Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Tajamuca Culumaa'udiinka Soomaaliyeed Oo Ugu Baaqay Al-shabaab inay joojiyaan Qubuuro Faaqidaada Iyo Hanjabaadaha Ka Dhanka ah Culumaa'udiinka
December 31, 2008


Bayaan ay maanta Muqdisho ka soo saareen Tajamaca culumaa'udiinka Soomaaliyeed,oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Tajamaca Culumaa'udiinka Soomaaliyeed Sheekh C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay joojiyaan hanjabaadaha iyo cagajuglaynta loo geysanayo culumaa'udiinka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ka hadasha dhibaatada iyo dagaallada dalka ka jira, isla markaasina loo baahan yahay in raaligelin laga bixiyo hanjabaadihii iyo cagajugleyntii loo geystay dhawaan Culumaa'udiinkii ka hadashay dagaalladii ka dhacay degaannada Gobolka Galgaduud iyo qodista Khabuuraha Mashaa'ikhdii geeriyootay.

Waxaa sidoo kale bayaankaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo madaafiicda laga dhex tuurayo Shacbiga dhexdooda, maadaama jawaabaha ka yimaada ay ka dhashaan khasaariyoon isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo soo gaara Shacbiga Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya dhibaatada muddada 18-ka sano soo socotay, isla markaana laga waantoobo qodista Khabuuraha muslimiinta iyo soo saarida lafahooda

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Bayaanka in haddii ay baxaan ciidamada Itoobiya xabadda la joojiyo, shacabka Soomaaliyeedna ay dhexdooda ka heshiiyaan, sidoo kalena la soo afjaro colaadaha iyo dagaallada ka soo cusboonaaday gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Baaqaas ayaa sidoo kale lagu xusay in loo baahan yahay in loo istaago dib u heshiisiin guud oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan, lagana shaqeeyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Baaqan oo sida muuqata ku socda madaxda XarakadaAl-shabaab ayaa wuxuu ku soo aadaya xilli dhawaan afhayeenka Xarakada Al Shabaab uu dhaliil u jeediyay qaar ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee ka hadlay dagaaladii ka socday gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale xarakada Al-shabaab lagu eedeeyay qodista iyo burburinta Khabuuraha.


Source: Hadhwanaag News


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp