Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Kulan Xasaasi Oo Galabta Magaalada Baydhabo Ku Yeeshay Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka
December 26, 2008


Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa kulan xasaasi oo ay irduhu u laabnaayeen kaasoo galabta Magaalada Baydhabo ku dhex maray Madaxweyne Yuusuf iyo Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha uu u yeeray Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe, iyadoo kulanka uu ahaa mid soconayay ku dhowaad hal saac.

Inkastoo aanu jirin ilaa iyo hada cid ka warbixisay kulanka isla markaana saxaafada aheyd mid laga dhowray inay wax ka ogaato ayaa sida ilo wareedyo ay ku waramayaan uu Kulanka ahaa mid Labada Mas'uul ay kaga wada arrinsanayeen xaaladaha hada taagan.

Warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu ku wargeliyay Afhayeenka Baarlamaanka inuu isugu yeeray Xildhibaanada kulan si uu uga qeyb galo kulanka berri ee la hadal hayo in Madaxweynuhu ka jeedinayo is casilaada, inkastoo aanay laga hor dhici karin.

Madaxweynuhu ayaa sidoo kale la sheegay inuusan ku soo qaadin Afhayeenka Baarlamaanka arrinta is casilaada ee Madaxweynaha lagu cadaadinayo inuu shaqada ka fariisto.

Sarkaal ka tirsa Aqalka Madaxtooyada ayaa u sheegay Wariyaha Jowhar.com in Madaxweynuhu goostay inuu is casilo, isla markaana go'aankiisa aanu aheyd mid lagama laabtaan ah.

Dadka odorasa Siyaasada Soomaaliya ayaa dhegta u taagaya warka ugu dambeeya ee ka soo yeeraya Madaxweyne Yuusuf marka uu bilowdo kulanka Baarlamaanka oo la sheegayo in Madaxweynaha ka hor sheegi doono is casilaadiisa, waxaase la ogeyn sida wax isu badali karaan, mar hadii Madaxweynuhu cadaadis xoogan saaran yahay, isla markaana Wadamada reer galbeedka ay ka dhowrayaan inuu is casilo


Source: Jowhar




 



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp