Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Shirweynihii 4aad Ee Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Si Dimuqraadi Ah U Dooratay Hogaan Cusub Iyo Khudbadii Masuuliyiintii Ka Qeybgalay
December 28, 2008


Shirweynaha 4aad ee Dalladda Dhallinyarada Somaliland ayaa maanta lagu doortay hogaanka cusub oo xilka hayn doona muddo 2-sanadood ah, iyada oo aanay wax khilaaf ahi ka dhicin meeshaasi.

Shirweynahan oo muddo laba maalmood aha ka socday Huteelka Ambassador ee Magalada Hargeysa ayaa si dimoqraadi ah oo aan yeelan wax is-qabqabsi iyo khilaaftoona waxa loogu doortay Guddoomiye cusub oo magaciisa la yidhaa Yaxye Maxamuud Axmed iyo gole dhexe oo ka kooban 12 xubnood oo kale oo xilka hayn doona labada sanno ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood qof qof shirweynaha hortiisa loogu doortay qaab gacan taag ah.

Guddoomiyahan cusub ee dalladda loo doortay labada sanno ee socda, ayaan jirin cid shirweynuhu hortiisa isla sharraxday, iyada oo ay hore u jireen musharraxiin kula loollamayey jagadaas, balse isqancin badan iyo is docodocey si muddo saacado ah socday, ayaa aakhirkii Guddoomiyaha looga tanaasulay in la isla sharraxo.

Doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen dad isugu jiray masuuliyiin, aqoonyahan, goob-joogayaal ay soo dirsadeen hay’ado, ururro waddani ah oo dalka ka jira iyo weliba marti sharaf kale, ayey si layaab leh ula dhaceen, isla markaana ugu bogaadiyeen qaabka dimoqraadiga ah ee doorashadu u dhacday ee haddana wax muran ah iyo cid cabanaysa aan lagu arag. Arrintaas oo lagu sifeeyey inay kaga horreeyaan hay’ado badan iyo axsaabta dalka ka jiraba oo loo baahan yahay inay SONYO ka bartaan casharro badan.

Guddoomiyaha cusub ee loo doortay dalladda Mr. Yaxye Maxamuud Axmed oo doorashadiisa kadib hadal halkaa ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dadkii doortay iyo martidii shirweynaha, waxaannu sheegay inuu aqoon badan u leeyahay xafiiska loo doortay oo uu muddo badan ka soo shaqaynayey.

Mr. Yaxye waxa uu ballanqaaday in isaga iyo golihiisa dhexeba ku dadaali doonaan inay dalladda gaadhsiiyaan halka ay iminka joogto meel ka sarreysa. isaga oo ka hadlayeyna balanqaadadiisa waxa uu yidhi; “Waxaannu ku dadaali doonaa in sidii guddoonkii hore meel kasta oo aannu tagno ku metali doono magaca Somaliland oo aannu u ololayn doono qaddiyadeeda, waxaannu ballanqaadaynaa in maanta maalinteeda aannu xilka wareejin doono, anaga oo aan weliba isa soo sharraxayn."

Guddoomiyaha xilka ka dagay Mr. Maxamed Aw Yuusuf (Culimo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hambalyeeyey hoggaanka cusub ee la doortay oo sifihii lagu doortay uu ku tilmaamay hab-dimoqraadi xaq ah.

Isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta sharaf weyn bay ii tahay aniga iyo golihii dhexeba in doorashadii si xaq dimoqraadi ah u dhacdo. Cadowgeenu wuxuu ku jabayaa marka uu ina arko innaga oo dimoqraadiyad isku dooranay oo haddana gacmaha is haysana. Waxaan hoggaanka cusub kula dardaarmayaa in sidii golahayagii ay iska ilaaliyaan khilaafka, waxaanan ballanqaadayaa in aniga iyo golaha dhexeba aannu si hagar la’aan ah ula shaqayn doono.”

Mr. Boobe Yuusuf Ducaale oo isna xidhitaankii shirka ka hadlay, ayaa hambalyo kadib waxa uu ka warramay kaalinta dhallinyaradukaga jirto dalka, isaga oo xusay in cidda fulinaysa hawsha diiwaangelinta ee socota ay yihiin dhallinyaro aad u da’yaryar, la’aantodna aanay waxba ka suurtagaleen.

Mr. Boobe waxa uu sheegay in aannu shirweynahan ahayn oo keliya mid wax lagu doorano, balse uu yahay mid tilmaamaya masuuliyadda SONYO ee dhallinyarada.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay in SONYO horumar ballaadhan sameysay, waxaannu dhallinyarada ugu baaqay inay la xisaabtamaan masuuliyiinta dalka sida dawladda, axsaabta, golayaasha qaranka iyo hay’adahab.
“Aniga oo ka mid ah masuuliyiinta KULMIYE, waxaan halkan ka caddaynayaa in haddii aannu talada qabano wax-ka-beddel ku sameyn doono xeerarka dhallinyarada ka hor istaagay hoggaaminta dalka oo aannu ka dhigi doono ilaa 21 jir,” ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE.

Mr. Axmed Muxumed Madar oo isna ka mid ahaa aqoonyahannada goob jooga ka ahaa, ayaa sheegay inay u caddaatay in hoggaankii ee dalladu xilkii loo dhiibay sidiisii u soo celiyeen, isla markaana hoggaanka cusub looga baahan yahay in waddadaas oo kale ay maraan.

“Waxaynu caado u leennahay xilka markaynu cid u dhiibno aynaan ka dabategin, waxa la idiinka baahan yahay hoggaanka aad doorateen inaad la xisaabtantaan, isla markaana la shaqaysaan,” ayuu Axmed Muxumed Madar.


Source: Hadhwanaag News


 






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp