Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

H A M B A L Y O
August 31, 2008

Muuse Ibraahim Bookh, Ismaaciil Cumar Sheekh Muxumed, Cabdifataax Axmed Yuusuf Ducaale, Yaasiin Cabdi Muxumed, Zubeer Maxamed Cabdi, Axmed Cabdifataax Axmed iyo Xuseen Cabdifataah Axmed, dhamaantood waxay hambalyo u dirayaan Saciid Cabdi Muuse Iyo Amran Maxamed Ismaaciil Kaahin oo arooskoodu ka shacay wadanka Canada gaar ahaan Magalada Toronto. Waxaanu leenahay noqda kuwii isku raaga, ubad khayr qabana kala hela...... Amiin Amiin!

Warar Waabsan
August 31, 2008

Wasiirka Awqaafta ee Somaliland oo sheegay in beri oo Isniin ah September 1 2008 ay bilaabmayso bishii Ramadaan ee barakaysneyd. Gudi ka tirsan Guurtida Somaliland ayaa ku guuleysatay in ay nabad ka dhaxdhaliso laba reer oo wada degan adhi cadeeye, Gobolka Sool; taas oo shirkii lagu xidhay hawshaa ay kasoo qaybgaleen maamulka Gobolka Sool Laascaanood iyo Madax Dhaqameedyaba. Tahriibayaal tiraba 1100 qof ah kana baxay xeebaha boosaaso u dhow ayaa YEMEN galay.

Baydhaba.. Geesahaaa La Iskula Jiraa
August 29, 2008

August 28, 2008 Shalay markay Nuurcade iyo C/Laahi Yuusuf ka warameyeen barlamaanka impagati gudihiisa, sawaxan, qaylo iyo buuq ayaa lagu hafiyey warbixintoodii, taas oo ay aadkaatay in la maqlo waxay lahaayeen. Waxa muuqatay in baarlamaanka oo laba u qaybsamaa, ay ka mideysnaayeen diidmada ay diidan yihiin hesheesiinta masuuliyiinta oo lagala baydhay Golaha Baarlamaanka. HORE WAXAA GOLAHA U TAALAY SOO JEDIN KALSOONAANTA LOO QAADAYO NUURCADE IYO WASIIRADIISA .Waxa shalay barlamaanka impagati waxaa iyana loo dhiibay soo jeein iyana laleeyahay 'IMPEACHMENT' halagu qaado cabdilaahi yuusuf.

HESHIIS BILOW AH OO KULMIYE.....
August 28, 2008

Heshiis bilow ah oo dhexmarray, Kulmiye labadiisii dhinac ee is khilaafay, ayaa waxaa saxeexay 14 xubnood oo labada dhinac ka tirsan. Heshiiska waxaa saldhig u ah in wixii khilaaf ah ee ka dhashay Golaha Dhexe ee xisbigga kulankiisii Burco wada hadal lagu dhameeyo. Waxa kale oo heshiisku dhigayaa in aan labada dhinac is dacaayadeen inta fadhigu u socdo; iyadoo kulankooda u horeeyaa ka dhicidoona Hargeysa bisha September 2-deeda.

Roobab Laxaadle Oo Onkod Iyo danab Wata Ayaa Xalay Ka Da'ay Caasimada Gobolka Gabiley
August 26, 2008

Roobab laxaadle oo onkod iyo danab wata ayaa xalay ka da'ay caasimada Gobolka Gabiley, roobabkaasi waxay wateen danab laxaadle oo gilgilay guud ahaanba magaalada isaga sida la sheegay uu khasaare u gaystay gabadh koomo ku gashay naxdintii gariirka danabka waxaa kale oo iyana khasaare soo gaadhay qalabka electroc-ka sid Tv-yada,computer-ada, telephonada, receiver-adda, laanbadaha laydhka oo ilaa 40 xaafado iyo meherado iskugu jira ka gubay qalab farabadan. Waxaa si wayn looga dareemay magaalada oo dhan iyada oo qof waliba ku dhacay halkii uu fadhiyay naxdinta ka soo gaadhay qariirka danabkaasi oo ruxay guud ahaanba caasimada Gobolka Gabiley.

Warar Waabsan
August 26, 2008

Rushka oo maanta aqoonsaday South Ossetia iyo Abkhazia inney yihiin laba dowladood oo madax banaan. Mugabi uu markuu barlamanka Zimbabwe furayey khudbadiisii xubnaha xisbigga mucaaridka ahi ku hafiyeen qeylo hees iyo buuq. Saxafiyad Canada u dhalatay iyo saxafi sawirla ah oo u dhashay Australia, laguna afduubay agagaarka Xamar ayaa weli la laayahay. Cabdilaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo heshiis ku saxeexay ADDIS. Maxamed Dheere iyo badhasaabka iyo duqa Muqdisho oo ay ciidamada Itoobiya ka jooga u diideen in shaqaalihiisu cashuur ka uririyaan cashuurihiisa

H A M B A L Y O
August 25, 2008

Hambalyo Maxamed Taani, Xussen Cabdi Taani, Axmed Yuusuf Ducaale, Ibraahim Maxamed Meecaad, Abshir Nuur Cumar, Ibraahim Meygaag Samatar, Yuusuf Warro Oogo, Cabdi Xuseen Miyir, Ibraahim Aadan Faahiye, Shukri Kheyre , Cabdi Kariim Xassan Caalin, Muuse Ibraahim Bookh iyo Reer Cumar Xuseen sidey u dhan yihiin waxay hambalyo u dirayaan Ibraahim Cumar Xuseen iyo Huda Maxamuud Axmed oo meherkoodii ka dhacay Magaalada Ottawa ee caasimada Canada.

Warar Waabsan
August 25, 2008

Dawlada Itoobiya oo 'rajo beel' ku tilmaantay xaalada Soomaaliya markuu dhammaan waayey khilaafka madaxda maamulka IMPAGATI. 90 Xildhibaan oo ka tirsan barlamaanka IMPAGATI ayaa soo jeediyey in kalsoonaanta barlamaanku kala noqdo maamulka Nuur Cadde. Xisbigga Morgan Gangaray ayaa ku guuleystay jaggadii Gudoomiyaha Aqalka Hoose Parlamaanka ee Zimbabawe.

Warar Waabsan
August 22, 2008

War aan rasmi ahayn oo soo gaadhay SOMALI LAND HORTA, ayaa sheegay in Cali Maxamed Waran Cadde, Wasiirka Duulista iyo Hawadu xilkii iska casiley. Madaxtooyada wax arrintaa cadeynaya kama soo bixin. MASJID ABU- HUREYRAH kuna yaala Bakaaraha, ayuu shalay ku habsadey madfac laga soo ridday halkuu degan yahy C/Laahi Yuusuf; halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan oo salaadii duhur masaajidka ku tukanayey. Marxuum Faysal Xaaji Jaamac Geedi oo marahaa gudoomiyah maxkamada sare ee S/LAND and ayaa shalay ku geeriyooday magaalada HGSA

H A M B A L Y O
August 12, 2008

Reer Axmed Yuusuf Ducaale hambalyo kal iyo laab ah ayay u dirayaan Yuusuf Xaaji Cumar Xuseen iyo Hana Maxamuud Aw -Aadan oo aqalkoodii ka dhacay 10/08/2008 Magaalada Toronto.Labadii isku raaga ee isku reeya ubadkheyr qabana kala hela, Allah ha ka yeelo . AAMIIN AAMIIN

Warar Waabsan
August 12, 2008

Gudoomiyaha Kulmiye oo ku dadaalay, waraysiyo uu siiyey geeska africa iyo BBCda, in uu afkiisa ka dhowro shirbeeleed markuu tilmaamayey shirka gar adag, adeegsadeyna 'SHIR DEEGAAN', Ayaa shirkaa ku tilmaamay shir lagaga hadlayey danaha deegaanka, jaar-wanaag deegaanada kale lala yeesho, turxaan bixin iyo in la isa saamaxo. Wuxuu intaa raaciyey inney dawladu ka xishooto, in dalka argagaxiso ka jirto inney ku dhawaaqdo, issagoo raaciyey in aanu soo arrag, jiidaa markuu marayey waxnabadgelyo daro ah. Waxay dadbadani is weydiinayaan gaadhiga kurka laga jarray iyo ka Laxaamada ah ee bariga Burco , haddaanay hawl galguracan ku jirin ma arroos ayey u dabaal-degayeen.

Warar Waabsan
August 11, 2008

Kulmiye ayaa ku eedeeyay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu u gafay XIRSI CALI XASAN, Markuu ku tilmaamay Xirsi innuu xidhiidh la leeyahay 'Al-shabaab'; taas oo ka dhigaysa S/Land meel aan xasilooneyn, aqoonsigeenana dhaawacaysa. UCID ayaa ku tilmaamay eedeyntii Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ku eedeeyay Xirsi Cali Xaaji Xasan "hadal aanu hubsan". Isla markaana Xisbiga UCID WAXUU TIBAAXAY kuwa gawaadhiga kurka ka jaray, in aanay colaad ay abuuraan, aanay dadka Somaliland taageero kaga helayn. Culeys laxaad leh ayey Ethiopia ku haysaa, 2da mas'uul ee impagati , khilaafka dhexdooda ah, in ay soo afjaraan .

Warar Waabsan
August 10, 2008

Maxamed Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyey inuu walaalkii Xirsi Cali Xaji Xasan xidhiidh la leeyahay kooxda "Al-Shabaab" uu shallay ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Sideed nin iyo laba gaadhi ayaa Burco lagu soo xidhay oo loo maleynayo inney dhaqdhaqaaq is abaabul ah ku jireen oo ku wajaahan maamulka dalka, ansa weli toos aan eedeyn loogu jeedin. 10 Arday oo assalkoodu Soomaali yahay ayay ciidamada ammaanka ee Pakistan xabsiga u taxaabeen .

H A M B A L Y O
August 9, 2008

Xaaji Cumar Xuseen, Axmed Cumar Caga Dable, Cali Xaaji Yuusuf, Axmed Yuusuf Ducaale, Xuseen Cabdi Taani iyo Maxamuud Yuusuf Ducaale, Waxay Hambalyo u dirayaan Jacfar Maxamed Diiriye iyo Xamda Maxamed Taani , oo uu shalay meherkoodii ka dhacay Masjid Abu -Hurayrah, Magaalada Toronto, Canada

Warar Waabsan
August 6, 2008

Shirkii gar adag oo dhinac u hoggaaminayaa boqor Cismaan Maxamuud (Buur Madow) uu leeyahay wuu burburay oo shirka kooban ayey Caynabo ku qabteen halka dhinaca kale leeyahay shirkii wuu socdaa ee boqorka iyo in lasocota ayaa ka baxay khilaaf in uu jirro ayaa sugan, intuu yahay se weli muran ayaa ka jirra. Markabkii badweynta India ku degay, warar cusub ayaa sheegaya in xoolaha saara xoogooga ganacsato reer Jabuuti ahi lahaayeen. Mauritania waxaa ka dhacay af-gambi ay ciidamada qalabka sidaa xukunkii kula wareegeen.

Warar Waabsan
August 5, 2008

Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah, kuna sii jeeday Berbera, xoolaha saaraa lagu qadaray 15Million oo Dollar ayaa maanta ku degay isagoo Berbera ku soo sacda. 2 sarkaal oo laga afduubay Shabeelada Hoose muddo 4 bilood ka hor ah una dhashay Talyaaniga ayaa maanta la siidaayay. Jacob Zuma, Gudoomiyaha ee NCda Africada Koonfureed, lana filayo inuu isu taago madaxweyna nimada dalkiisa sanadka soo socda, ayaa dacwado la xiriira musuqmaasuq oo ay maxkamadi ku qaadaysay, galeen maalintii 2aad. Alexander Solshenetsin oo ahaa qoraa caalami ah , helayna abaalmarrinta la yiraa Nobel ee suugaanta 1974 ,una dhashay dalka rushka xoogna uga horyimid maamulkii Middowga Soviety ayaa shalay ku geeriyooday dalkaa Rusia cimrigiisa oo ah 89yrs.

Gaadhi Laga Soo Dhacay Hay'adaha Garoowe Oo Soo Gaadhey Laascaanood
August 3, 2008

Gaadhigan ayaa wuxuu soo galay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Duhurnimadii maanta waxaan watey saddex dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Gobolka Sool. Weli macada Hayada leh gaadhigan balse wararku waxay xaqijinayaan in laga soo dhacay Hayadaha Sama falaka ee ka dhex shaqeeya Maamul Goboleedka Puntland, waxaa jirey gawadhi badan oo ah nooca dagaalka iyo xaragada oo lagala soo galay Puntland balse waa markii ugu horeysey oo Garowe laga soo dhaco Gaadhi Hayaadeed. Isla maantaba gaadhigii waxaa gacanta ku dhigay Maamulka Gobolka iyo Booliska oo qabtay gaadhigii iyo dhalinyaradii soo dhacdayba ka dibna Saldhiga dhexe ee Laascaanood bay ku xareeyeen gaadhigii iyo dhalinyaradiiba



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp