Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

C/Casiis Wiil Loo Aayey
December 17, 2008


Waxaa wareysaneysay, maanta wiilkaa C/Casiis, weriyaha VOA ee HGSA. C/Casiis waa 11jir. Qoyskoodu waxuu kakoobanyahay hooyo iyo aabo,4wiil iyo 2gabdhood. Wiilasha midbaa jira Jabuuti . C/Casiis isagaa qoyska ushaqeeya. Kolba suuqa siduu yahay ayuu wax u helaa, mar mar 1000 kun oo shilin mar marna ilaa 15kun oo shilin sagaalkuu soo shaqa tagaa 5tana wuu rawaxaa. Maalmahan suuqaa ku xun oo saacado siyaada ah ayuu shaqeeyaa. Markan ey wareysaneysay gabadhan weriyaha ah VOA saacadu waxay ahayd 8.55 pm (cishaa iga dabadii) Waxuu C/Casiis uu sheegayin uu jecelyahay in uu qoyskooda u shaqeeyo oo uu noloshooda kor uqaado markuu weynaada uu ahaado nin muraqiisa maala. C/Casiis salaan iga gudoon oo Willkii loo aayey noqo xilkaa aad qaaday adoo curdina ah ayaa muujinaya inaad tahay wiil kaduwan wiilkaduwan in badan oo ay isku facyihiin, anoo qiraya in ay jiraan kuwa badanoo kula midah. Waxaa i horyimi C/Fataax yare oo aan muddo dhowrsana ah aroorkasta ka iibsan jirrey wergeysyada kasoo baxa HGSA. Wuuka weynaa 11jir laakiin isna reerkooduu masruufi jirrey. Waxaan aad uga naxay C/Casiisoow markii weriyuhu ku weydiiyey inaad waxbaratay iyo inkale ee aad ku jawaabtay kuma jirro school. Qofku rag iyo dumar kuu doona u ahaadee inuu dugsi helaa oo uu waxbartaa waa xaq kamid ah xuquuqal insaanka bishan dec 10keedii, loo dabaaldegay 60guuradiisii. Marxuum Daahaa Xuseen, qoraagii masriga ahaa ee caanka ahaa, ayaa mar uu wasiirka waxbarashada ee masar kudhawaaqay in ay wax barashadu sida hawada iyo biyaha ay u tahay bini adamka. Hadal meesha ku jira inuu yahay iyo inkale garan maayee intaan waxbarashada somaliland masuulka ka ahaa. Waxaan ugu necbaa oo aan u murugoon jirrey murugo cidina aanay ii ogeyn maalinta ardayda cusub la qaadanayo ee dugsiyada hoose haldugsi amba 2 ayaan soo ag mari jirrey. Markaan arko dhowr 100 oo caruura oo tiro aad uyar laga qaatay intii kalena meel loo waayey ayaan caga jiidkusoo dhaafi jirrey dugsigaa. Weli waa sidii inkastooy dugsiyadu kordheen saaseyna muddo dheer ahaanaysaa .Xukuumad lagu canaanan karaa majirto maxaa ilmo walbaa dugsi u waayey. Taagteenaa yar duruuf adagna weynu ku jirraa .

C/Casiis iyo kuwa lamidki ihi, waxaan ku rajo weynahay inney ku guuleysan doonaan nolosha .Waxaan ku rajo weynahay in caruurtaasi aydhaaftey markey yaryaraayeen ay baran doonaan markey weyweynaadaan.Ururo badanoo sama fal ah ayeynu leenahay.C/Casiis waxaan salaamyaa raganimadaada, xilkasnimadaada iyo balantaad qaaday inaad qeybtaa waxku ool ka qaadatid nolosha qoyskiina .Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu kugu guuleeyo halgankaa xalaasha ah ee aad ku jirto.Weriyaha VOA ee sawirkaa wiilkaa inna soo hordhigeyna waxaan ugu mahad naqayaa sheekadaa dad bada oo dhageystay sigaar ah ugu dhadhantay . C/Casiis hor u socod barekeysan.

Qoraalkii A.Y.Ducaale




 








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp