Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Mudane Axmed Xaabsade Oo Ugu Baaqay Gobolka Sool iyo Gobolka Sanaag Diyaargarowga Diiwaangelinta
December 19, 2008


Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah Siyaasiyiinta Waaweyn ee G/ Sool ayaa markii u horeysay faahfaahin ka bixiyay habsami u socodka Diiwaangelinta Dalka ka socota gaar ahaan gobolada galbeedka dalka. Sidaas oo kalena laga rajaynayo in ay uga dhacaan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool Gobollada Bariga Somaliland ee aanay diiwaangelintu ka dhicin inay u diyaar garoobaan sidii ay u qaabili lahaayeen hawlwadeenada u tegi doona, isla markaana muujiyaan Yuhuunta ay u qabaan Diiwaan gelin ka dhacda Gobolladooda.
.
Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay Xukuumada Somaliland, Komishanka Doorashooyinka, Xisbiyada Qaranka iyo Shacbiga Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay meel uga soo wada jeesteen sidii ay u dhaqaajin lahaayeen Dimuqraadiyada dalka ka hanaqaaday iyo xaqiijinta tirakoobka rasmiga ah ee shacbiga Somaliland.

Mr. Xaabsade oo maanta u waramay qaar ka mid warbaahinta Maxaliga ah waxa uu si gaar ah ugu ammaanay Madaxweyne Rayaale Mowqifka cad ee uu iska taagay dhamaystirka Diiwangelinta, iyo sida kartida iyo xilkasnimada leh ee uu ugu guntaday fidinta Diiwaangelinta ee gobolada Bariga Somaliland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka cago jiideen Hay'adaha Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah.

Isagoo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi: "Waxa Beryahan la hor taagnaa in Sool iyo Sanaag ka fusho diiwaangelintu, oo hay'adaha Caalamiga ahi is hor tageen inay halkaa (Bariga Somaliland) Diiwaangelintu ka Qabsoonto, Hase yeeshee waxaan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha JSL Md, Daahir Rayaale Mowqifka uu qaatay ee ah inay lagama maarmaan tahay in Sool iyo Sanaag ay ka dhacaan Diiwaangelintu, oo uu isagu (Madaxweyne Rayaale) kharashkii ku bixi lahaa dusha u ritay.

Dadka reer Sool iyo Sanaag waxaan aad iyo aad ugu dhiiri gelinayaa inay u diyaar garoobaan diiwaangelinta ku soo food leh, kuna daydaan sidii ay gobolada kale yeeleen oo ay muujiyaan yuhuunta ay u qabaan diiwaangelinta, isla markaana Amniga iyo nabadgelyada ilaaliyaan. Taasoo Cadaynaysa gobolnimadooda iyo Jiritaankooda Qaranimaba."

Axmed Cabdi Xaabsade oo ah ruug cadaa si weyn looga yaqaan gobollada Bariga Somaliland, iyo guud ahaan Somaliyaba ayaa dhawaaqan ka soo yeedhay la filayaa sida uu ula dhacsan yahay diiwaangelinta inay rajo gelinayso dadka ku dhaqan goboladaas.

Source: Qarannews


 

 








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp