Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Saxaafadda Gacansaarka La Leh Al-shabaab Oo Buunbuunisa Warar Aan Waaqic Ahayn
December 31, 2008


Bal wax yar ka eeg wararka sheegaya in shirar lagu qabtay Guriceel iyo in Guddoomiye ay leedahay magaaladaasi! Bil ka hor, Guriceel ayaa culumadeedii la xasuuqay, qubuuraheedii la qufay, shacabkeedii la barakiciyay oo xataa odaayaasheedii gardaduub loo xiray. idaacadaha ay ka midyihiin HornAfrik iyo BBC ayaa waxaa la gudboon in ay maslaxadda ummadda eegaan ee danaha yar yar aysan wax walba ku cabbirin.

Sidoo kale bogagga internet-ka qaarkood ee ay soomalidu wax ku qorto miyaysan la gudboonayn inay waaqica oggoladaan ka sokow cabsida ilaahay oo asal ah? Warisagaarsiinta hadafkeedu waa in akhbaarta loo helo sida ay tahay. Akhbaartaas oo aan dhan walba ka qoslindoonin. Waxaa ceeb ah inaad saxaafadda ku cabbirto nin-jeclaysi iyo dana gurucan oo adiga kuu gaar ah.

Guriceel waxaa ku sugan kumanaan culumada Ahlusunnah Waljamaaca kuwaasoo ka dhiidhiyay dulmigii kooxdii Ashayaadiin ku hayeen culumada iyo shcabka intiisa kaleba. Ilaahay fadligiis ayay ku dhacday dagaallo soo noqnoqday ka dib in aakhirkii lagala wareego khawaarijta gacankuhaynta magaalada. Su'aasha mudan isweydiintu waxay tahay, markii haddii laba garab is-qabteen, Cali Sheekhow garabkee ahayd? Mase guulaysteen raggaagii? Maamulkaaguse ma sugay ammaanka degmada oo ma ka celiyay hororka dooxatadaa ee soo duulay? Sida sharciga islaamku qabo, caqliga saliimkaana oggolyahay waa inaad garabka saxdaa la jirsato haddii la isqabto oo aad caadil ahaato. Sidoo kale, haddii raggaagii la jebiyay inaadan dulmiga sii wadin ee dadka masaakiinta ah aad u danaysid.

Waxaan ummadda u caddeyneynaa, in aan wax shir ahi halkaas ka dhicin, arin xoogagga magaalada gacanta ku haaya, ee Ahlusunna ay moogyihiinna uusan ka dhici karin degaanka. Waxaa kaloo aan uga digeynaa saxaafadda iney ka waantoobaan hadallada aan raadka lahayn oo been abuurka ah, meelka ka dhaca saxaafadda iyo marin habaainta bulshada. Ayna ogaadaan in arintaasi ay si weyn u dhaawacayso kalsoonida wararka ay ummadda u tebiyaan.

Waxaa intaa ka sii daran, in ay warkaa luqunta u sureen, nin ay khawaarijta shabaabku hore ugu dhiibeen magaalada, oo la oran jirey Cali Shiikh Falko, oo ay isla shabaabku ka eryeen xilkaas, ka dib markii ay ku tuhmeen, in uu u xagliyo dhinaca Xasan Daahir iyo garabkiisa Casmara. Falko xilka laga casilay waa aqbalay wuxuuna idaacadaha u sheegay sidan: "maamulka islaamigu waa in ay dadka cadaalad ku maamulo", Waxaa la wada ogsoon yahay in Falko, uu khaadim uga ahaa magaalada alshabaab, una suura geliyay in shabaaku dadka degaanka ku gumaadaan xukun beenaadkiisii.

Waxaa la wada garan karaa, in shabaabku markii ay weerarradii gardarrada ahaa, ee ay ku qaadeen culimada iyo shacabka degaanka ku guul dareysteen, ay arinka ka dhigeen qabali. Waxay handadaan odayaasha dhaqanka, oo intey cabsi geliyaan, ka dhameysteen arimo qabali ah. Markii ay ku dan gaaraanna, ka dhigo midey dilaan iyo midey argagax ku ridaan, oo weliba ku yiraahdaan: ugaas, suldaan iwm. diinta raad kuma laha.

Source: Ahlusunna Waljamaaca


 




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp