Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Warar Waabsan
December 29, 2008

Tababar ay siisay hay'adda Dalmar markey dhameysteen ayuu Mayorka Hargeysa 25 suxufi shahaadado tababarkaa la xidhiidha....4 hablood oo fasalka 6aad dhiganayey oo ay u dhoofineysay Djabuuti shabakad aan la garaneynini, habluhuna sheegeen in raggaa dhoofinaya wadaado u ekaayeen, kana soo jeeda Xamar, gabadh reer Somaliland ahina ay xidhiidhka sameysay ayaa xalay la siidaayey gabadhii xidhiidhka sameyseyse wey xidhantahay...Mudaharaad ayaa Saylac ka dhacay laga mudaharaadayo badeecad ladiiday in la cashuuro oo ay dalka soo gasho.

Warar Waabsan
December 27, 2008

Xildhibaan Ismaciil Xasan Maxamuud Timir oo ka tirsan barlamaanka Impigati, asal ahaana ka soo jeeda gobolka togdheer somaliland ayaa maanta lagu toogtay magaalada baydhaba aqalkiisa hortiisa halkaasuu ku qudhbaxay.....Mayorka HGSA ayaa kasoo noqday shircaalami ah oo lagaga hadlayey fayo dhowrka shirkaasoo kadhacay magaalada Rome......Captain Musa Camara kaa soo dhowrcisho ka hor afganbi kula wareegay xukunkuu-ginni conakarey, kadib markuu geeriyooday madaxweyne koonte ayaa isu caleema saaray madaxweynanimadii dalkaa, markey xubnihii dowladii hore isa soo dhiibeen iyada oo amarkiisii ay qaateen.

Warar Waabsan
December 24, 2008

Diiwaangellintii codbixiyayaasha oo maanta ka bilaabantay Gobolka Sanaag; taas oo socon doonta 6 maalmood.....Maalinta Caafimaadka Caruurta oo maanta lagaga dhawaaqay Hargeysa; taas oo yoolku yahay caruurta wixii 5 sanno kayar iyo hooyooyinka uurka leh in caafimaadkooda wax laga qabto......Lixda gobol midba 5 maalmood ayey hawshaasi kasocon.......Gacma Dheere oo ka istiqaaloodey magacaabidii wasiirka 1aad ee Impegati iyo C/Laahi Yuusuf oo is tiqaalidiisa dhiibi doona sabtida.

Warar Waabsan
December 21, 2008

Shirkii Wasiirada arrimaha Dibada IGAD ee maanta ADDIS lagu qabtay wuxuu go'aan ku gaadhay in cunno qabateyn lagu soo rogayo ciddii dib u heshiisiinta kasoo horjeeda, iyadoo hadalkaku socdo C/Laahi Yuusuf; isla markaana waxay taageera buuxda siiyeen Nuur Cadde iyo xukuumadiisa....Baarlamaankii Impegati ee beydhaba ayaa weli labadii dhinac gooni ukala shirayaan....Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland ayaa maanta ku wareejiyey Komishanka Doorashooyinka 120 gaadhi oo lagaga hawlgeli doono diiwaangelinta Sool iyo Sanaag....Hay'add la yidhaa Dalmar ayaa tababar uga furtay suxufiyiinta Somaliland Hargeysa.

Warar Waabsan
December 19, 2008

Mr. Deep Throat, ninkii lagu naaneysi jirrey, kana tirsanaan jirey FBI-da Mareykanka ee u gudbiyey, sir ahaan, saxaafada fadeexadii Water Gate ee Nixon xilka ku waayey ayaa maanta ku dhintay California isaga oo 95 jir ah....Xukuumadu ma ogala in Sanaag iyo Sool isku mar diiwaangelinta laga hirgeliyo; iyadoo ay dad badan oo gobolkaa u dhashay ay jecelyihiin in diiwaangelintu gobolkaa ka dhacdo isku mar.

C/Laahi Yuusuf Oo Xilkii Ka Qaaday Nuur Cadde Iyo Nuur Cadde Oo Leh Igama Qaadi Kartid
December 14, 2008

Saaka ayuu C/Laahi Yuusuf kaga dhawaaqay Beydhaba in uu xukuumaduu hoggaamin jirrey Nuur Cade ay dhacday, markay ka soo bixi weyday howshii loo igmaday, sidaana oo xilkii Prime Ministernimada kaga qaaday Nuur cadde. Wuxuu ku saba beeyey C/Laahi Yuusuf talaabadaa uu qaaday, in musuqmaasuq, khiyaamo qaran iyo wax qabad la'aan awgood ay xukuumadaasi ku dhacday, iyadoo mudadeedii sanadka ahayd ay dhamaatay, aanay u dhacday xukuumadu mudadeedii oo dhamaatay, Parlamenkuna arrintaa aanu waxba ka qaban karin. Nuur Cadde ayaa arintaa kaga jawaabay in aanu C/Laahi Yuusuf awood dastuuri ah u lahayn in uu xilka ka qaado Prime Ministerka. Waxa uu intaa raaciyey in C/Laahi Yuusuf uu magacaabidda leeyahay Prime Ministerka laakiinse xilka qaadista baarlamaanku dastuuriyan u leeyahay.

Ciidamadii Impagathi Oo Badankoodii Kala Yaaceen
December 13, 2008

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ciidamadii bileyska ee Impagathi iyo ciidankii qaranka, tiradooduna isku ahayd 15000 oo askari ay 80% hubkiiba labaxsadeen markii mushaharkii muddo dheer la siin waayey. Warbixintu intaa waxay ku dartay in hubkaa xoogiisii gacanta u galay markii laga iibiyey, xoogaga Impagathi ladagaalamaya.Taliyah Bileyska Impagathi Mr. Qeybdiid, Oo arrintaa shalay laga wareystay ayaa ku tilmamay wararkaa war aan sugneyn oo uu faafiyey cadowga Soomaaliya.

Budhcad Badeed Lagu Qabtay Xeebaha Bari Ee Somaliland
December 13, 2008

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay iney 5 nin oo Budhcadbadeeda lagu qabtay xeebta Shalcaw. Wuxuu intaa raaciyey inney nimankaasi kasoo jeedaan maamulka Garoowe oo ay isku dayeen iney la dagaalamaan ciidamada illaalinta xeebaha Somaliland, laakiin laga xoog roonaaday degdegna loo geyndoono Garsoorka. Waxa xusid mudan in hore magaalada Berbera loogu qabtay niman budhcad badeed ahaa oo isu diyaariyey in ay hawlgalo ka fuliyaan xeebahaa Somaliland, laakiin la qabtay iyaga iyo qalabkoodiiba intaaney hawl budhcadbadeed gelin, kadibna maxkamada la gaadhay iyadoo midkiiba 15sanoo xadhiga lagu xukumay qalabkoodiina la wareegay. Waxaa Somaliland kasocda immika diyaarin xeercusub oo argagixisada ku wajahan noocyadeeda kala duwan lana fillayo in golayaasha xeer dajinta la horgeeyo.

Baydhaba Oo Ciidii La Kala Tukadey
December 8, 2008

Sida ay wararku ay sheegayaan, saaka salaadii ciidii, 3dexda mas'uul ee ugu sareeyaa Impagati, 3dex meelood oo kala gooni ah ayey salaadii ciidii ku kala tukadeen. C/laahi Yuusuf, koox xildhibaana ah iyo masuuliyiin kale waxay ku tukadeen gurigga C/Laahi Yuusuf; halkaas oo hadal go'an ka jeediyey Nuur Cade, koox xildhibaana ah iyo masuuliyiin kale iyaguna waxay ku tukadeen guriga Nuur Cade. Sheekh Aadan madoobana waxaa gurigiisa kula tukadey Cidii koox Xildhibaana ah iyo masuuliyiin kale. Waxa la is weydiinayaa ma khilaafkii siyaasiga ahaa ayaa jamacii salaada ciidana saameeyey?

Warar Waabsan
December 7, 2008

Warar Waabsan Tirada hordhaca ah ee iyadoo lasoo gabagabeeyay Diiwaangelintii Maroodi Jeex, iska diiwaangelisay Gabiley waa 97908 cod bixiye. Gobolka Maroodi Jeex dadkiisu aad buu uga cadheysan yahay iyadoo dadkii isdiiwaangelinayey safafka ku jiraan, in Gudida Diiwaangelintu xidho goobihii diiwaan gelinta, isla markaana ku dhawaaqdo, innaan mudadaa la kordhineyn iyadoo wakti badani ku lumay qalabkii diiwaan gelintee ku lumay. Maraakiibtii la dagaalamaysay Budhcad badeeda ayaa beri ka bilaabeysa howl galadeedii badda ku gadaaman dhulkey Soomaalidu degto.

Ahlu-sunna Wal Jamaaca Iyo Alshshaabaab Oo Ku dagaalamay Guri Ceel
December 5, 2008

Waxaa maanta ku dagaalamay Guri Ceel oo ka tirsan Gal Mudug, ciidamo ka tisan Ahlu-sunna Waljamaaca iyo Alshabaab, dagaalkoos oo ah kii 2aad, dhaawac iyo dhimashona lahaa. Warkani markuu Somalilandhorta soo gaadhay dagaalku weli wuu socday waana dagaala toos ah oo ay kooxda Ahlu suna Waljamaaca u jilib dhigtay kooxda Alshabaab. Waxa ka dhalankara, iska hor imaatinkaa hubeysan, iska caabi diini ah oo markii ugu horeysay Alshabaab loogu badheedho.

Aqoonyahano Reer Baydhaba Ah Oo Kasoo Horjeedsadey Heshiiskii Jabuuti
December 3, 2008

War VOA shalay laga sii daayey ayaa sheegay aqoonyahanka iyo waxgaradka Bay iyo Bakool (Beelaha Digil iyo Mirifle) Kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo, ay ku dhawaaqeen inney kasoo horjeedaan go'aamadii lagu gaadhay heshiiskii Jabuuti ka dhacay. Nin halkaa ka hadlay ayaa tibaaxay, in ay somaalinimadii caalamatul su'aal saarayaan oo ay sida Somaliland gooni isu taagayaan.

Hal Dhaan Wado
December 1, 2008

Somalilandhorta - Haduu dhabyahay warkaa ku saabsan tiyaatarka hortiisa in dhulkii banaana dad gaar ah la siiyey dhulkaas oo dan guud ahaa, sida mayorka HGSA jamhuuriya ka soo werisay, Somalilandhorta waxay u soo jeedineysaa xafiiskii ka masuulka ahaa bixinta dhulkaa in uu ka noqdo; dhul kalena la siiyo oo dan guud ah la siiyo dadkaa gaarka ah e dhulkaa la siiyey. Tiyaatarka hortiisa oo la dhistaa waxay tahay Tiyaatarkii oo la aasay, dibna aan loogu fakireynin dhismihiisa iyo soo nooleyntiisa.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp