Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Shir Lagaga Arrinsanayo Kor-u-qaadka Aqoonta Macaliinta Dugsiyada Hoose/Dhexe oo Hargeysa ka Furmay
December 21, 2008


Kulan ballaadhan oo lagu lafo-gurayo barmaamujka kor-u-qaadida aqoonta macalimiinta dugsiyada hoose/dhexe ee dalka ee loo yaqaan (Scott Program), ayaa shalay ka furmay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo socon doona muddo laba casho ah, isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adda SCF/UK, waxa ka qaybgalay dad isugu jiray masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, xubno matalayey hay’adaha gacanta ka geysata mashruucan sida NRC, SCF/Denmark, Care, UNICEF iyo kuwo kale, Guddoomiyayaasha afarta Jaamacadood ee Hargeysa, Camuud, Burco iyo Golis, xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Isudayaasha Laamaha Wasaaradda Waxbarashada, tababarayaasha macaliinta mashruuca kor-u-qaadka aqoonta macalimiinta, maamulayaasha macaliinta iyo xubno kale.

Ujeedada kulankan ayaa ah mid lagaga wada hadlayo faa’iidooyinka tababarkan macalimiinta oo uu dhammaaday wejigiisii hore laga gaadhay iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadihii kala duwanaa ee wejigaa hore ka horyimi, si looga digtoonaado wejiga labaad ee mashruuca oo hadda socda.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md. Maxamuud Garaad oo furitaankii kulankaas sharraxaad ka bixinayey ujeedooyinkiisa iyo sida dhinacyada arrintani khusayso uga wada shaqayn karayaan, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Kulankeenan waxaynu kaga hadlaynaa faa’iidooyinka ilaa hadda aynu ka gaadhnay in la qiimeeyo barmaamujkan oo aynu hadda ku jirno wejigiisii labaad, kaas oo ujeedadiisu tahay maadaama tababarka macalimiintu soo socmay wejigiisii hore sidii godoloolooyinkiisii loo awdi lahaa. Anigu waxaan qabaa wey inoo qaysan tahay shaqadu, waa saddex geesood shaqadu oo meeli waa jaamacadaha oo tababarkii fulinaya, qaybta labaadna waa Wasaaradda Waxbarashada oo keenistii macalimiinta iyo dabagalkooda ku shaqo leh iyo qaybta saddexaadna waa kooxda isugu jirta Midowga Yurub oo lacagta bixiya iyo labada hay’adood ee iska kaashada fulintiisa. Markaa anigu waxaan qaybaa Midowga Yurub iyo hay’adaha wixii iyaga ku beegan way fulinayaan, labadeena qolo ee soo hadhay waxa loo baahan yahay in si adag u shaqeeyaan oo jaamacaduhu ay ka warhayaan macalinku imisa maado ayuu qaatay misaa ka baaqay iyo inta xiisadood ee uu gooyey, annaga Wasaarad ahaan waxa nalaga rabaa macalinka waxaas oo hawl ahi ku baxday ee la yidhi waxbaro ee diiday ardaydana anfaci maayo, annaguna waa in aannu tallaabo adag ka qaadno.”

Wasiiru-dawluhu waxa uu sheegay in waxyaabaha dhibaatada ku ah mashruucan ay ka mid tahay dadka oo inta badan lacag hadal haya, balse waxa uu soo jeediyey in aan lacag uu la doonin ee barmaamujkan oo ah mid qaali ah laga faa’iidaysto.

“Waxaan ku talinaynaa barmaamijkan lacag badan baa ku baxdee aynu si adag uga hawlgalno, wasaarad ahaan wixii aannu dhaliilo ku leenahay yaan naloo qarin waxaanu ka soo bixi weyno, waa in jaamacadaha iyo guddiga barmaamujkani na dhaliilaan si aanu isku saxno,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Garaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mr. Cali Cabdi Odawaa oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan aad u soo dhaweynayaan sidii mashruucani u noqon lahaa mid midho dhala.

“Kulankeenan waxaynu dib ugu eegi doonaa guulaheenii aynu ka gaadhnay mashruucan iyo in aynu falanqayno wejiyada dambe ee mashruuca, si aynu guul uga gaadhno mustaqbalka. Wasaarad ahaan aad baanu u soo dhaweynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha kulan, waxaanuna kula dardaarmaynaa inay si firfircoon uga qaybqaataan muddada ay halkan joogaan, isla markaana si wanaagsan uga faa’iidaystaan, si aynu wax badan uga gaadhno barmaamujkan,” ayuu yidhi Cali Cabdi Odawaa.

Agaasimuhu waxa uu xusay inay wasaarad ahaan sii wadi doonaan kulamada lagaga arrinsanayo kor-u-qaadida barmaamujkan iyo sidii uu u noqon lahaa mid loo aayo, isla markaana wasaaradda ay ka go’an tahay in hagto kulamadaas.


Source: Jamhuuriya







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp