Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Wefti Ka Socda Dowlada Shiinaha Oo Somaliland YimidW
December 26, 2007


Wefti ka socda dalka Shiinaha ,oo Somaliland ka caawinaya Shidaalka iyo Macdanta iyo waliba arimo kale oo ku xidhiidsan Ganacsiga labada dal , ayaa Shaley kasoo dagey Gagida diyaaradaha Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

Waxana Waftigan kasocdey dalka Shiinaha kusoo dhaweeyey Madaarka Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Cali Warancadde oo ujeedada Socdaalka Waftigan Warbaahinta uga waramey ayaa sheegay in socdaalkoodu ka dambaysay heshiis ay Masuuliyiin uu kujiroo dhawaan dalkooda tagey lasoo galeen. "Weftigani waxay daba socdaan Weftigii aanu dhawaan ku tagnay dalka Shiinaha, waxaanay ka socdaan qolo Jayne ah oo la yidhaahdo Jayne Over-seas group, waxaanay u yimaadeen oo ay jecelyihiin in ay Somaliland horumarinteeda ka qayb-qaataan, dhinacyo badana way ka socdaan, dhinaca dhaqaalaha way ka socdaan, dhinaca Macdanta iyo Shidaalka way ka socdaan, xagaana waxaanu ku soo yeelanay wadahadal balaadhan." Sidaa Waxa yidhi Wassirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Cali Warancade.

“Markaa si hawlihii loo dhamaystiro ayay doonayaan, waxay arki doonaan dawladda oo Madaxweynuhu u horeeyo, dabadeedna waxa la yeelan doonaa wadahadal sidii hawlahaa loo fulin lahaa, hadday tahay dhinaca Sibidhka, hadday noqoto dhinaca Shidaalka, hadday noqoto Suuq wayn oo ay ka sameeyaan Somaliland, ka dibna ay Africa u gudbin doonaan, markaa waxay la socdaan arrimo qiima leh, muddada Safarkooduna waxa uu qaadan doontaa oo ay dalka joogayaan illaa 10 cisho.” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Waxana Waftigan kasocda Dowlada Shiinaha u hadleymasuul layidhaa Mr. Leaped oo isagu sheegay in dadka Shiinuhu ay mar walba ka goan tahay in ay guuleystaan talaabo kasta oo ay qaadaan waxanu socdaalkooda ku xidhiidhiyey iney usocdaan heshiis ka dhashay safar ay dhawaan dalkooda ku yimaadeen masuuliyiin reer Somaliland ah oo uu kujiro Wasiirkani.

Isagoo si kooban uga hadleyna wuxu yidhi "Waxaan ku faraxsanahay in ay gaadhay xiligii la fulin lahaa balantii naga dhaxaysay anagga iyo Somaliland, isla markaana waxaan ku faraxsanahay annaga oo taa u socona in maanta Somaliland nalagu soo dhaweeyo.”

“Waxaan kuu sheegayaa in aan Jaynays ahay, waxaan kuu sheegi karaa in dadka Yurubiyaanka ah ama Maraykanka ahi tagaan dalal kale, laakiin Jaynaysku haddaad meel ku aragtid waxay kaga duwan yihiin in ay doonayaan inay sameeyaan dhaqaale kobcin, iyada oo ay ka goan tahay in ay kaga dhabeeyaan go’aankooda oo aanay marnaba ka been sheegin."


Source: Gabiley News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp