Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Madxawyenaha JSL Oo Maanta La Kulmaya Wefti Maraykan Ah Oo Uu Hogaaminayo Senator Russ Feingold
December 20, 2008


Waxa shalay si kedis ah oo aan hore loo shaacin dalka uga baqoolay dhinaca Djibouti wefti sare oo uu hogaaminayo Madaxweynaha JSL, Mud. Daahir Rayaale Kaahin. War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu booqanayo Djibouti iyo Itoobiya. Waxa imika soo ifbaxaya sababta uu madaxweynuhu u tagay dalka Djibouti.

Ugu horaynse waxa weftiga Djibouti loogu soo dhoweeyey si ka duwan sidii hore iyada oo Raisal Wasaaraha Djibouti, Mudane Moxamed Delita Moxamed iyo wasiiro badan oo muhiim oo uu ka mid yahay Wasirrka Khaarijiga, Moxamed Cali Yusuf iyo Wasiirka Isgaadhsiinta, Boosta, Mudane Cali Cabdi Farax oo ila markaa ah afhayeenka Xukuumadda Djibouti ay ku soo dhoweyn degadda diyaaradaha ee caasimada Djibouti. Waxa iyana xusud mudan in telefeshinka Djibouti si miisaanka madaxnimo xushmadeeda leh looga shaaciyey booqashada Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Wararka imika soo baxayaa ayaa sheegaya in Madxweynahu maanta kula kulmayo safaaradda Maraykanka wefti uu hogaaminayo Senator Russ Feingold oo ka mid ah Guddida Senate Foreign Relations and Intelligence Committees.ahna Guddoomoyaha Guddida Afrika khaaska u ah. Waxa laga soo doortaa gobolka Wisconsin.

Waxa isna si degdeg ah Djibouti u yimid Raisalwasaaraha DKM ee Somalia Nur Cadde iyo Guddoomiyaha mid ka mid ah garabada maxaakiimta Islaamiga ee Somalia, Sheikh Sharif Axmed. Waxana la filayaa inay labaduba la kulmaan Senator Feingold.

Meelna laguma sheegin ilaa imika in Col. Cabdillahi Yusuf iyo cid matashaa lagu casuumay Djibouti inay la kulmaan weftiga sare ee Maraykanka.

Waxa xukuumadda Maraykanku imika olole ba’an ugu jirtaa sidii siyaasad cusub loo dejin lahaa arrimaha GEESKA AFRIKA. Intii aanu Senatorku ka ambabixin Maraykanka 17kii bishan waxa xafiiskiisu si kooban u sheegay inuu mari doono saddex dal, Jermalka (Germany) oo sii eegay askarta Maraykanka ee halkaa lagu dawaynayo ee ku dhaawacmay Iraq iyo Afqanistan, Djibouti iyo Tanzania. Wuxuu qoraalkaa koobani sheegay inuu indho indhayn doono arrimaha nabadgelayada khaas ahaan budhcad badeeda iyo argagxisada.

In kasta oo Madaxweynaha JSL iyo madaxda Somalia ay Djibouti mar wada tagayaan, dhawr masuul oo ay waraysatay Waaheen waxay sheegeen inaanay ku jirin qorshaha in la kulan siiyo weftiga Somaliland iyo kuwa Somalia.


Source: Waaheen


 

 








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp