Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Shil Diyaaradeed Oo Xalay Ka Dhacay Madaarka Hargeysa
December 20, 2008


Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo sidday Rakaab Xujaaj ah oo ka yimid dalka Sucuudiga ayaa xalay shil ku gashay Madaarka Hargeysa, kadib markii Ceeryaani ka qarisay gegidii diyaaraduhu ka soo cago-dhiganayeen, taas oo keentay taayir ka mid taayirada diyaaradu uu u qarxo.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Ruush isla markaana ahayd nooca Soomaalidu u taqaano Shabeelayda, oo u kiraysnayd Shirkadda Daallo ayaa Madaarka Hargeysa soo cago-dhigatay abaaro 11:00 habeen xalay iyadoo ay saarnaayeen ilaa soddomeeyo Xujaaj ah, kuwaas oo aanu wax khasaaro ahi ka soo gaadhin shilkaas.

Shilkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii Ceeryaan dhacaysay xilligaas awgeed uu duuliyaha diyaaradaasi arki kari waayay dhabadii diyaaradu ka soo fadhiisanaysay oo meel badhtanka oo aan ahayn halkii loogu talo-galay inay diyaaraduhu ka soo cago-dhigtay diyaaradiisa ka soo fadhiisiyo, taas oo sababtay in taayir ka qarxo isla markaana uu halis geliyo xujaajtii rakaabka ahayd.

Dhinaca kale waxaa habsaan ku yimid duulimaadkii Khamiis walba iman jiray Madaarka Hargeysa ee Daallo Airlines, kaas oo ka iman jiray magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxaanay dadkii sugayay eheladooda la duulimaadkaas la socdaa ay ilaa xalay kowdii ku sugnaayeen madaarka Hargeysa, iyadoo dadka musaafiriinta ah ee duulimaadka la socdaa ay guryahoodii magaalada London ka soo amba-baxeen 12-kii duhurnimo ee maalintii dorraad Arbacadii kuna xareysnaayeen madaarka Heathrow oo ku yaal duleed magaalada London, waxaanay ahayd inay subaxnimadii shalay yimaadaan magaalada Hargeysa, hase yeeshee waxay dadkaasi shalay uun ka soo duuleen magaalada London, iyagoo markii dambena lagu xayiray Madaarka Djibouti oo ay soo gaadheen abaaro 10:00 habeenimo ee xalay, waxaana la filayaa inay maanta subaxnimada ka soo duulaan halkaas oo ay Madaarka Hargeysa soo gaadhaan.

Tan iyo intii ka dambeysay qaraxyadii 29-kii October waxaa istaagay duulimaadyadii shirkadda Ethiopian Airline oo ay ahayd shirkadda labaad ee si rasmi ah Somaliland uga shaqaynaysa isla markaana ay musaafuriinta dalalka Yurub iyo Ameerika ka imanayaa u soo raaci jireen Somaliland. Inkasta markaa horeba ay labadaa shirkadood oo ku keliyeystay duulimaadyada dadka rakaabka ah ee wadamada dibadda ka imanaya iyo tartan la’aan ka jirta dhinaca duulimaadyada awgeed aanay wax ixtiraam iyo qadarin ah siinin rakaabka iyo macaamiishooda, haddana waxaa imika duulimaadyadii keli ku noqotay shirkadda Daallo, taasina waxay keentay in dadkii musaafiriinta ahaa ay muddo dheer ku xayirnaadaan garoomada Djibouti iyo kuwa London ee qabowga badan.


Source: Haatuf

 







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp