Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Afhayeenka Madaxweynaha Xuubsireed Oo Ka Sheegay Al-Jazeera Inuu Is Casilayo C/llaahi Yusuf
December 24, 2008


Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Xuubsireed ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu is casilayo.

Xuubsireed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al-jazeera ayaa sheegay in fadhiga ugu horeeya uu yeelanayo Baarlamaanka uu hortagayo Madaxweynaha, isla markaana uu kaga dhawaaqayo is casilaadiisa sida uu hadalka u dhigay.

Mr Xuubsireed ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Yuusuf uu maalinta sabtida ah uu is casilayo, isla markaana istiqaaladiisa uu gudbinayo Baarlamaanka, kadib markii buu yiri cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa goor dhow isna Magaalada Baydhabo ka sheegay inuu is casilayo maalinta sabtida, isagoo kulan albaabada u laaban Magaalada Baydhabo kula qaatay Xildhibaanada isaga taageersan.

Ra'iisul Wasaaraha uu magacaabay 16-kii bishan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa isna sheegay inuu isu casilay cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka iyo isagoo la tashtay saaxibadiisa, isla markaana u tanaasulo masiirka qaranka Soomaaliyed.

Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Yuusuf u arkay inuu caqabad ku yahay dadaalada Nabada Soomaaliya, iyagoona cadaadis ku saaray inuu is casilo, iyadoona hadal ay soo saartay Kooxda Xasaradaha Caalamka ay u sheegtay Midowga Yurub iyo Mareykanka inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Yuusuf inuu is casilo.


Source: Jowhar


 

 








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp