Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Xisbiga UDUB, Oo Sheegay In Aan Madaxweynaha Cidna Isla Soo Sharaxaynin
August 31, 2008


Xisbiga UDUB ayaa si rasmi ah u sheegay inaanay jirin cid Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kula loolami doonta Murashaxnimada Madaxweynenimo ee xisbigaas uu gudoomiyaha u yahay.

Gudoomiyaha Guddida Siyaasada ee Xisbiga UDUB Mudane Cumar Jaamac Faarax oo ay xalay wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyay halka uu marayo qaban qaabada shirweynihii xisbigaasi , ayaa sheegay in Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo tallada xisbigaas isaga hooseeyaa noqon doonaan labada nin ee mar labaad xisbigaas uga qayb geli doona doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay qabsoonto sanadka 2009, waxaanu sheegay in shirweynihii xisbiga la qaban doono marka ay dhamaato bisha Barakaysan ee Ramadaan.

“Waxaanu hadda diyaarinaynaa guddiyadii qaban qaabada wixii Ramadaanta ka dambeeya ayaanu ku tallo jirnaa inaanu qabsano shirweynahayaga” ayuu yidhi Md Cumar Jaamac. Isaga oo ka jawaabayay inay jiraan wax murashaxiin ah oo gudaha xisbigaas kula tartami doonta Madaxweyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin amaba Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu yidhi “Sida uu dhaqanka siyaasadu yahay , xisbiga talada haya gudoomiyaha xisbigaas cid kale islama sharaxdo , sida la ogyahay Madaxweynaha Maraykanka teeramkiisii labaad cidi islama sharixin xisbigiisa Jamhuuriga, Bill Clinton oo ka horeeyay xisbigiisa dimuqraadiga cidi islama soo sharaxin , xisbiga Mucaaradka ee Ingiriiska isna cidi islama sharixin, markaas ilaa hadda ma jirto cid taagan oo isla soo sharaxaysa, ee waxa u taagan oo u sharaxan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbigayaga. Anagu ma nihin xisbi Mucaarad ah oo gooni taagan oo sidaas la isula sharaxayo, ee waa dhaqanka siyaasada oo xisbiyada adduunka oo dhan waa sidaas, cidina xisbiga talada haya teeramka labaad islama soo sharaxdo meel kasta oo ay dimuqraadiyadi ka jirto

__

Source: Qaran News








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp