Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Qarsoodi Ah Ugu Kicitimay Dalalka Jabuuti Iyo Ethiopia
December 19, 2008


Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gelinkii hore safar qarsoodi ah oo aan la sii shaacin ugu ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalka Itoobiya, iyada oo aan sidoo kalena la sii sheegin muddada uu safarkiisu qaadan doono.

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisan aan la sii shaacin ku weheli Wasiiradiisa Arrimaha Dibada, Maaliyada, La taliyaha dhinaca Ciidamada iyo Xoghayihiisa gaarka ah.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, si aanu hore ugu ambabixi jirin doorkan uga ambabaxay Magaaladda Hargeysa, isla markaana xili hore oo subaxnimadii Jimcaha ah ayaa lagu war helay dhawaaqa gaadiidka galbiya ee Booliska, iyada oo aanay jirin dhinaca warbaahinta cid la sii ogaysiiyay socdaalka Madaxweynaha iyo Weftigiisa. Dhinaca kale, Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Ciidamada Booliska ah la dhoobay inta u dhaxaysa Qasriga Madaxtooyada illaa Madaarka Hargeysa.

Waxa Madaxweynaha Rayaale sii sagootiyay illaa Madaarka Hargeysa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf yaasiin, xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada.

Ma jirin wax war ah oo uu Madaxweynuhu Warfidiyeenadii sida ka deska ah ugula kulmay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa uu siiyay. Hase ahaatee, Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, ayaa Warsaxaafadeed uu socdaalka Madaxweynaha iyo Weftigiisa ka soo saaray, ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-

"Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta booqasho gaaban ugu amba baxay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Dalka Itoobiya.

Marka hore socdaalkayga aan ku tagayo labadaasi wadan ee Itoobiya iyo Jabuuti waxa ujeedadiisu tahay wada tashi iyo tallo wadaag aanu is waydaarsanayno dalalkaasi aanu jaarka nahay, anaga oo ka wada hadli doona xaaladaha ka jira Mandqada mid guud iyo mid gaaraba, waxaana aan isla amba qaadi doonaa sidii aanu u sii xoojin lahayn iskaashiga iyo wax wada qabsiga na dhexeeya labadaasi wadan ee aanu dariska nahay.
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu sheegay inta uu booqashada ku marayo dalalkaasi in uu la kulmi doono dalalka kale ee danuhu ay ka dhexeeyaan oo ay ka mid yihiin Diblomaasiyiinta dalalkaasi u fadhiya wadamada uu booqanayo.

Waxa dhawaan soo baxday in deeq bixiyayaashu ay ku tallo galeen kharash daboolaya meelihii doorashooyinkii hore ee Somaliland ay ka dhaceen oo kaliya.Hadaba guddida xaqiiqa raadinta ee loo diray Sool, Sanaag Barri iyo Degmada Buuhoodle oo ay hogaaminayeen Komishanka Doorashooyinku waxa ay dhawaan soo qiimeeyeen tiro aad uga badan intii hore ee ay ugu tallo galeen deeq bixiyayaashu.

Sidaa daraadeed ayuu yidhi Madaxweynuhu xukuumadu iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxa ay go'aansatay in ay daboosho kharashka Gaadiidka, Shidaalka iyo kharashka kale ee ku baxaya shaqaalaha gobolladaasi ka hawl galaya, si ay shacbiga gobolladaasi u helaan xuquuqdooda muwaadinimo ee la xidhiidha in ay si buuxda uga qayb galaan diiwaan gelinta socota iyo doorashooyinka inagu soo fool lehba.

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ahaa Wasiirada Maaliyada, Arrimaha Dibadda, La Taliyaha Madaxweynaha ee Ciidamada iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha."

Source: Hadhwanaag News



 








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp