonsi rasmi ah isla markaana duruufo dhaqaale iyo qaar horumarineedba ay
haystaan.Waxa uu ku tilmaamay arrimahan ay dadka reer Somaliland ay qabsadeen
qaar yididiilo iyo rajo weyni ka muuqato isla markaana u baahan in halkaa laga
sii ambaqaado.
Xildhibaan Alun Michel waxa kale oo si aada uga waramay Dimuqraadiyada iyo
hawlaha horyaala ee u baahan in si xilkasnimo iyo xirfadi ku jirto loo maareeyo
loona maamulo. Isaga oo arrinkan ka waramaya waxa uu tusaale u soo qaatey
dimuqraadiyada waddanka Ingiriiska oo imika in ka badan 700 sanno jirtey welina
ay jiraan dhaliilo mar walba u baahan in la saxo. Waxa uu markaa xildhibaanku si
qeexan u tilmaamay in dimuqraadiyada Somaliland ee curdinka ahi ay soo food
saari karto caqabado iyo dhaliilo u baahan in la saxo. Waxa uu tusaale ahaan u
soo qaatey arrimaha saxaafada ee Somaliland, xadhigii siyaasiyiinta Qaran. Wuxuu
tilmaamay in Somaliland wax badan qabsatey isla markaana hawlo badani ay
horyaaliin oo ay ka mid tahay dooroshooyinka soo socda. Ugu dambeyntii waxa uu
xildhibaan Alun Michael kulanka u soo jeediyay inuu noqdo mid ay ka soo baxaan
midho la taaban karo.
Intaa ka dib waxa hordhaca iyo ujjeeddooyinka kulanka ka waramey Cabdiraxmaan
Cabdullahi Jibril oo ah guddoomiyaha dallada isku xidha ururada reer Somaliland
ee Yurub (SSE). Wuxuu si kooban u carabaabay in ujjeeddada ugu muhiimsan ee
kulanku yahay sidii looga faa’iideysan lahaa sidii xidhiidh toosan iyo mid
dadbanba loola yeelan lahaa Golayaasha dowladda ee Golaha wakiiladu ka mid yahay.
Xidhiidh joogto ah oo dhex mara qurbo jooga iyo dowlada Somaliland faa’iidada
iyo horumarka ku jira ayuu tilmaamay. Sidii loola shaqeyn loona abuuri jawi wada
shaqeyneed iyo iskaashi adag oo dhex mara qurbo jooga reer Somaliland ee UK iyo
wakiilka Somaliland dhowaan u soo magacowdey ayaa sidoo kale la xusey.
Xildhibaanada dhowaan soo booqdey UK ayaa haddalkii lagu soo dhoweeyay, waxaana
iyagoo ku hadlaya magaca xildhibaanada kale haddalo kooban madasha ka soo
jeeddiyey Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali iyo Xildhibaan Axmed A. Kijandhe.
Ugu horreyntii waxa ay u mahadnaqeen dallada SSE iyo Somaliland Focus oo shirka
abaabulkiisa ka shaqeeyay. Intaa ka dib waxay si kooban uga warameen socdaalka
ay ku soo gaadheen UK iyo ujeeddada laga lahaa iyo weliba inay heleen fursadaha
ay ku booqdeen golayaasha Baarlamaanka UK iyo ka Wales isla markaana ay ka soo
kasbadeen waayo aragnimo iyo aqoon aan lagu soo koobi Karin madasha. Sidoo kale
waxay sheegeen inay la kulmeen meelo kale ama hay’ado kale oo dowli ah. Intaa ka
dib waxay si faahfaahsan uga warameen xaalada dhabta ah ee uu ku suganyahay
Golaha Baarlamaanka ee Somaliland. Inkastoo xildhibaanada Goluhu ay karaankood
dadaalayaan ayaa haddana waxa jira arrimo ama duruufo haysta Golaha oo caqabad
ku ah in si hufan ay hawshoodu u qabsoonto. Guud ahaan waxa jira in agabkii ama
kaabayaashii hawlaha u sahli lahaa xildhibaanada iyo guud ahaanba Golaha
Wakiilada inay meesha ka maqanyihiin. Waxay si gaara u xuseen in tusaale ahaan
xildhibaanku aanu haysan kaaliyayaal hawsha u fudeydiya ama u sahla. Cidhiidhi
dhaqaale la’aan ayaa ay sidoo kale xuseen iyo weliba in guud ahaan ay jirto
iyadoo goobta Golaha Wakiilada ay haysato agabkii hawsha fudeydin lahaa oo
goobta ku yar.
Ugu dambeyntii waxay sheegeen in xildhibaanada laftooda ay u baahanyihiin sidii
loo heli lahaa fursado sare loogu qaado aqoonta iyo waayo aragnimada
xildhibaanada iyo weliba in baahi xoog leh ay xildhibaanadu u qabaan sidii loogu
suuro gelin lahaa in loo sameeyo xarun ama maktabad ay ka heli karaan waxyaabaha
ay u baahanyihiin inay ka helaan aqoon hufan oo ay tix raacaan ama wax ka soo
xigtaan.
Gunnaanad ahaan waxay sheegeen in la adkeeyo xidhiidhka qurbojooga iyo
golayaasha dowladda.
Wakiilka Somaliland dhowaan u soo magacowdey UK Mudane Adam Muuse Jibril ayaa si
kooban uga waramey muhimada ay leedahay in laga shaqeeyo xidhiidhka Somaliland
iyo ka UK oo run ahaantii u baahan in la horumariyo. Waxa kale oo uu xusey
xidhiidhada kale ee Somaliland la leedahay qaar ka mid waddamada Africa, gaar
ahaana xidhiidhka sokeeye ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland. Waxa kale oo
xusey xidhiidhka aynu la leenahay South Africa iyo socdaalo saddex jeer ahaa oo
ku tagey waddanka Koonfur Africa.Waxa uu sheegey in hawsha loo soo igmadey ay
tahay mid guud oo uu kula shaqeynayo dhammaan qurbo jooga reer Somaliland isla
markaana loo baahanyahay in loo wada hawl galo sidii loo dhisi lahaa xidhiidh
wada shaqeyneed iyo iskaashi ku salaysan in la fuliyo danta guud.
Dr. Iqbal Jhazhhay ayaa isna tilmaamay sida ay muhiim u tahay kaalinta
qurbojooga. Wuxuu sheegay in tusaale ahaan qaarada Africa loo qeybiyay shan
gobbol. Gobbol lixaad ayaa hadda Africa ku soo biirey, kaasoo kaalintiisu ay wax
ku ool tahay. Waa gobbolka ay kaalintiisa leeyhiin qurbojooga reer Africa oo ay
dabcan kuwa reer Somaliland ay ka mid yihiin. Waxa uu xusey iney hadda jiraan
kulano guud oo kulmiya qurbo jooga reer Africa, kuwaasoo loo baahanyahay in
qurbo jooga reer Somaliland ay ka ciyaaraan kaalinta looga baahanyahay.
Intaa ka dib waxa la bilaabay dood furan oo lagu soo afjarey haddaladii goobta
laga soo jeeddiyey. Waxa qaybtan marti loogu ahaa Dr. Mohamed Abdillahi Dr.
Steve Kibble (Progressio), Dr. Iqal Jhazbhay iyo Michael Walls oo daadihinayay.
Wakhtiga oo aad cidhiidhi u ahaa may suuro gelin in qaybtan si fiican looga
bogto. Su’aalo badan iyo arrimo badan oo la xidhiidha kaalinta qurbo jooga iyo
ta golayaasha waddankii ayaa meesha la isku dhaafsadey. Sidoo kale waxa la
taataabtey kaalinta dowladda Ingiriiska haddey tahay mid siyaasadeed iyo mid
dhaqaaleba. Kulanka waxa la soo gunaanadey 15:30, waxaana lagu soo xidhey
mahadnaq loo soo gudbiyey ururadii ka shaqeeyay kulanka, si gaara waxa loogu
mahadnaqey Ayan Maxamuud oo gacan ka geysatey suurto gelinta shirka.
Isla maalintaa Isniinta fiidnimadeedii waxa xildhibaanada lagu marti qaadey Blue
Ocean Restaurant. Waxa kale oo lagu marti qaadey qaar ka mid ururada reer
Somaliland ee UK iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen suldaan Maxamuud
Xaaji Xuseen iyo Abwaan Xasan Ganey. Cashada dabadeed qaar ka mid aha
xildhibaanada ayaa goobta ka soo jeediyay dardaaran ku wajahan qurbo jooga iyo
kaalinta kaga aadan waddankii. Xildhibaanadii haddalada ka soo jeediyey waxa ka
mid ahaa: 1. Xildhibaan Maxamed Caraale (Duur) 2. Xildhibaan Cali Maxamed 3.
Xildhibaan Cabdikariim Shabeel 4. Xildhibaan Khadar Adan(Ambassador) iyo
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte.
Inta aan kulanka la xidhin waxa loo mahadnaqey ururadii sida firfircoon uga qayb
qaatey kulanka: NOMAD, SIRAG, Somaliland Societies in UK (SSUK), West London
Somaliland, Somaliland Overseas Development, British Somaliland United Group,
TAFF iyo sidoo kale wakiilada ururada siyaasiga ee Somaliland, UDUB, Kulmiye iyo
Ucid.
Kulanka waxa duco iyo dardaaran guud ku soo gabogabeeyay Suldaan Maxamuud Xaaji
Xuseen.
__
Source: Somaliland Net
Printer Version
| |
|
|