Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Si Kulul U Beeniyay In Wax Cashuur Ah Lagu Soo Rogay Xawaaladaha
August 28, 2008


Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale ayaa si kulul u beeniyay in wax cashuur ah lagu soo rogay xawaaladaha iyo lacagaha ay dadweynuhu dhigtaan ama ku dirsadaan, gaar ahaana kuwa loogu soo diro.

Hadalkan wasiirka ayaa daba socday eedayn ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo sheegay in xukuumadu cashuur ku soo rogayso lacagihii biilasha ee dadka qurbaha jooga u soo diraan eheladooda Somaliland ku sugan, arintaasi oo uu Mr. Siilaanyo ka yidhi khudbad uu ka jeediyay bilowgii shirka golaha dhexe ee xisbigiisa uga qabsoomay Magaalada Burco 24-bishan aynu ku jirno xiligaas oo uu ka hadlayay xukuumada talada haysa oo uu ku tilmaamay mid boob iyo waali ku dhaqmaysa.

Wasiirka Maaliyada Mr. Cawil ayaa jawaabta uu ka bixiyay hadalkaa Siilaanyo ka soo yeedhay ahaa wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Kulan ay lahaayeen gudida dhaqaalaha ee xukuumada Somaliland oo kulan maalintii shalay ku yeeshay xarunta wasaarada Beeraha, markaas oo saxaafadu wax ka waydisay kulankooda iyo wixii lagaga arinsanayay iyo sidoo kale waxa ka jira eedaymaha Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE .

Hadaba wasiirka oo ugu horayn ka hadlaya kulanka gudida dhaqaalaha iyo xawaaladaha dhex maray ayaa waxa uu yidhi "Arrintayadu wada tashi bay ahayd aanu xawaaladaha la yeelanay, muwaadinka lacagtiisii dalka galiyey ee waxsoo Saar sameeyey ixtiraam ayuu mudan yahay sababtoo ah waxa jira qaar kale oo muwaadiniin ah oo lacagtooda Baananka Yurub dhigta, markaa qofka muwaadinka ah ee dalkiisa maal gashadaa ixtiraam ayuu mudan yahay. Islaanta Tamaandhada iibisa ee Caruur agoon ah ku biilisa cashuur bay bixisaa xaqna way u leedahay xaqna way u leedahay in la ilaaliyo cashuurta laga qaadaa halkay ku baxdo”

Wasiirka Maaliyada Mr. Cawil oo ka jawaabaya eedayn Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka soo yeedhay ee uu ku sheegay in xukuumadu damacsan tahay cashuur ay ku soo rogayso Xawaaladaha iyo dadka lacagaha ku dirsada gaar ahaana biilasha loo soo dhigo qoysaska reer Somaliland ee eheladoodu dibadaha ku maqan yihiin ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo arin been ah isagoo ka hadlayana wuxuu yidhi "Waxaan maqlay ayaan dhawayd Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE oo yidhi dawalddu dadkay u soo dhigatay oo ay cashuuro dheeraad ah ku soo rogtay intii yarayd ee xawaaladaha loo soo dhigayey, waxaan leeyahay arrintaa waxba kama jiraan oo waa been

__

Source: Qaran News








 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp