Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Faalo: Cashar Ay Tahay In La Barto
December 29, 2008


Xilka uu ka degay C/Laahi Yuusuf waxaa ka dhalandoona, iney C/Laahi Yuusuf dad badanina amaanaan kuwakalena oo badanina amaanaan. Taasina layaab malaha. Nin xil hayey oo ka degay qaarna dadka weyka nixi, qaarna way ku farxi, kadibna qoraalada taageerada ah iyo kuwa weerarka ah ayaa iskasoo daba dhici. Labadaa qolo ama kooxood midna ku biirimaayo, waxaanse iskudeyeyaa, inaan tilmaamo, in cashar ay tahay in labartaa uu ku jiro, maamuladii dhowrka ahaa ee Soomaaliya dibada loogu soo dhisay.

Maamulkii Cali Mahdi ee Jabuuti loogu soo dhisay 1991kii, weynu ognahay inaanu cagaha isku taagin, dagaaladii dhexmaray isaga aya marxuum Caydiid sidey maamulkaa u ragaadiyeen waa wax aan muran ka taagneyn. Maamulkii 2aad ee C/Qaasim ee lagu soo dhisay Jabuuti 2000 isna inaanu hana qaadin weynu ognahay. Maamulkan u danbeeyey ee uu hoggaaminayey C/Laahi Yuusuf, laguna soo dhisay 2004 Kenya isna maanta in aanu cagga adag ku taagneyn, weynu arkeynaa.

Asbaabta ay maamuladaasi u hana qaadi waayeen, wey badantahay, haseyeeshee waxaa jirta sabab ay wadaagaan. Sababtaasi waxa ay tahay sadexdaa maamul, midkastaba, dibada ayaa lagu soo dhisay. Midkastana dib u heshiisiin ayaa lagu sheegay.

Qodobka hore, Soomaalidii dhibtu haysatay ee doonaysay inney maamul samaysato, intay dalka guduhiisa ku shirtay, gooni iskumey noqon.

Qodobka 2aad marna dib u heshiisiini meydhicin. Waxa kaliya oo 3dexdaa goorba la qeybsadey xilalkii wasiirnimo. Waxay maamuladaasi u hirgeli waayeen Soomaalidii arrintaasi khuseyneysay dalkooda gudihiisa intey iskugu yimaadeen:

(1) Wixii dhib dhexdooda yaalay kamay heshiin, qof la diley cidi mag iskama siin, gabadh la kufsadey ciddi xaal iskameysiin, hanti maguuraana oo la kala dhacay la iskuma celin.

(2) Inta gooni Soomaali isku noqotay oo ay dalkeeda ku shirtay, markii utintii reeraha dhexyaaley la daweeyay ee la is calool xaadhay la isma odhan sideybeynu hadaba maamul udhisanaa. Waxa kaliya ee looga baahnaa bulshada caalamka waxa ay ahayd, wixii ka dhinma kharashka hawshaa lagu galiyo in laga caawiyo dadkaa reer soomaaliya, kadib markey iyagu hantidooda yar u huraan kulamadaa ay u jeedooyinkooda ku fulinayaan.

Gaba Gabo ilaa ay gartaan waxay iyagu qabsadaan mooyaane, inaan waxba u qabsoomeyn, kabixi maayaan qubtaa, qacdaa iyo qalalaasahaa, dhaxalsiiyey dilka, dhaca iyo barakaca isdaba socday laga soo bilaabo 1991kii.

Qoraalkii: A.Y.Dualeh






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp