Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Ninkii La Wato Ayuun Baa Soomaliya Xukumi Doonaa!!
December 24, 2008


Sida aad la wada socotaan waxaa muran siyaasadeed oo xoogani ka dhex aloosan yahay kooxda Imbagatti,hadaba waxaan bilihii ugu dambeeyey si toos ah indhaha ugu hayey xaalaada cakiran ee ka dhex taaagan kooxda Imbagatti.

Akhriste waxaa aad iyo aad u muhiim ah in aad fahanto “ in dhowrkii sanadoodba arko magacyo cusub oo ah shaqsiyaad ku soo biira Siyaasada ka socota Soomaliya,waxaa ka mid oo aad hore u soo maqasheen magacyada ay ka mid yihiin “Cali Mahdi –Caydiid-Caato-Cabdi Qaybdiid- Suudi Yalaxow-Qanyare-Finish- Bootaan-Xaaraan ku naax-Cabdi Qaasim- Caabsade-Shaati guduud- Bare Hiiraale-Aadan Madoobe-Xuseen Caydiid- Indho cade-Maxamed dheere- Daair Aweys- Roobow- Shariifka- sheekh shariif- Cabdillahi Yusuf-Nuur Cade iyo qaar kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Haddaba bal waxaan isku deyayaa in aan sawir buuxa idinka siiyo xaalada dhabta ah ee hadda ka taagaan Soomaliya, anigoo u kala qaybinayo laba qaybood oo kala ah Puntland iyo kooxda Imbagatti.

Qaybta 1aad:-

Puntland waxaa ka socda waxa ay ugu yeedheen Doorashooyin madaxbanaan,waa wax fiican haddii ay raacaan shuruucda doorashooyinku leeyihiin,balse waxaa ku soo fool leh dhibaatooyin ay ka mid yihiin:-

Doorashada oo laga yaabo in aanay cadaalad u dhicin,ee laysku muquuniyo hab QABAAIL.
Amaan daro baahsan oo ka jirta Bad iyo beriba,keenina karta isku dhacyo dagaal iyo muran xaga siyaasada ah.
Musharaxiinta oo tiradoodu aad u badan tahay,laga yaabo in ay keento isku dhacyo ka yimaada Musharaaxiinta dhexdooda.
Dhinaca kooxda Imbagatt oo laga yaabo in ay saameyn ku yeelato,waa haddii uu Cabdullahi Yusuf u soo cararo dhinaca iyo Garoowe.
Kooxda Shadaadiinta oo koox ku leh Puntland ,lagana yaabo in ay ku dhex jiraan raga hadda u tartamaya madaxtinamada Puntland.
Isku soo wada duub oo dhaqaale xumo-Budhcad Badeed-Qabyaalad iyo Xukun Jacayl intuba waa waxyaabaha halista ku ah maanta kooxda Puntland.

Qaybta 2aad:

Waa kooxda Imbagatti oo runtii xilligan ay haystaan dhibaatooyin dhinacyo badan lihi,balse waxaa ugu muhiimsan:-

Waxaa fashilmay oo meesha ka sii baxaya Cabdullahi Yusuf oo ahaa ninkii kooxda hogaamiyaha u ahaa,runtiina ahaa ninkii loo sameeyey amase sameystay kooxda Imbagatti.
Waxaa la godoomiyey siyaasada Cabdullahi Yusuf oo ahaa ninkii wadamada IGAD iyo qaar kaleba TUURTA ku sidan jireen ,oo xilligan dhulka la dhigay si uu bal u talaabsado,waa dhici kartaa in uu qas sameeyo in kastoo uu xilligan u muuqdo mid tamar gab ah.
Cabdullahi xalka keliya ee uu haystaa waa in uu Garoowe aado uu sidii uu hore Cabdi Qaasim ugu sameeyey halkaa qaska ka bilaabaa,amase uu Cade muse ka riixdo kursiga.

Waxaa sii xoogaysanaya kooxda loo yaqaan SHADAADIINTA,kuwaas oo meelo cusub ku sii fidaya amase qabsanaya “khatartooda ayey leeyihiin”

Waxaa kala jabay Imbagatti iyo Asmara ,waxaa dhici karta in ay ka soo dhex baxaan kooxo kale oo hor leh,sidaynu horeba u soo arki jirnay.

Waxaynu baranay amase aynu baran doonaa magacyo cusub oo ay ka mid yihiin Nuur cade- Axmed Cabdi Salaan iyo qaar kale oo magacyadooda uu ka horeeyo erayga “ShEEKH” iyo “ABUU” sida Sheekh Shariif iyo Abuu Mansuur IWM.

Waxaa laga yaabaa in aynu aragmo Madaxweynayaal badan- Raisal Wasaarayaal badan- Wasiiro badan- Baarlamaan badan oo kala duwan- Dastuuro badan oo kala duwan sida haddaba ifafaalaheedu soo muuqdo.

Howsha Muqdisho iyo hareeraheeda ka socotaana ,waxay ku xidhan tahay sida mar kasta uu ka yeelo Qabiilka HAWIYE ee halkaas degan,haddii ay TOOSAAN-NA howshu waa toosaysaa ,haddii ay sidii u hurdaan-na dhibtu waa sii xoogaysanaysaa.

Isku soo wada duub oo waxaa laga yaabaa in ay sii socdaan DILKA- BARA KACA – XUKUN KALA JIIDASHADA- BEELO ISU QABQABSIGA iyo dhamaan dhibaatooyinka faraha badan ee maanta ka taagan Soomaliya,haddii aan RABI iyo RAG u bixin.

Akhriste waxaan hadalka idiinku soo koobay dhibaatada cid baa wada,Kooxda Imbagaatti cid baa smaysatay- Shadaadiinta afka duubta cid baa sameysatay-Itoobiya cid baa soo diratay-sheekh Shariif cid baa Muqdisho keensatay dhamaan howlaha cid uun baa wadata cidaasi cidii ay doonayso ayuunbaana guusho raacaysaa,wixii kalena waa HABAR BAA ISKA HOW HOWLEH EE HEELADA INOO TUMA.

“yaa cusub oo aanu magaciisa baranaa sanadka cusub ee 2009”
“ Cabdullahi Cade Muuse ku qabso Puntland”

MAHADSANIDIN

Abdi M.saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com





Somalilandhorta iyadoo ixtiraamaysa fikirka madaxa banaan ee akhristayaasheeda, ayey qoraalkan baahineysaa, laakiin daruuri maaha in ay lawadaagto afgaarta ku soo aroortay qoraalkiisan.










 




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp