Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Ururka SRC Oo Shahaado Sharafyo Gudoonsiiyay: Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Qoyska, UNDP, DAHABSHIIL, Sheekh Aadan Siiro iyo Jaamacada IHU
December 30, 2008


Ururka dhalinyarada ee SRC (Somaliland Reserch Center) ayaa shalay gudoonsiiyaya shadaado sharafuyo dadkii ugu wax qabadka badnaa sanadka 2008. Xafalada gudoonsiinta shahaadooyinka oo lagu qabtay huteelka Summer Time ee hargaysa, iyadoo dad shahaadooyinka la gudoonsiiyey uu ka mid ahaa wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Waran-Cade waxa ugu horayan halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka SRC Barkhad M cumar Shahadadahan waxaanu ugu talanay si aanu (motifation) dhiiri galin Usiino masuuliyiin hawl qabad ka sameyey si masuuliyiinta kale ee hadhayna ay u Noqdaan qaar ku dayada si sanand ka danbe dambe ay usoo baxaan qolo taratan u gasho wax qabadka somaliland waayo qofka hadii aan jaaisad qofkii hawal sameeyey bulshda Somaliland si horumar loo gaadho. Horumarkuna wuxuu ku yimaadaa tarta iyo adna sanadka noqo markii aan samaynay xog ururi waxaanu waynay cid dalka soo galisa dakhli xoolaha noqon lahaa il dhaqaale xooluhuna waa kuwaa joogsaday .

Sidaa daradeed waxaanu ugu talo-galnay inanu siino jaaisado si aaniyada ugu dhisano isla marakaa dadwaynuhu wuu ogyahay kuwa ka danbeeyana ay 2009 noqdaan dardar cusub galiya oo suga inan jaaisad siino sanad kastana waanu samayan doonaa waxa kaloo soo bbaxday markaan wadnay sarvayga su,aalo aan ku jirin oo ah in sheekhii loogu xiisayanta badnaa ama daljacaylka ugu badnaa isgoo noqday sh. Aadan x. Maxamuud (Aadan Siiro )

Waxa isna halakaa ka hadlay Maayarka Caasimada jiciir oo yidhi “Runtii waxa aad iyo aad noo faraxad galinaya baraaruga ama Observation-ka da’deena soo koraysaa ay u leedahay dalka iyo sida ay ugu dadaalayaan ugu yaraan horumarka ku waajahan maskaxyan inay wax ka qabtaan aad vbay inoo farxad galisay inkasoonay dawalad hoose hoos u eegin dawladii dhaxuunbay ka hadlayeen in kasatoo sanadka dhamaadkiisa nagaga baxay laba wadooo laamiya midkiiba kilo mitir & lab boqol tahay bay samaynayaan midi waa tan biyo dhacay ag marta

Waa 1.3m waad aragteen midna waa mid mihiima waa tan saldhiga dhexe waxay maraysaa beerta xoriyada hawdka soo marta ee iskuulka faarax oomaar halkoo ka tagta xagii wadooyinka mabaydan eegi hadii aad dhalinyaradii tihiin shan sariibadoo baanu samaynay hargeysa waa maxamed mooge daami sariibada way nee idaacad aad arki doontaan oo aan furayno sanadku ndhamaan waliba way ka casri santahay macaa taybulada hilibka lagu iibiyomarmarbaanu duldhigaynaa . marka la eego dawladaha hoose may wax badan qabatay dawalada hoose ee hargaysa inkastoonaan isku amaanayn oo ay tahay inaanu qabano waxa imika u soconaa inaan samayno (ired crs) la ls kaga talaabo. Muuse ducaale &jig jig yar oo imika Naadiga shiinaha ah aanu tusayno dhagax dhigiina waanagii samaynay xamdi huteel & shiraaqle dawladaha hoose aad baan u badanaa mar kaa sanadka cusub ku darsataan runtii Wasiirka, Dahabashiil aniguba waan u qirayaa inay wax badan qabtaan waliba waxyaabaha koontarbushanka biriishyada& wadooyinaka oo evevy project aan samaynayna ka idaacada u dambeeyey waxay bixiyaa lacagta ugu badan runtii waxayaabo badan oonu qabanay dad waynaha la’aantood maanu qaban waxan markaa idin odhan lahaa sanadka danbana ku dartaa waxwad qabsiga Dadwaynaha iyo Dawlada.

Waad aragtaan Bajadkeenu waa 30 Million waa Bajad hada Hay’ad yar ama Departmen markaa waxa weeyi in Dadwaynaha aanu u jihayno wax qabadka

Wadada aanu Sheekh Ibraahim u bixinay ee la odhan jiray, wadada Jig jiga yar, Kood buur iyago Xajiinka qabtay anaguna inta hore ayaanu qabanay.

Hadaan Dadwaynaha iyo Dawladuna gacanta is qabsan wax inoo hir galayaa ma jiro, intaan la ina Ictiraafin oo by Latered agreemen ama International Agreement aynaan ka helayn mashaariic in aynu isku tiirsano.

Aad iyo aad baad u mahad santahiin Cilmibaadhistan ha ka caajisina wixii Contrabution ama waxqabada eed naga rabtaan waanu idiinla qaadanaynaa sidii aad Take off u qaadataan oo aad u horumartaan.

Waxa kaloo halakaa ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale oo yidhi “Marka Roobku Da’ayo ayaa la yidhaa Cirki wuu soo daruuraynayaa markaan Gaariye soo xigto, Garoonkii baa Biro soo yeelanaya is dhex orodkii aynu is dhex ordaynay een la’odhanaynba hebal baa gool dhaliyay Habeenkii inaga oo daalan aynu seexanaynay ayaynu imika soo arkaynaa in cidii Goolal dhalisay Dhalinyartana waynu hanbalyaynaynaa.

Qaybtaas idinkaga soo hagaagtay Halkanka hadii Aabayaashiin Xabada ku jireen, dib u dhiska Dimuqraadiyada iyo Horumarka ayaa idinkusoo hagaagay, Diiwan galinta Nabada ku dhacaysa ee kaalinta layaabka leh ka qaadateen Illahayn waxaan ka rajaynayaa abaal ku wii ugu roonaa waxqabadkii 2008 inay inoo raaci doonto hadii aynu Maxakamad gayn kari waynay kuwa ka Xishoon wayay ee ummada dhibaya in ay Geesiyaal iskaga keen dhigaan iyana la soo dhigo kuwii ugu wax qabadka liitay Illahay baan ka rajaynayaa in aan kuwaa helno”

Waxa isna ka mid ahaa Gudoomiyaha Diiwaangelinata Komishanaka Ismaaciil Muuse oo isna ka mid ahaa dadkii Hay adii wadiga ahayd ee wax qabadayada muu qda samayasay waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanaha oo Hambalyada ugu horaysa aanu siinaynaa Dhalinyaradan Jidka Cusub jeexeday oo waxyaabo aynaan ku arki jirin wadanka inoo hor seeday imika qiimo gaara ayay leedahay in la qiimeeyo marka Shaqada ay u dirato Dadka Privet kaba kaalinta ay kaga jiraan, Kaalinta ay kaga jiraan Dhismaha Bulshada, Qofka Bini’aadamka ah hadii aan loo sheegin in Raali laga yahay ama aan raali laga hayn Dadkii way isku dhex darsamayaan la heli maayo Qofku wax uu ku dhiiraday oo horumarka uu waday ku dhiriya, wuu u baahanyahay Qofka Bini’aadamka ahi in ay Dadku ku yidhaahdaan waad ku mahad santahay in aad noo shaqaysay sidaa uu Boobe sheegayna waxa loo bahan yahay Liiska fadeexada in la soo saaro.

Waxaan Habalyaynayaa Xubnaha halkan laga Magacaabay Ummadu wixii ay u diratay Shicib iyo Dawlad ba ha ahaatee Kaalintii loo igmaday ka soo baxay Sharaf ayay noo tahay wax qabasho hadii laga hadlo Sanadkan, anagu waxaanu is leenahay Komiishanka ayaa Shaqadii u waynayd qabtay Mayirku Shaqooyinkiisii waa uu ka sheekeeyay Lakiin meesha ay Komiishanku marayaan waxaan is lahaa Dawlada Hoose hadli mayso, waad mahad santahiin dhamaantiinba.

Waxa shirkaa soo xidhay Wasiirka Duulista Hawada Gaadiidka Cirka Waran Cadde oo yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Magaca Xukumada Somaliland, Magacayga iyo Magca Wasaarada aan Madaxada u ahayba waxaan halkan uga hanbalyaynayaa Dhalinyarada Daraasadan samaysay iyo Madaxda Sharafta leh ee ka soo qayb gashay Dhamaan.

Intaa ka dib Runtii waxa farxad noo ah Nidaamkan Cusub ee Maanta Dalkeena ka hirgalay oo ah Arrin Khatar ku ah Madaxda iyo Hayadaha Waxqabadka iyo Shirkadaha ba oo ah in aad u bandhigtaan Qof kasta oo Masuul ahi Shaqada uu Ummadiisa u hayo in uu Shacabku u Ilaashan karo oo uu eegi karo oo hada ka dib aan cidina ka dhuuman Karin ayay tani Runtii markhaati u tahay waana hawl nagu culus oo aad nagu soo kordhiseen.

Talabaad waxa weeyi in aan halkan uga mahad celiyo Dhalinyarada isku Xilqaantay Hawshan ee sida Qiimaha leh u soo samaysay ee wakhtigoodii iyo Dhaqaalahoodaba ku lumisay iyada lafteedu in ay tahay Horumar balaadhan oo hadaynu nahay Somaliland Bulshadeena iyo Dhalinyaradeenu iyo Musaqafinteenuba ay gaadheen oo tan lafteedaa ka mid ah Horumarka, waxaan jecelahay in aan halkan ka sheego Qofku marka uu shaqeeyo ee uu umadiisa u shaqeeyo ee uu waliba Dawlada u shaqeeyo waxa uu qabtaa maaha wax isaga kaligii ku kooban hase yeeshee waxa uu wakiil kaga yahay Ilaa Madaxwaynaha ilaa Dawlada halka ugu hoosaysa ayay u noqonaysaa wax qabadka iyo wixii uu Qof qabto inay yihiin Horumar lagu talaabsaday Dawlada ahaan iyo Shacab ahaanba.

Hadii aan in yar ka sheego Himilooyinka noo qorshaysan hadii uu Alle Yidhaahdo waxa nasiib wanaaga maanta waxa halkan nala fadhiya Qolo China ah oo China ka timid oo aanu filayno in ay noqoto Albaabkii u horeeyay ee aynu iska kaashan lahayn Somaliland iyo China waxyaabaha ay qabanayaana waxa u horeeya in ay Madaaradeena oo uu ugu horeeyo ka Hargeysa ay ka dhigaan Madaaro ku wa Caalamka la tartama oo ay Injineeradii halkan maanta Qaarkooda marayaan oo ilaa Shalay ilaa Daraad ay ku Mashquulsanaayeen sidii ay Qiimayn ugu samayn lahaayeen Madaarka Hargeysa iyo Meelo kale oo ay ka mid yihiin Berbera.

Markiihore waxaanu is lahayn yara Dhab dhabta oo waanu soo dadajinaynay hasayeeshee imika tan ayaa nagala qiimo badnaatay markaa Isha Allahu Dhakhso waxaynu arki doonaa Madaaradeena oo la Bilica oo la Tayo ah kuwa Caalamka.

Waxaan ku soo gabo gabaynayaa waxa weeyi maanta waxaynu maraynaa meel wanaagsan hadaynu nahay Dadka Reer Somaliland Dawlada iyo Shacaba waxa aynu maraynaa in aynu Maanta Samayno sidii Guudoomiyaha Diiwan galintu halkan kaga hadlay oo Runtii aan aad iyo aad ugu mahada Celinayo ama ugu mahad naqayo Horumarka ay ku talaabsadeen, Daraato waxa dhacday in Goboladeena Qaarkood ay kuwa aynu Dariska nahay ee Taladoodii iyo Dantoodii ka soo bixi wayay ay isku dayeen in ay Carqaladeeyaan in aynu ka qabano Diiwan galinta Goboladeena Qaarkood oo ay isku dayeen in ay Cudud milatari ku muquuniyaan hasa yeeshee waxa nasiib wanaaga in aynu ku Guulaysanay Dawlad iyo Shacaba in aynu Riixno kuwa war Xumo Tashiilka ah ee Xasadka ah ee ka hadlayay arrimaha noocaas ah oo maanta meelahii ugu danbeeyay Gobolada Bariga Fog ee Sanaag ay ka socoto Diiwan galintu taas Runtii iyana wax la soo qaado ah.

Waxa kale oo Xusid mudan Nin ka Af Qudhac oo Daraato ka hadlayay Idaacada BBC da oo hadalo naxli leh oo aad moodo in uu isku dirayo Dadka walaalaha ah ee Reer Somaliland oo Haybo iyo Isir u kala sheegayo oo uu doonayo in ay Dhibaato ka dhex dhacdo hasa yeeshee laga Guulaystay oo wixii uu sheegayay ay noqdeen wax aan waxba ka jirin waxaanan isaga laftiisa leeyahay waar ha ku habsaamin meesha aad joogto inta aan Diiwan galintu kaa dhamaan kalay oo ku soo biir Dadkaaga oo ka qayb qaado Horumarka Dalkaaga ayaan isagana leeyahay oo jinsiyada qaado,

kuwa kale ee isaga lamidka ah ee Reer Somaliland ah ee Somalia ku maqan ee iyaga laftoodu Fal qalalada ku ah Dadka aynu walalaha nahay ee ay dhex joogaan ee Kuraasidii ay ku heshiin lahaayeen Buuxiyay iyagana waxaan leeyahay waar Dadkaasi ha heshiiyeene uga kaalaya Kuraasidooda iyo Manaasibta aad Dugsiyada Dadka kale dul fadhidaan uga kaalaya oo Dalkiina idin qaadaya oo idinku filan, iyagana waxaan ugu baaqayaa waxaaba la sheegayaa Qaarkood dhagtaaba Dhiiga loo daray dhawaane in ta danbana inta aanay waxyeeladu soo gaadhin in ay dhakhso uga yimaadaan.

Waxa kaloo shahaadooyinkaa la gudoonsiiyaya Shirkada Dahab shiil,wasiirka Arimaha Qoyska,jaamacada Geeska ,Komishanaka Doorashooyinka,Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro),Iyo wasiirka Duulista Hawada Warran Cade”

barnaamijkan cilmi baadhista ah oo rayiyo kala duwan laga soo uririyey dad gaadhaya 1000 qof oo ku nool caasimda Hargeisa ayaa daaha ka furtay Wasiirkii ugu waxqbaadka badnaa Xukuumda Somaliland oo uu ku guulaystay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Cali Warancade.halka gabadhii ugu waxqabadka badnayd lagu sheegay Wasiirka Wasaarada Qoyska Faadumo Suudi, Hay''''addii ugu waxqabadka badnayna waxay noqoatay UNDP. Shirkadaha macaashkooda ugu badan dadka ku soo celiyana waxaa ku guulaysatay Shirkada DAHABSHIIL, dhinaca muwaadinka amma wadani jacaylkana waxaa ku guulaystay Sheekh Aaadan Siiro oo katirsan culmida Dalka iyo ugu danmbayntii Jaacadii ugu badnayd ee waxbarasho bilaasha u fidisa dhallinyarada, taas oo noqotay Jaamacada IHU.


Source: Gabiley News


 






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp