Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Waraysi Lala Yeeshay Madaxweyne Rayaale Xiligii Uu Joogay Jabuuti
December 23, 2008


Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa caddeeyay inaanu dib u dhac ku iman doonin doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la qoondeeyay inay qabsoonto dabayaaqadda Bisha March ee sannadka 2009.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ka xog waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Senator Russ Feingold oo ka tirsan Aqalka Koongereeska Maraykanka oo uu kula kulmay magaalada Djibouti, waxaanu sheegay inuu labadaas masuul kala hadlay arrimo ku saabsan Somaliland. Madaxweyne Rayaale, waxa uu arrimahan iyo kuwo kaleba kaga hadlay waraysi uu intii aanu Djibouti ka ambabixin uu halkaas kula yeeshay Telefiishanka Universal, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

S: Faahfaahin naga sii kulamadii aad Jabuuti kula yeelatay Madaxwaynaha iyo Senator-ka Maraykanka?

J: Marka koowaad Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay jaarna aanu nahay, mandaqada waxa ka dhacayna way na wada khuseeyaan, arrimaha inta badan aanu ka wada hadlaynay sidii aanu isaga kaashan lahayn waxyaabaha mandaqada ka dhacaya, xaga nabadgelyada weliba iyo wax wada qabsiga ayay u badnayd. Senatorka aan la kulmay isaga laftiisa waxaanu ka wada hadlaynay arrimaha Somaliland baanu gaar ahaan ka wada hadlaynay, bal maxay nagala qaban karaan hawlo badan oo meeshayada ka socda, waxyaabihii nagu dhacay tudaale ahaan 29-kii October oo runtii la mid ahaa kuwii ku dhacay Maraykan sidee baa nalooga caawin karaa iyo guud ahaan mandaqada waxa ka socda intaba, tallooyin iyo su’aalo ayaanu iska dhaafsanay, waxaanan filayaa haddii ay Madaxwaynaha tahay iyo haddii ay Senator-ka tahay intaba in aragtiyihii aanu ka wada hadalnay aanu isku fahanay.

S: Dhinaca nabad-gelyada ka sokow weeraradii dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa, waxyaabaha aad isla soo qaadeen ma ka mid tahay dhibaatada budhcad badeeda?

J: Waa ka mid, budhcad badeeda marka la eego cid la dagaalanta anaga uun baa jirta Soomaali marka la sheego, qaar aanu imika Berbera ku qabanay oo Maxkamad la saarayo oo weliba reer Boosaaso ah ayaa jira, waxay ka yimaadeen Boosaaso, markaa meelahaa in ay ugu gabadaan, malaa xagii shishe Maraakiibtii baa ka dhammaatay, waanu qabanay, Maxkamad baanuna saari doonaa, waana la hayaa hadda oo Xabsiga ayay ku jiraan, markaa Budhcad badeedaana waa waxyaabaha aanu ka wada hadalnay, Safiirka Faransiiska oo aanu is aragnay waanu ka wada hadalnay. Markaa guud ahaan waxaan danaynaaya in adduunka nabad lagaga noolaado, Somaliland haddii aanu nahay waxaanu diyaar u nahay in aanu gacan-saar la yeelano, waxna aanu la qabsano.

S: Arrintaa budhcad badeedu idinka Somaliland ahaan, saamayn intee leeg ayay idinku yeelatay?

J: Saamaynta Caalamka ay ku yeelatay ayay nagu yeelatay. Waayo, Maraakiibtii waxa ku kordhaaya caymiskii iyo waxyaabihii laga qaadayay, waxyaabo badan ayaa ku kordhaaya, cabsida haysa in ay deked kastaba tagaan ayaanu la wadaagnaa. Ta labaad waanu uga dhawnahay meelaha ay khatartu ka dhacayso marka aad u eegto dadyawga kale, oo waxaanu nahay anagu cidda la jaarka ah ee u sii dhaw, markaa saamayn ka dhaw caalamka kale ayay nagu leedahay anaga.

S: Shirkii jaraa’id ee uu qabtay Senator-ku, kadib markii uu aad kulanteen ee uu lana kulmay wufuuda kale ee Soomaalida ah, waxa uu sheegay in Somaliland arrimaha ka socda ay waxtar u yeelan karaan mandaqada, laakiin ta aqoonsiga marka ay timaado ay siyaasadda Maraykanku tahay in Afrikaanku hormood ay ka noqdaan, doorka aad ka qaadan karaysaan arrimaha mandaqada maxaad iska tidhaahdeen?

J: Run ahaantii had iyo jeer qolyahan ajanabigu waxay yidhaahdaan arrintaa Afrika ayaanu ku ixtiraamaynaa hanaga horayso, laakiin anna tayda ayaan u sheegaa markaa, waxaan idhaahdaa Afrika badanaa go’aanadiina ayay raacaan. Waayo, waxa ka socda Afrika ee ay ku shaqayso waa wax ka soo baxa golaha amaanka, ee wax ka soo baxa Midawga Afrika laguma shaqeeyo, markaa doodaas aniguna tayda waan ka jeediyay. Midda labaad Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay midna dhisme ahaan wax ma aqoonsadaan ee wadamo ka mid ah ayaa wax aqoonsada, wadan ilaa wadan (Country to Country), markaa Maraykanku in uu ugu horeeyo wax dhibaato ka dhigaaya in uu na aqoonsado ma jiro, codsigayagana waanu iska wadaynaa kolay cid uun baa ka jawaabi doonta, ama Maraykan ha ka jawaabo ama Afrikaan ha ka jawaabo, laakiin codsigayaga waanu wadaynaa anagu.

S: Waxa kale oo isaguna ku sugan magaalada Jabuuti wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Axmed Walad Cabdalla, berri dhawaydna waxaa jiray is-fahan darro soo kala dhex gashay Somaliland iyo isaga, ma kulanteen Wakiilka?

J: Horta aniga mar buu Hargaysa iigu yimid markii uu shaqada qabtay, illaa hadda ismaanu arag. Waxaan u malaynayaa hawl taayada ka badan, anaga taayadu waabay iska nidaamsantahaye inuu ku jiro, runtiina in aan dhibo ma rabee bal hawshiisaa dee dhinacaa laftigeeda in wax laga qabto oo ay nabad noqoto anagu Somaliland, kala tagnee kama soo hor-jeedno. Waayo, waxaanu rabnaa iyaga oo nabad ah in aanu walaalahayo wada noolaano, haddii aanu meel ku wada noolaan waynay in aanu jaarnimo ku wada noolaano anigu waan aaminsanahay oo aanu is-ag-degenaano, nabad labadayaduba ahaano. Waxaan filayaa anagu ismaanu arag, aniguna marka hore balan isaga halkan kumaanu lahayn, qolyaha kale oo dhan in aan la kulmo balan baanu lahayn run ahaantii, isaga ballan noo taagnaa markaa ma jirin, laakiin wax balaayo waynoo na dhex yaala anigu ma arko, hawlaha Soomaalida haddii uu wax ka qabanayana waan taageerayaa, hawlaha Soomaalida meelahaa dhibtu ka jirto haddii uu wax la qabanayo kama soo hor jeedo, dhibaato gaar ah oo uu anaga Somaliland nagu hayo oo ii muuqatana anigu ma arkaayo runtii.

S: Madaxwayne, sida aad adiguba tilmaantay, waxay dad badani ka hadlaan in arrimaha mandaqadu ay isa saameeyaan oo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya dhinaceeda koonfurtu ay saamayn idinku yeelan karaan, markaa ma kuu muuqataa wax kaalin ah ama door ah oo Somaliland ay ka qaadan karayso arrimahaa?

J: Somaliland haddii aqoonsiga xaqa ay u leedahay la siin lahaa, ileen shalayba dal baan ahaaye, xorriyadda aniga ayaa ugu hor qaatay Soomaali, haddii xaqaan u leeyahay in aan dal noqdo la I siiyo, waxaan aaminsanahay in aan qayb wanaagsan ka ciyaari lahaa nabadaynta qaybta kale ee Soomaaliya, taasina waa mid u rahman beesha caalamka, ama Afrika ha noqoto ama reer Yurub ha noqoto ama Maraykan ha noqotee in ay ka jawaabaan.

S: Arrimaha gudaha ee Somaliland marka aynu u nimaadno, baadhitaankii socday ee lagu hayay qaraxyadii dhacay bishii October dabayaaqadeedii halkee bay idiin marayaan?

J: Horta raadad fiican baa muuqda, laakiin waxa sidaas loo qariyay ee suura-gal ka dhigay ilaa Madaxtooyada in lagu qarxo, ma hawl yara in markiiba la yidhaahdo waanu wada ogaanay, laakiin baadhistu way socotaa, raadadkeediina qaar baanu haynaa, qaar baadhis weli ku jiraana way jiraan, waxaanuna rajaynaynaa inay soo baxdo. Somaliland hore ayay falalka argagixisadu uga dhaceen, waxaa suura-gal noo noqotay in aanu raadinay oo aanu helnay dadkiina Maxkamadna aanu saarnay. Waxaan ku rajo-waynahay kuwanna in aanu heli doono Maxkamadna aanu hor geyn doono.

S: Dabcan baadhitaanku iminka muddo ayuu soo socday, waxyaabo tibaaxo ah oo aad noo sheegi karaysaa ma jiraan?

J: Baadhitaanku ilaa uu dhammaado tibaaxo lama sheego. Waayo, raadadka baadhista in ay wax u dhinto ayaa laga yaabaa, markaa ilaa aanu ka gun-gaadhno imika odhanmayno halkanay ahayd iyo halkanay ahayd, ha dhammaato baadhistu.

S: Qolyaha mucaaridka ee Somaliland waxay tilmaamaan in tallaabooyinka amaanka ee la qaaday, hadday noqoto ciidamo badan oo magaalada Hargaysa iyo magaalooyinka kaleba la soo dhigay, hadday noqoto wax ay iyagu ku tilmaamaan bandow aan rasmi ahayn oo magaalooyinkii la saaray, tallaabooyinkaa dhinaca amaanka adiga Madaxwayne ahaan ma kula tahay in ay yihiin qaar ku haboon?

J: Horta masuuliyadda dalka anaa haya, nabadda Ummadayda in aan badbaadiyo khatar haddii aan arko, oo go’aamada nabad-galyada haddii markii hore habac ku jiray in aan kor u qaado waa masuuliyad aniga I saaran ee maaha masuuliyad saaran, ninka mucaaridka ahina had iyo jeer waxa ay u badan tahay wax aan dhaliilba ahayn oo xil-gudasho ah in uu dhaliil ka dhigo, markaa waxa ay ku hadlayaan xor bay horta u yihiin oo kuma haysto, laakiin anigu xilkayga ayaan gudanayaa iyo waajibaadkayga. Waxaanan anigu qabanayaa nabad galyadayada maanta, nabad badan baanu ku seexanay, waa ta keentay ilaa Madaxtooyada in la weeraro, anigu waxaan qabaa in ay toosin noo ahayd tani wax kasta oo nagaga dhintayba, markaa iminka in aanu aad u baraarugsanaano, feejignaano, wax kasta aanu u fiirsano oo aan shacabkayaga nabadiisa ilaaliyo waa masuuliyadda la ii doortay, in aan ka shaqeeyaana waajib bay igu tahay, waanan ku dedaalaynaa igamana leexinayso nin mucaarad ah baa meel ka hadlay, xilka gudashadiisa waan wadayaa, waayo masuuliyad baa isaaran. Laakiin Mucaaridku may sheegin baan u malaynayaa dhib iyaga loo gaystay, laakiin wadankaa la ilaalinayo haddii ay ka didaan, waa nasiib darro ayaan odhan karaa.

S: Qaraxyadaasi waxa kale oo ay Madaxwayne saamayn ku yeesheen hawshii diwaangelinta doorashooyinka ee socotay, shaqaalihii ajinabiga ahaa ee Hay’addaha oo dhan baa baxay, weli ma soo laabteen?

J: Horta may wada bixin, maalmahaa hore markii ay dhacday way baxeen, anagu waanu iska wadi lahayn qaraxu haddii uu iska dhaco, meel kasta ayuu caalamka ka dhacay, wadamadii ugu waawaynaa caalamka ayuu ka dhacay shaqo u joogsatay may jirin, haddana dib ayaanu u galnay oo gobolkii shanaad ayaa laga bilaabi doonaa, way dhamaan doontaa lixdii gobolba in diwaangelintu si habsami ah uga dhacdo. Dhacdadaa kadibna laba gobol ayay ka dhacday oo nabad ayay kaga dhacday, wax dhibaato ah oo ka dhacayna ma jiraan, waanuna u sheegnay in ay soo noqdaan oo sabab ay u baxsadaan ma jirto, waayo halka ay u baxsanayaana way ka dhacday, dhacdadanina mid cidnaba ay joojin kari doonto, ILLAAHAY (SW) ha inaga joojiyee, waa wax maanta adduunka ku cusub, fikir khaldan oo cusub oo caalamka ku soo kordhay, una baahan in wax alla wixii wanaaga rabaa iyo nabadda ay iska kaashadaan.

S: Marka ay timaado ta’ doorashooyinku, muddo dhawr bilood ah ayaa ka dhiman, ma kula tahay in ay arrintaasi hantaaqo wayn ku noqon karayso sidii doorashooyinku u dhici lahaayeen, marka laga hadlayo khabiiradii loo baahnaa ee ajinabiga ahaa, marka laga hadlayo dadkii goobjoogayaasha ahaa ee iman lahaa, maxay u dhimi karaysaa, ma laga yaabaa doorashada in dib loo dhigo?

J: Waxba u dhimi mayso waanu qabanaynaa, ama ha naloo yimaado ama yaan naloo iman, shaqadayadii way soconaysaa isma taagayso.

S: Wakhtigii markaa loogu talo galay inay dhacdo ma ku dhacaysaa?

J: Wakhtigeedii bay dhacaysaa.






 




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp