Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Riiggii Ka Qodayay Ceelka Xunbo-wayne Oo Ceelkii Labaad Bisho Ka Gaadhay
August 31, 2008


Eng Maxamed oo ah injineerka ku qodaya riigaasi u dhashay dalka Suuriya ayaa isaguna wuxuu warbixin ka siiyay ceelkaa labaad

Riigii Ceelasha biyaha ka qodayay tuulada Xumbo weyne oo ilaa 18km waqooyi bari kaga beegan Magaalada Hargeysa ayaa dhamaystiray Ceelkii labaad ee uu biyo ka gaadho. Riigan oo ah riig casriya oo uu inagu caawiyay inuu dalka ceelal biyoodyo fara badan ka qodo raysal wasaare ku xigeenka dawlada Imaaraadka Carabta Sh. Xamdaan Binu Saa’id , waxa uu ka dambeeyay safarkii uu Madaxweynuhu ku tegay imaaraadka carabta oo uu waydistay inay dhinaca qodaalka biyaha ka caawiyaan Somaliland.

Xoghayaha Madaxweynaha JSL Daahir Cali Iid oo shalay kormeer ku tegay dooxa Xumbo weyne ee riigaasi hada ka qodayo ceelasha ayaa isagoo saxaafada ugu waramayay goobtaasi waxa uu sheegay in ceelkan labaad ee uu dhameeyay riigu uu biyaha kaga gaadhay 130 mitir, kaasi oo loo dhamays tiray keesinki ceelka lagu xidhayay iyo daynabadii biyaha ka soo saaraysayba, isla markaana uu hore u dhamaystiray ceel 140 Mitir ay isna biyo kaga gaadheen , iyadoo uu isla shalayna bilaabay qodida ceelkii saddexaad.

Waxa kale oo uu sheegay in ceelasha biyaha ee la qodayaa ay qayb ka yihiin dedaalada Madaxweynuhu ugu jiro inuu biyaha ku filan caasimada iyo guud ahaan dalkaba intii laga heli karo uu ugu soo saaro.

Waxa uu tilmaamay in uu u bogay siday hawsha qodista biyo soo saarka u wadaan hawl wadeenada riigaasi , kuwaasi oo uu sheegay inay si xilkasnimo ah shaqadooda u wadaan , isla markaana waxa uu u mahad celiyay hawl wadeeno riigaasi oo ah mid casriya oo lagu wado inuu ceelal badan oo kale dalka ka qodo.

Eng Maxamed oo ah injineerka ku qodaya riigaasi u dhashay dalka Suuriya ayaa isaguna wuxuu warbixin ka siiyay ceelkaa labaad ee ay dhameeyeen iyo kii hore ee ay halkaasi ka qodeenba Xoghayaha Madaxweynaha Daahir Cali Iid, wuxuuna si qoto dheer sharaxaad uga bixiyay ceelashan uu dhamaystiray ee Xumbo-weyne oo uu sheegay inay biyahoodu ay bad yihiin , isla markaana ceelashaasi biyo badnaan waxay ka qabaan xataa iyadoon bam biyaha ka soo saarin loo isticmaalin laga cabi karayo , kuwaasi oo sidii dur durka ay biyuhu uga soo baxayaan ama uga soo butaacayaan.

Riigan ayaa hore laba ceel uga soo qoday Botor oo degmada Gabilay ka tirsan.

__

Source: Gabiley Net








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp