Somaliland Horta Website Somalilandhorta

T A C S I

Xarunta Dhawrista                                       Centre for Public Integrity &

Hufnaanta Guud iyo Cidhibtirka Musuq- Maasuqa             Anti- Corruption

Hargeysa, Somaliland                                                                        Hargeisa, Somaliland

                         

24/12/2008                             

INAALILAAHI-WA INAA-ILEEHI RAAJICOON…..INAALILAAHI- WA INAA-ILEEHI  RAAJICOON.

GEERIDA NAXDINTA BADAN EE KU TIMID MUJAAHID. Xildhibaan ( Golaha Guurtida) SULDAAN, XAAJI CABDIRAXMAAN SHEIKH MUXUMAD

Anoo ka wakiil ah beesha  kasoo  jeeda GoBOLKA GABILEY ee degan GOBOLKA

 WELISHKA ee Caasimada u tahay Magaalada CARDIFF, waxanu  ka tacsiyadeenenaa xaaskii,

Eheladii , qaraabadii IYO Qaranka Somaliland, geerida xaqa ah, haseyeeshee naxdinta badan ee ku timid MUJAAHID,XILDHIBAAN,SULDAAN XAAJI CABDIRAXMAAN, waxanuna ilaahay u baryenaa inu JANADII FARDOWSA ku hooyo inagana samir iyo imaan inaga siiyu.

Xaaji CABDIRAXMAAN wuxu usoo banbaxaxe GEGIDA SIYAASADA waqtigii mustacmarada ingriisko ku wareejise DALKII SOOMAALIDA oo ku magacaabi jire RESERVE-AREA (1955/56) BOQORTOWYADII FASHIISHTADA ahayd Ee XAILE SALAASE. Degaanka GOBOLKA GABILE ragii ee siyaasada KILILKA 5aad u wada cumaamateen  waxa ka mid ahaa MUSA QOTI  iyo MUSA CIRDE oo iyana naxariisdii jano allaha siiyee xijaabte.

Saddexda Halgankooda oo  MARXUUNKO asaasayaasha ka mid noqde waxay kala ahaayeen !-AFRAAD (sahankii SNM-TA); 2. SNM ; Iyo 3.QARANNIMADA SOMALILAND.

MUJAAHID Xaaji Cabdirahmaan wuxu ka mid ahaa ASAASAYAASHII URURKII shamaca u ahaa  SNM ee la odhan jire AFRAAD. Nimankii la abaabule URURKAAS waxan magacyadooda sii xasuusdaa inta hoos ku xusan:-

Mujaahid Maxamad Ibraahin Khaliif; Muj Maxamad Cabdillahi loodown; Muj Cabdillahi Cabdi Goad;

Muj Xasan Xaaji Yuusuf Rooble(Mayor),Maxamad Faarax (Dhuxul);Osma Adan(Caga-seedh), MUJ Jaamac Nuur Xasan; Muj Adan Cabdillahi Xaid; Maxamad Maxamud Jamac (Afweyne),Mudane Cali-Nuur Mead(Agaasimaha Maraakiibta ee berbera) iyo Cabdi aw Cumar Kulmie..

Anigo Xaaji Cabdiraxmaan waxan barte 1975/76 markoo xajka ku socde waxana iskaayo bare Mudane

Ibraahim Maal oo ka ahaan jire Mareeye Guud EE BANKIGA  Ganacsiga ee Addis-Ababa, markaas oon deganaa ADDIS-ABABA una ahaa Hantidhawre Guud Hayadda Cidhibtirka Ayaxa. Mujaahidka waxan la kulme marlbaad bishii January 2000 oo aniga iyo Cumar Dheere la fadhiisane Mijiliska aqalkiisa. Hasaawahayagii siyaasadeed  halkaas ayuu ka billaabme oo isna noqde ASAASAYAASHA URURKA SIYAASIGA AH EE UDUB ana aan noqde ASAASAYAASHA URURKA SIYAASIGA AH EE UCID ahna xisbiga xalaaleeyey Nidaamka asxaabta badan ee badele Nidaamkii ku dhisnaa CAHDI BEELEEDKA. Haasaawe aan wax naxli laheen ayaa Na dhexmari  jire Mujaahidka 2000/ 2001/2002. Mudadadaa intii ka danbeese waxan aan bukaan jiif ka noqde Dalka UK. Naxariisda eebe kokiisa iyo korkeenaba ha ahaato. Allaa mahad leh.

 

Mudane Axmed Muuse Geedi (Sanjab).

Maareeyaha, Xarunta.dh.H.Guud  iyo  Cidhib.Musuqmaasuqa.